Wednesday, August 26, 2015

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Tobnaad Q 10aad.

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Tobnaad Q 10aad.
Jaamacadan loo la yidhaahdo ( Pantheon-Sorbonne Univesity) ayaa uu aasaasaheegii rukumada u dhigey uu ahaa wadaad diinta kiristiyaanka ahaa oo ku magac dheeraa Robert Sorbone, waxaanu jaamacadan dhaqaalaha iyo barashada culuunta ku saabsan xidhiidhka caalamiga ah uu bud-dhigey qarnigii 13aad marka aay taariikhdu ahaayd 1252 A.D
Cumar Qureesh Yuusuf Samater oo loo yaqaano (Cumar Dhuxule) iyo Cabdi Xaadhato oo ilma habreeda ayaa ahaa laba nin oo meel ku soo wada barbaaray ilaa yaraantoodii, Dugsia waxbarasho hoose dhexe ka baxay Magaalada Gabiley oo Dugsigoodii Sare-na ku soo dhamaystey Camuud sannad dugsiiyeedkii 1973-1974 oo markuu sannadku ahaana 1975 kii ku guulaystey ardey deeq waxbarasho ah loogu direy debadaha gaar ahaan dalka faransiiska halkaas oo aay labadooduba aay jaamacada culuunta siyaasada iyo dhaqaala ah aay ka dhigteen oo aay ka soo qaateen digriiga loo yaqaan ( Internatinal Relation and economy).
Markii aay deeqda waxbarasho aay dawladii soomaliyeed ee mileteriga ahaayd Cumar iyo Cabdi Xaadhato aay u dirtey jaamacada qadiimiga ah ee lagu barto xidhiidhka caalamiga ah iyo barashada culuunta dhaqaalaha waxa aay noqdeen Cumar Dhuxule iyo Cabdi Xaadhato laba ardey oo aad looga majiirto xagga waxbarashada culuunta aay jaamacadaasi oo ka mida jaamacadaha aduunka kuwa uugu caansan uuguna qadiimsan ee aay dhiganayeen.
Jaamacadan oo ku taala magaalo maddaxda dalka faransiiska gaar ahaan caasimada Paris ayaa marka laga sheekaaynayo jaamacadan lagu barto xidhiidhka caalamiga ah iyo culuunta dhaqaalaha lagu tilmaamaa jaamacadan in aay tahay oo aay ka mid tahay jaamacadaha uugu caansan uuguna qadiimsan dunida. Jaamacadan loo la yidhaahdo Pantheon-Sorbonne Univesity) ayaa uu aasaasaheegii rukumada u dhigey uu ahaa wadaad diinta kiristiyaanka ahaa oo ku magac dheeraa Robert Sorbone, waxaanu jaamacadan dhaqaalaha iyo barashada culuunta ku saabsan xidhiidhka caalamiga ah uu bud-dhigey qarnigii 13aad marka aay taariikhdu ahaayd 1252 A.D, xilligaasi oo jaamacadan (Pantheon-Sorbonne University) iyo jaamacada Oxford ee dalka ingiriiska mar lawada bilaabay.
Cumar Dhuxule iyo Cabdi Xaadhato intii aay waxbarashada jaamacadeed aay u joogeen magaalo maddaxda Paris ee dalka faransiiska waxa aay muujiyeen dadaal aad u adag iyo weliba in aay is dhex gel iyo xidhiidh qotodheer leh aay la wadaagaan bulshadii faransiiska ahaayd ee aay wada noolaayeen iyo ardeydii aay jamacada wada dhigan jireen ee ajaanibnka kale ahayd, waxaana la badoodu baaxuuri ku noqdeen oo aay ku gabyi jireen luuqada faransiiska oo loo qaano afka dibloomasiga (Diplomacy Langauge).
faransiiska oo loo qaano afka dibloomasiga (Diplomacy Langauge).
Jaamacada aay dhiganayeen waxa aay ku barteen laba gabdhood oo u dhashay wadankaa faransiiska ee aay jaamacada kaga jireen; Weloo aanu Cumar Dhuxule marnaba ka sheekaayn ama aanuba ka jawaabin gabadh faransiisa oo la sheegay in aay jamacadaasi isku guursadeen oo aay u dhashay laba hablood oo mataano ah oo marka la weydiiyo uu dafiraad inta uu indhaha u cadeeyo cida arintaasi ku soo hadal qaada ama wax ka waaydiisa uu ku odhan jirey waxba kama jiraan waxaa aad sheegaysaan ayaa marka aad eegtid dhinaca kale ee dadku waxa ka weydiiyaan Cabdi Xaadhato in uu gabadh faransiisa xidhiidho nololeed aay soo wada qaateen wakhtigii uu Paris waxbarashada u joogey ayuu Cabdi Xaadhato markiiba si aan ka hakasho lahaayn oo hagar la,aana uu kuugu waadixinayaa jecaylkii guunka ahaa ee soo kala dhex maray isaga iyo gabadh la odhan jirey ( Katherine Beauharnias )oo u dhalatey magaalada maarsayl ee dalka faransiiska.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Saqaalaad Q9aad.

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Saqaalaad Q9aad.
Jaamacada aay dhiganayeen waxa aay ku barteen laba gabdhood oo u dhashay wadankaa faransiiska ee aay jaamacada kaga jireen; Weloo aanu Cumar Dhuxule marnaba ka sheekaayn ama aanuba ka jawaabin gabadh faransiisa oo la sheegay in aay jamacadaasi isku guursadeen oo aay u dhashay laba hablood oo mataano ah oo marka la weydiiyo uu dafiraad inta uu indhaha u cadeeyo cida arintaasi ku soo hadal qaada ama wax ka waaydiisa
Odeyga gadhka cas ee sheekadii uu noo wadey Cabdi Xaadhato naga soo dhex galey ayaa ah odayaasha uugu ixttiraamka badan deegaanka bus oo ah deegaanka duleedka Degmada Gabiley oo uu ka soo jeedo Cabdi Xaadhato magaca odeygina waa Chief Caaqil Cumar Buux, adeerna u aha Cabdi Cilmi Buux oo loo yaqaano (Cabdi Xaadhato ).
Chief Caaqil Cumar Buux oo la dhashay Cilmi Buux ayaa waxa uu u sidey Cabdi Xaadhato fariin culus oo weliba argagax aan la soo koobin karin ku beertey Cabdi Xaadhato wejigiisana waxaa ka muuqda murugu iyo welbahaar aan la qeexi karin, Inkastoo arinkaasi aan jeclaa in aan aniga iyo dhamaan dhalin yartii ku cawaayneysey geedaha miraanmirida hoostooda ee meherada Cabdi Xaadhato aan aad u jeclay in aanu wax ka ogaano arinkaa murugada geliyey ee bedaley wejigii farxada badnaa ee Cabdi Xaadhato ka muuqdey belowgii hore ee fiidka ayaanu suurto gel noo noqon in aanu xogo-badan ka ogaano arinkaasi markuu uu roob baaxadlehi cidhifyada isa soo qabsadey oo uu noo kala diray in uu ruux kastaaba ku beego jihadii uu hoygoodu markaasi ahaa.
Iyaba waahibo Eebe,e waxaad mararka qaarkood aad arkaysaa Cabdi Xaadhato oo isla goobtaa aay ardaydu fadhiyaan inta uu dhexda u fadhiistey daadihinaayan sheekooyin dareenkooda iyo dhagahooda qaatey oo aanad arkayn mid ka mida dhalin yartaa oo inta uu sheekaaynayo Cabdi Xaadhato marnaa meel kale u dareenkiisa ujeedinayo oo ka baxsan dhagaaysiga sheekada Cabdi Xaadhato mooyaane. Cabdi Xaadhato dadka magaaladu aad iyo aad baay u qadariyaan waxaana aalaaba aay uugu yeedhaan sheeko xariir oo micnaha nuxurka looga danleeyahay uu yahay ruux aad u sheeko fiican dabeecad wanaag iyo dulqaad badanina uu ku dheehan yahay.
Cabdi Xaadhato waxa aay dadka magaaladu ku xantaan inta badan oo aay ku sifeeyaan in uu yahay nin deeqsiya, geesiya, sharaarad badan oo mararka qaarkood aay gacantu ka soo horaayso oo aay dadka qaar u sifaaysan karaan in uu yahay nin dabeecad xun oo sida qaalibka ah dagaaal badan balse aragtidaasi iyaga ayaay ku gaar tahay oo dadka magaaladu ma qabaan in yar oo faro ku tirisi mooyaane. Dhinaca kale oo inta badan lagu qiimeeyo qofka aadamaha ah ee ilaahaay abuuray oo ah ficilada suuban ee adoomahiisa ilaahaay ku waajibiyey ayaa ah mid inta badan aad ka dheehan karto ficilada joogtada ah ee wanaagsan ee uu alle ka cabsigiisa ku jiro wajiga Cabdi Xaadhato kuwaas oo inta badan uu si joogta ah uugu dhaqmo.
Cabdi Xaadhato waa nin iimaan badan oo salaad xafida shanta salaadood na ku tukada misgiid jaamaca weyn ee magaalada, salaadna salaad kuma daro marka laga reebo marar uu safar dheer uu uugu baqoolayo masaafado fog mooyaane: Cabdi Xaadhato ayaa ah nin gacan furan oo sadaqada la baxa intii haayntiisa ah una hibeeyay isaga inta ka sii liitada qaraabo iyo cidii markaas ilaahaay wax uugu daray.
Cabdi Xaadhato waxa aay ilmo habreed amase aay habra-wadaag ahaayeen Cumar -Qureesh yuusuf Samater oo loo yaqaano Cumar Dhuxule oo ah Magan aabihii. Cumar Qureesh waa nin u dhashay midab casaana oo ah nin aad u cad weloo dhibaato duruufeed oo in muddo dheerba uu ku soo jirey uu midabkiisii casaanka ahaa uu doorsoomay oo uu isku rogay madow dhuxula oo aanad odhan karin ninkan ayaa beri casaa .
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii sideedaad

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Sideedaad Q8aad
Cumar Dhuxule iyo Cabdi Xaadhato intii aay waxbarashada jaamacadeed aay u joogeen magaalo maddaxda Paris ee dalka faransiiska waxa aay muujiyeen dadaal aad u adag iyo weliba in aay is dhex gel iyo xidhiidh qotodheer leh aay la wadaagaan bulshadii faransiiska ahaayd ee aay wada noolaayeen iyo ardeydii aay jamacada wada dhigan jireen ee ajaaninka kale ahayd, waxaana la badoodu baaxuuri ku noqdeen oo aay ku gabyi jireen luuqada faransiiska oo loo qaano afka dibloomasiga (Diplomacy Langauge).
Qisadaasi Cabdi xaadhato markuu badhtanka marinaayo oo aanu dhamaanba wada maqan nahay oo aan ilaa toban fijaan oo shaaha dalbadey anigoo maankaaygu maqan yahay oo aay ku maqan tahay maskaxdaydu safarkii paris oo aaban ka mid noqdey anigu iyo dhamaan asxaabtii goobta ku cawayneysey in aanu xilligaa paris wada joogney sheekadana meel fiican uu marinaayo uun buu odey meeha isa soo taagey oo fariin dhigta uugu qabtey Cabdi Xaadhato, Cabdi Xaadhato intuu sheekadii halkii ku joojiyey isagoo uu wejigiisii farxada badnaa uu anfariir iyo werwer badani ka muuqdo ayuu si dhakso ah inta uu nooga kacey uu nagu salaamadeeyey adeer waa inoo maalin kale.
Markay intaasi dhacday ayaa aniga oo Maxamuud Diheeye ah iyo dhalin yartee goobta wada joogtey inta aanu aad uugu xumaaney sheekadii Cabdi Xadhato ee badhtanka nagaga godey ayaa waxaa dareenkaygii xasilooni nagu soo celisey hees qaraamiya oo uu noo daarey faarax Xaadhato oo ah wiilkii Cabdi Xaadhato, midhaha heestuna waxa aay ahaayeen heesaha qaraamiga loo yaqaan ta uugu qiima badan jiibteeda loo yaqaano beerdilaacshe , midhaha iyo codkan oo uu iska leeyahay alle ha u naxariistee abwaankii qaaliga ahaa ee Cabdillah Qarshe:
Nasiib daridood u nacasoobey
Hadeey weydey naftu tii
Nasin laayd waan nacay
Nolsha aduunyada
Cabdi Xaadhato
Odeyga gadhka cas ee sheekadii uu noo wadey Cabdi Xaadhato naga soo dhex galey ayaa ah odayaasha uugu ixttiraamka badan deegaanka bus oo ah deegaanka duleedka Degmada Gabiley oo uu ka soo jeedo Cabdi Xaadhato magaca odeygina waa Chief Caaqil Cumar Buux, adeerna u aha Cabdi Cilmi Buux oo loo yaqaano (Cabdi Xaadhato ). Chief Caaqil Cumar Buux oo la dhashay Cilmi Buux ayaa waxa uu u sidey Cabdi Xaadhato fariin culus oo weliba argagax aan la soo koobin karin ku beertey Cabdi Xaadhato wejigiisana waxaa ka muuqda murugu iyo welbahaar aan la qeexi karin, Inkastoo arinkaasi aan jeclaa in aan aniga iyo dhamaan dhalin yartii ku cawaayneysey geedaha miraanmirida hoostooda ee meherada Cabdi Xaadhato aan aad u jeclay in aanu wax ka ogaano arinkaa murugada geliyey ee bedaley wejigii farxada badnaa ee Cabdi Xaadhato ka muuqdey belowgii hore ee fiidka ayaanu suurto gel noo noqon in aanu xogo-badan ka ogaano arinkaasi markuu uu roob baaxadlehi cidhifyada isa soo qabsadey oo uu noo kala diray in uu ruux kastaabaku beego jihadii uu hoygoodu markaasi ahaa.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige

Sunday, August 23, 2015

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Toddobaad. Q7

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Toddobaad. Q7 

Cabdi Xaadhato waa nin iimaan badan oo salaad xafida shanta salaadood na ku tukada misgiid jaamaca weyn ee magaalada, salaadna salaad kuma daro marka laga reebo marar uu safar dheer uu uugu baqoolayo masaafado fog mooyaane: Cabdi Xaadhato ayaa ah nin gacan furan oo sadaqada la baxa intii haayntiisa ah una hibeeyay isaga inta ka sii liitada qaraabo iyo cidii markaas ilaahaay wax uugu daray.
Geedahaasi miraanmirida ah waxaa hoostooda daadsanaan jirey kuraas iyo miisas aad u bilicsan , welibana inta aan salaada casar la adimin ayaa labadaas geed ee miraanmirida ah hoostooda aad aay u rushayn jireen cabdi xaadhato iyo inankiisa faarax.
Geedaha laamahooga oo hoosta ah waxaa laga soo luli jirey laba sameecadood oo waaweyn iyo laba guluub oo nal ahaan loo isticmaalo marka uu mugdigu dumo ee fiidka la gaadho.
Goobtan waxaa sidaan horeba u soo sheegnay waxaa aay barkulan u ahaayd dhalin yarta magaalada iyo weliba aqoonyahanka degmada.. Marka laga soo baxo salaada makhrib haddii aad goobtan aad soo garab marto waxaa indhahaaga soo jiidanaya dhalin yarta barbaarta ah ee sida qurruxda badan u wadaagaya kaftan iyo doodo cilmiyeeysan oo inta badan xudun u ah dulucaha kaftan wadaag ee aay leeyihiin maalmaha aay ku kulmaan goobtani oo weliba gaar ahaan maalmaha khamiista ee aay baritona jimce soo galaayo.
Goobtan barkulanta barbaareed uu u xaayn daabay aqoonyahanka iyo dhalinta magalaadu in aay ku kulmaan Cabdi Xaadhato marka aay saacadu gaadha sideeda habeenimo hadaad soo hormarto waxaa dhagahaaga ku soo dhacayaya sawaxanka macaan oo aan dhawaaq badan lahaayn iyo heesaha qaraamiga ah ee weliba kuwa loo yaqaana raaxeey amaba subcis ee aay soo ganayaan sameecadahaa waaweyn ee uu geedaha ka lulayCabdi Xadhato.
Ma iloobo habeenkii jimce ee iigu dambaysey goor aay saacadu ku dhawaayd siddeedii fiidnimo oo aan soo hormaray barkulankaasi medadaalo oo ahaayd meherada Cabdi Xaadhato oo aan koobshaaha uugu soo leexday in aan ka sii qacsiiyo oo aan kaftanka iyo sheekada la wadaago dhalin yartaa iyo aqoonyahankaa barkulanka isku haleelay kaftan aan turxaan lahaayn iyo sheekooyin googoosa oo aad u xiisabadnaa.
Ayaa marka aay sheekadii iyo kaftankii turxaan la haayn muddo yar noo socday oo weliba xalad aada oo dhan badan leh aay noo socota ayaa sheekadaasi jacaylka waxaa dhexda kaga soo boodey Cabdi Xaadhato oo aan dhalin yartu aaney caawa kafileyn goobta waayo waxa uu ka soo laabtey safar uu wajaale uugu maqnaa oo hawl nololeed. Markii aay dhalin yartii aay indhaha qac ku siiyeenba waxaa wajiyadoodii markii horeba faraxsanaa ka soo boodey farxado badan oo aay ku qaabileen qalbi wanaag iyo soo dhaweyn gacmo furan oo weliba uu riyaaqid dareeno xoogleh wata.
Cabdi Xaadhato waxa uu dhalin yartii la daadeheeyay sheekooyin xariirkii badnaa ee uu ilaahaay ku manaaystey, waxaanu u raaridiney dhagahayaga oo aanu aad uuga bogonaayney sheekooyinkiisa. sheekooyinkaa uu nooga sheekaayneyey Cabdi Xaadhato waxaa ku jirtey sheeko aad u xiisa badan oo ku saabsan jecaylkii dhexmaray Abdaandulihii Faransiiska xilligii uu isbedelka kacaanka shicibku ka socdey ee lagaga tuurayey xukunka boqortooyadii Faransiiska ee (King Louis) markay taariikhdu ahaayd 1789-1799 ee lagu diley King Louis iyo xaaskiisa oo meel fagaaraha qorta seef lagaga jarey.
Anigu aad baan u yaaban ahay oo uu maan haaysen Cabdi Xaadhato nin aqoon leh oo weliba qurbaha wax ka yaqaana sheekadii Jenerall Napoleon Bonnaparte iyo jaceylkii dhex marey xaaskiisii Josiphine beaurtne aad baan u yaaban ahay dhalin yartuna dhagaha ayaay taagayaan oo ruuxna xubnihiisa jidhka manuuxinayo oo jabaqdana aad baay iskaga dhawrayaan si aaney ka bogashada sheekadu aaney qalin daar uugu iman. Waxaba aad iiga siiyaabiyey markii uu dhameeyay sheekadii jecaylkii dhex maray abaandaaluhii faransiiska Jeneral Napoleon Bonnaparte iyo xaaskiisii Josiphine Beaurtnee uu noo galay isaga qisa dhaba oo soo martey wakhti Paris oo magaalo maddaxda dalka faransiiska uu jaamacad kaga jirey,qisadan jecaylka ah waxa aay ahaayd qiso aad u xiiso badnayd oo ahaayd qiso jecayl ah oo isaga iyo gabadh faransiisa dhex marteyoo welba dareeno murugo leh wata.!!!!!
La Soco Qormooyinka Dambe .

Khadar Jaambiir Cige

Saturday, August 22, 2015

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Lixaad.

Khadar Jaambiir Egeh's photo.Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Lixaad.
Goobtan barkulanta barbaareed uu u xaayn daabay aqoonyahanka iyo dhalinta magalaadu in aay ku kulmaan Cabdi Xaadhato marka aay saacadu gaadha sideeda habeenimo hadaad soo hormarto waxaa dhagahaaga ku soo dhacayaya sawaxanka macaan oo aan dhawaaq badan lahaayn iyo heesaha qaraamiga ah ee weliba kuwa loo yaqaana raaxeey amaaba subcis ee aay soo ganayaan sameecadahaa waaweyn ee uu geedaha ka lulay Cabdi Xadhato.
Magan waxa uu saaxiib la kala dhexmarin aay ahaayeen Faarax Xaadhato oo lagu ladhay naanaysta aabihii oo ahayd ( Xaadhato), magacaasi oo ahaa magac shaqsiyadiisa aay ku liidi jireen kuwa maskax gaabk ah. Kuwaas oo ahaa qaar ka mida ardayda dugsiga aay wada dhigtaan, magacaasina waa oo u tis qaadey faarax oo markii dambina aad caan uugu noqdey deegaanka gabiley iyo guud ahaanba inta ku xeersan..
Magan iyo Faarax Xaadhato ayaa arinta saaxiibnimadooda sii xoogeeyaysey ahaayd durrufaha nololeed ee aay iskaga midka yihiin iyo weliba raadka taariikh nololeedkooda oo aad moodo in aanu faraqweyni u dhaxaayn marka aad sii dhugato duruufaha aay ka midaysan yihiin waxa aad dareemi kartaa in arimaha duruufeed iyo taariikh nololeed ee labadooda mataaneeyay iyo isku beega marxaladahooga nololeed in aay yihiin kuwa keenay kalsoonada xoogan ee aay isku qabaan Magan iyo Faarax Xaadhato oo aay had iyo jeer wixii dhibaata ah ee ka kale soo foodsaara aay taabato ka kalena , xalinta dhibaatadaasina aay si wada jira u abaaraan waana laba dheef iyo dhiba wada qaaybsaa, taasi oo rumaaynaaysa hadal hore loo yidhi oo ah :-" saaxiibkaaga wacan ee naftaada kula sida iyo miyaa la simaa nin socoto ah".!!!!
Faarax Cabdi Xaadhato waxa aay hooyadii umul aroortey markaay isaga dhashay oo aay u dhimatey dhiigbax iyadoo ku jirta safa aay marxuumadu kaga soo kicitantey magaalada jibuuti ee dalka jibuuti, Faaraxnna waxa uu ku dhex dhashay isaga oo aay hooyadii safarkaasi oo aay uugu baqoolaysey magaalada Hargeysa ku sii jeedo oo aay fooshiisu aay ku qabatey duleedka deegaanka ku teedsan magaalada cali xaydh oo ku beegan xagga gubanka hoose.
Faarax Cabdi Xaadhato markii aay hooyadii dhimatey waxa soo qaadatey oo korsatey habar yartii oo degan galooley oo iyaduna aan wax fog aan u jirin magaalada Gabiley: Aabihii Cabdi Xaadhato oo ah Faarax Aabihii waxa uu isna qaadle ka ahaa magaalada Gabiley halkaasi oo uu xaas kale ku guursadey ,waxaaney xaaskii dambe u dhashay caruur iskugu jirta laba gabdhood iyo saddex wiil, balse Cabdi Cilmi Buux oo ku magac dheer ( Cabdi Xaadhato ) ayaa shaqadaasi qaad iibintu markii aay isku bixin weydey in uu caruurtiisa ka biiliyo khiimada qaadkana uu celiyo ayaa Cabdi Cilmi oo loo yaqaano ( Cabdi Xaadhato) uu go,aansadey in uu iibiyo jaadka soo hadha ee loo yaqaan baarixiga iyo taajarada taas oo aan khiimad badan lagu xidhaayn, dhinaca kalena u fududaaynaaysa in uu luqmatal ceeshka caruurtiisa iyo xaqal buuga inankiisa Faarax Xaadhato uu ku bixiyo iyo weliba lacagta waxbarashada ee dugsigu ka rabo curadkiisaa Faaarax Xaadhato.
Cabdi Xaadhato waa nin aay aad dadka deegaanku u jecelyihiin oo had iyo jeer lagu urursan yahay meherad jiingada oo uu leeyahay oo uu jaadka ku dhex iibsho , dhinacna mijilis lagu qayilo ka ah oo shaaha uu kaga iibiyo dadka qayilaada u yimaada meheradiisa iyo intii kale ee socoto ahba ee soo marta. Meherada Cabdi Xaadhato waxaa had iyo jeer ku balama ardayda magaalada wax ka barata iyo inta degenba oo waxa aay meheradiisu leedahay oo horteeda ku yaala laba geed oo waaweyn hadh damalaleh geedahaasi oo oo ah geedo miraanmiriya iyo kuwa kale oo baxarasafa balse labadaa geed ee miraanmirada ah ayaa hadh hadhac badan leh.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige.

Friday, August 21, 2015

Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Shanaad,

Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Shanaad,












Magan Aabihii cumar dhuxule waxa hanti u ahaa laba dameer iyo Beer-hadhuudh uu sanadkiiba mar uugu soo go,o waxoogaa yaroo garawi balse labadaa dameer ayaa ahaa kuwo qaayb laxaad leh ka qaata nololmaal-meedkooda oo uu odaygu magaalada uu ku keeni jirey dhuxusha uu soo shido .
Magan waxa aay hooyadii dhimatey isagoo shan jira, waxna kama garan karo kaalinta aay hooyadu kaga jirto koritaanka ilmaheega waayo mabuuba dhan dhamin macaanka aay hooyadu leedahay iyo xaaydaabka aay gaashaanka uuga tahay hooyadu marka aay ilmaheega dhibi soo gaadho.
Marka aaynu hooyo leenahay maaha erey si fudud loo odhan karo marka la qeexayo kaalinta weyn ee aay hooyo kaga jirto korinta ilmaha iyo taaba qaadkiisa nololeed oo waatii hore loo yidhi hooyo waa hayi mar aay habar indhalana aay ku tahay, taasi waxa aay marag u tahay in ilmaha yari korniikiisa hore iyo kaalintiisa qaangaadhi aay ku barbaarto oo aay ku kobocdo korista neefta hooyada.
Hooyada qiimaha aay nolosha kaga jirto waxaa dareemi kara markuu ilmaha yari uu hooyada ku waayo yaraan ilaa da,da u dhaxaaysa saddex jir ilaa shan jir oo ilmahaasi waxa uu noqdaa qoxootiga koowad ee dunida. Marka laga hadlaayo barabaxa qoxooti ee magan loo noqdo meel aan ahaayn hooygiinii, taasi waxa aay ka dhigan tahay caruurtaa yar yar ee aaynu kor ku soo sheegnay, da,doonuna u dhaxayso saddex jir ilaa aaynu gaadhsiinee toban jir marka aay waayaan oo meesha aay kabaxdo hooyo waxa aay magan u noqdaan hooy kale oo aan laga jeclayn oo lagayaabo in inta badan suxulka la iskaga riixo, raashinka gurigana marka la qaaybinaayo aay noqdaan kuwa marka uugu dambaysa daawaha hadhaagiisa xabadaha uugu dambeeya cawri gaf laayskaga xijaabo.
Ilmaha yar ee yaraanta hooyada ku waaya waxaa ku xeersan duruufo aan dariinkooda inta badan loo dhug lahaayn oo aanan halkan ku soo koobi karin, waxaa u go,a oo meesha ka baxa gidaarkii kalsoonida badnaa ee aay hooyo kaga gudbanaayd dabaaylaha duufaanada wata, daaqadaha daldaloolana waxaa uuga soo mudhaya duruufaha cabsida badan ee daruuraha badoowi hadheeyeen kuwaas oo farinaya rajo xumo iyo mustaqbal daahan oo kalsoonidiisu iyo sifaalihiisuba aanay muujinaayn maalmo farxadeed oo dambeeya balse tii allaa u maqan cidna uu ma maqna ceelna uu ma qodna. Inkastoo aAabuhu muujiyo marka aay marxaladahaai rajaynimadu timaado dadaal badan oo uu caruurtiisa uugu hiilinaayo bale akhristow waxaad ogaataan in aanu Aabuhu marnaba buuxin karin kaalinta weyn ee aay hooyo kaga jirto korinta ilmaheega.
Hoyooy La,aantaa
Aduunyadu Hubaashii
Habeen Kama Baxdeen
Iftiin Lama Heleenoo
Dadku Uma Hayaameen
Dayax Heega Joogoo
Sida Haad Ma Fuuleen
Xidig Hoos Ka Lulatoo
Hawo Laguma Gaadheen
Aabihii cumar dhuxule waxa hanti u ahaa laba dameer iyo Beer-hadhuudh uu sanadkiiba mar uugu soo go,o waxoogaa yaroo garawi balse labadaa dameer ayaa ahaa kuwo qaayb laxaad leh ka qaata nololmaal-meedkooda oo uu odaygu magaalada uu ku keeni jirey dhuxusha uu soo shido .
Xilliyada uu magan isna uu dugsiga fasax ka yahay amase uu firaaqo haaysto waxa uu Aabihii kala shaqaayn jirey haawsha oo uu la shidi jirey geedaha dhuxusha laga diyaariyo ee uu Aabihii u iibgaaynayo magaalada, marka qaarkood labadaas dameer waxa aay u ahaayeen gaadiid aay u isticmaalaan baahidooda gaarka ah oo biyaha ayaay uugu dhaan tagi jireen. Kolkaas haawsha uu haya magan waxa aay ahaayd mid aanu ba helin firaaqo uu ku nasto oo ahaayd mar uu dugsiga ku maqan yahay iyo mar uu Aabihii ka caawiyo haawshaa aay ku xidhan tahay luqmatul ceeshkoodu.
La Soco Qormooyinka Soo Socda.

Khadar Jaambiir Cige

Thursday, August 20, 2015

Adigu I Dhaaftaye Bal Aayatiin Aan Dhawro qaybtii Arfaad Q.4-AAD

Adigu I Dhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro, Qormadii Afraad oo aaynu duljoogsan doono Fsalkii Saddexaad ( Form Three B) iyo jaawgii ardayda fasalkaasi sida uu dareenkoodii kacsanaa u degay markaay arkeen Ismahaan Xaaji Mooge iyo Mataanteedii Ayaan Xaaji Mooge oo marqudha soo wada galaya fasalkii iyo iyadoo aaney habsankooda aaney jirin wax dhiilo ah ama fariimo murugeed oo uu farinayey.
Markii aay Ismahaan Xaaji iyo Ayaan aay maamulihii sifiican uga soo jaahil saareen sobobta keentay in aay saaka dib uuga soo dhacaan xilligii caadiga ahaayd ee aay duruusta la qaato aay u diyaar garoobi jireen ee aay si aada isku fahmeen iyaga iyo maamulkii dugsigu ayaa aay u soo dhaqaaqeen iyagoo uu galbinaayo Maamulihii dugsigu halkii uu ka xigay fasalkii (form three B) ee aay dhigan jireen, markiibana waxa aay fadhiisteen kursigii iyo miiskii aay fasalka ka fadhiisan jireen halkaas oo aay saaka ka sii wadan doonaan intii uugaga dabayaaqada ahaayd xiisaskoodii subaxnimo ee aay ka koobnaayd duruusta waxbarasho ee maalin laha u ahaan jirtey.
Magan waxa aad maanta isaga moodaa in uu aad u mashquulsan yahay oo xiitaa uu mararka qaarkood meel kale ku maqan yahay oo aanu duruusta iyo xiisaska aay macalimiintu isdaba joogaan aanu haba yaraatee waxba kala socon, taas oo kuu muujinaaysa in aay maskaxdiisa iyo maankiisuba aay ku mashquulsan yihiin wacdarihii uu saaka mina subaxdii hore uu la soo kulmay iyo sida uu uuga jawaabilahaa fariintii warqadeed ee saaka loo soo cumaamaday.
Magan waxa uu ahaa wiil tacliinta ku fiican oo aad loogu amaano fahanka aqooneed ee waxbarasho, waxaanu sanad kasta gala kaalinta koowaad ilaa marka laga soo bilaabo fasalkiisii koowaad ee dugsiga hoose iyo kii dhexeba, xilliyadaas aan kor ku soo sheegnayna waxaa la gudoonsiin jirey abaalmarino loogu mahad celinayo dadaalkiisa waxbarasho ee uu mutaaystey.Magan waxa kale oo uu ahaa wiil ku fiican dhinaca xaga sportiga ama kubada cagta waxana uu yahay kabtanka hogaaamiya kooxda Dugsiga Sare ee Timacade.
Inkastoo aanu magan soo marin maalmo farxadeed hadana waxaa jirtey maalin madoow oo uugu tilmaanaa maalmihiisii adkaa ee soo mara intuu noolaa ,hada waa maalin marka uu dib u xasuustu ku beerta calool xumo iyo uurku taalo aanu hilmaami Karin. Waa maalin taabatay jirtaankiisa iyo karaamada bilo-aadinimo ee uu qof leeyahay.
Waxa aay ahaayd maalintaasi maalin niyad jabweyn ku ridey Magan oo xitaa gaadhsiiysay go,aan qadhaadh oo odhanaya tacliintaa kala dhacdaye orod oo iska tahriib bal si aad u hesho waacusub oo nololeed oo dhaama ama aad kaga baxdo duruuftan aad ku jirto, waana tii hore loo yidhi bi,i waa aduunyooy maxaad geesi ciishay gabal baas udumisay!!!!!!!!!!
Odhaah-daas ayaa horudhac u ah tixdan gaaban oo sifaaynaaysa duruufaha adag ee uu ku soo koray Magan iyo marxalada nololeed ee ilaah uuga miciino mooyee aanay cid kale wax uuga qaban Karin qof ilaahaay damiirsiiyoo u diirnaxaaya mooyee, waana tan tixdiiye bal la qaaybsada waxoogaa cabaara marxalada adag ee ku kaliyeeysatey Magan!!
Dantu ruuxaay haaysaa
Waayuhu duleeyaan
Da,dii lama caweeyoo
Dooda iyo sheekada
Farxadaha dareeka leh
Dadka lama wadaagoo
Doqon buu ka dhigan yahay
Hadaay dunidu weyn tahay
Ooy daawasho iyo qurux
Kaaymo doog ku baxay iyo
Webiyada durdurayo iyo
Dekad iyo maraakiib
Buuro dahabka laga qodo
Beero lagu dalxiisiyo
Aay dooxyo badan tahay
Isaga waay ka dadantoo
Sidii uu dabaab galey
Dayr keli u garoo
Cidi aaney degin weli
Darxumuu ku noolyahay
Qormooyinka Dambe La Soco.

Khadar Jaambiir Cige

Wednesday, August 19, 2015

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qaybtii Saddexaad.


Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Saddexaad.
Saaka daruustii maalinimo waxa aay u socotaa sidii u caadada ahaayd ee aay maalin kastaba aay ardaydu ku qaadan jireen fasaladooda, macalimiintuna marka uu macalin soo gabagabeeyaba xiisadiisa ayaa uu dabajoogaa macalin kale oo isna la diyaara xiisadiisii, maamulaha dugsiguna waxa uu kormeerayaa sodonkii daqiiqaba kormeel haawleed oo uu uugu kuur galayo ardayda fasalada ku jira iyo macalimiinta ku haawlan xiisaska duruuseed ,taa ayaa ah in uu maamuluhu uu kormeel hawleed uu ku maro dhamaan fasalada uu ka kooban yahay dugsiga sare Timacade si uu u ogaado isfahanka anshax asluubeed ee ka dhaxaaysa macalinka iyo ardayga.
Magan sidii caadada u ahaan jirey waxa uu fasalka ka fadhiistey kursigii iyo miiskii aay wadaagi jireen ardayda aay isku faca ahaayeen, sida caadada ah ardaydu intii isfahantaaba hanoqoto xag duruufeed ama xag isfahane intii isku itaaliba waxa aay fadhiistaan qormo gooniya oo u gara,a,;
Balse waxa aad moodaa saaka inkastoo aay xiisaduhu si habsamiya u socdaan aayaa hadana ardayda dhigata fasalka sadexaad ee dugsiga sare ee timacade(Form Three B) in aay ka muuqato xasilooni daro aan hore loogu aqoon ardayda oo guux badan oo aay ku xanshaashaqayaan ardaydu magacyada labada gabdhood ee mataanaha ah hadda waa Ismahaan iyo ayaan Xaaji Moogee.
Dhamaan ardayda fasalka saddexaad ee (form three B). waxa aay ardayda fasalkaasi aay aad uuga yaabeen waxa dhacay ee saaka ka baajiyey duruustoodii waxbarasho Ismahaan iyo Ayaan Xaaji Mooge oo aan weligood looga baran in aay ka habsaamaan duruusta waxbarasho ee dugsiga.
Ardayda qaarkoodna waxa aay sheegayaan xiitaa in aan hore looga baran labadaas gabdhood ee mataanaha ah haddii uu xanuun yimaado in aay ka baaqdaan Dugsiga iyagoon aan soo ogaaysiin maamulka dugsiga.
Dhinaca kale waxa aad moodaa in uu Magan in uu si gaara iskaga uruurinayo su,aalahaa aay ardaydu rabaan in aay ku ogaadaan xaalada aay ku sugan yihiin labadaas gabdhood ee mataanaha ah, isagaoo ka dhago adaaygaya su,aalaha ardaydaas oo soo koobaya dooda ardaydaas ayuu kagu jawaabayaa Magan isagoo aad uuga yaaban su,aalahooga "miyaanaydu weli arag dad habsaama oo dano gaar ah yeesha ilaayn waa ibnu aadane, waar duruustiina wata dadka haku mashquulinee"" , weliba uu jawaabtiisa ku darayo kalmada Cajiib Cajiib!!!!!.
Balse waxa uu Magan ku baraarugay ardaydii oo dhamaan marqudha jaleecday daaqadaha ku jeeda iridka weeyn ee dugsiga laga soo galo.
Magana markii uu isna jaleecay xagaa iridkaas waxaabu arkay albaaka weyn ee iridka laga soo galo Dugsiga sare ee Timacade Gaadhiga madoow ee Marshandis Biniska ah ee kadinkaa iridka weeyn ee Dugsigaas ka soo galaaya, gaadhigaas marshandis ka ahi na waxa uu ahaa mid ka caana dugsiga oo aay cid kastaba taqaano waayo waxa uu gaadhigaasi u khaas yahay Ismahaan Xaaji Mooge iyo Ayaan Xaaji Mooge., waxaanu subax kasta uu dugsiga u soo qaadaa Ismahaan iyo Ayaan Xaaji Mooge marka laga reebo maalmaha uu dugsigu fasaxa yahay mooyee.
Gaadhigii marshandiska ahi waxa uu istaagay baarkinka xafiiska maamulaha hortiisa waxaana ka soo dhaadhacay Ismahaan iyo Ayaan Xaaji Mooge balse wajiyada labada mataanood wax dhiila ah haba yaraatee kama muuqdaan, waxaan farxad ahaayn mooyaane.
La soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige

Thursday, August 13, 2015

Adigu Idhaaftaye Bal Aayatiin Ka Aan Dhawro,  Qaybtii Labaad.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.Ismahaan Xaaji Mooge waa gabadh uu ilaahaay qurux iyo haaybadba ku manaaystey, waxaanay ka soo jeedaa qooys maalqabeena oo lagu hirto.
Aabaheed Xaaji Mooge waxa uu ku jiraa tijaarta uugu waaweeyn ee sida gaar ka ah looga tilmaamo deegaanka iyo si guudba looga yaqaano geyiga deegaanada soomaliyeed. Xaaji Mooge waxa uu ahaa nin uu Eebe ku manaaystey maal aduunyo balse wax ubada waxa uu ilaahaay siiyey laba gaboodh oo mataano ah oo aanu wiil ku jirin. Labadaas Gabdhiood ee mataanaha ahaa oo la kala yidhaahdo Ismahaan iyo Ayaan waxa u dhalay Hooyo Bilan oo ahaayd afadiisa qudha ee aaney u labaayn xaaskale aduunyadana uu iyada uugu jecelyahay.
Magan waxa uu socodka soo kalwiyoba markii uu soo gaadhay goobtii aay bilcanta gabadheed taagnaayd waabu gartey gabadhii oo waaba (Ismahaan Xaaji Mooge), waxaanay kala hortimid waji furan oo aay farxad iyo xushmo gaara ku la dhan tahay, waxaanay ku salaantay waji xishood ku jiro oo aad moodo in dhoola cadeeynteeda hadana uu ku jiro daaymo aanay madaxa kor uugu qaadaayn xaga uu Magan ka xigo, waxaanad Ismahaan aad ku mataali kartaa qofkii uu abwaanku ku sifeeyay maansadii sii uu lahaa:-
Ilka u eeg daruurtiyo
Cridkaaga duhul ka ah
Mowluhu kugu daahiyo
Dibno duxusha moodiyo
Mar mar dib uga faydiyo
Sanqaroorka soo degey
Indha deeraleeyeey
Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolb laygu didayaa
Oo laayga darayaa
Indha deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu mataaleey
Da,daa tehee todobiyo toban
Gugan loogu darayee
Indha deeraleeyeey.
Magan waxa uu Ismahaan ku salaamay waji aad u didsan oo uu ka yaab ku jiro waxaanu hadalkiisii u dhacay sidanL:- "Gacaliyo Ismahaan maxaa goortan goobtan cidlada ah ee jabaqda xayawaanka mooyee uu dadka socodkiisa uu yar yahay kaligaa taagay ee aad ku sugaaysay” Ismahaana iyada oo inta aay dhulka hoos u jaleecaayso xishood badana uu ka muuqdo ayaa aay uugu jawaabtey:”Gacaliye Magan macaanoow adaan meesha saakoo dhan aan kuu taagnaa oo waxaan kuu siday Fariin u baahan in aad jawaabteeda ka soo fikirto oo aad jawaabtaada oo waafiya aad i soo siiso xilliga aaynu nusasaacaha hore ee biririfta ah aaynu kaga baxano duruusteena subaxnimo ee saaka.
Magana waxa uu uugu jawaabay taasi waa balan buuxa in aan markaa aad balanka aad inoo astaaysay aan jawaab buuxda ku siindoono balse ma ku su,aali karaa Ismahaaneey Gacaliyo waxa aay fariin tani tahay?
Ismahaan waxa aay uugu jawaabtey gacaliye ha dheeraaysan fahanka fariintani adaa fahmi doona dulucda iyo ujeeda aay fariintani xanbaarsan tahay.
Markii intaas lays dhaafsaday ee aay Ismahaan gudoonsiisay Magan fariintii aay u sidey oo ku dahaadhan gal aad u qruxbadan oo lagu soo asteeyay farshaxan qiimo badan ayaa uu midkastaba u dhaqaaqay hada waa Ismahaan iyo Magane halkii uu kaga beegnaa jidkooda Dugsiga sare ee Tamacade halkaas oo aay saaka ka bilaami doonaan duruustii caadiga u ahaayd ardayda ee aay qaadan jireen maalin kasta sidii horeba caadada u ahaan jirtey.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige

Adigu idhaaftaye bal aayatiiinka aan dhowro Qaybtii-1aad
Waa arooryo sugan oo ku suntan ugbaad saxansaxo udgoon badan
Miiraalihii mahiigaan ee maasheeyey gayiga ayaa biyihii uu dhigay
Roobkaasi aay weli ka sii muuqdaan meelaha godan. Dhijaam dhexdoodana xareedi ayaaba widh idhaysa oo weliba hareeraha dhijaamahaasi waxaa ku ururaysan shimbiro aad u qurrxoon oo midbayo gooni gooniyi ahi aay ku xardhan yihiin baalashooda gaar gaarka ah, kuwaas oo ku hadaaqaya codod aad u raaxo badan oo aay maqalka dhaguhu muanayaan, meel dheerna laga maqlaayn oo aan lahaayn dayaan qaaylo badan.
Geedaha dushoodana waxaa isqabsadey ubaxyo caaynba caayna iyo caleen wada agaaran.
Ilaayska dahabiga ah ee aay huwatay cadceeda aroornimo ee godka kor uuga soo baxaaysa ayaa falaadhaheega casuusiga ah ee ku dhacaaya dhijaamaha iyo meelaha godan ee aay xareedu wadhan tahay ayaa uu halkaas ka samaaysmay midab dahabiyo oo muuqaal sifo gaara leh indhihii arkaana aanay malaayn karaayn muuqaalkaas.
Muuqaalka humaag sawir hadheedh ee ka soo mudhaya wadiiqada yar ee kugu ridaaysa jidka weeyn ee laamiga ah ee tagtay magaalada Gabiley ayaa uu humaagaasi kuu sifaaynayaa marka aad in dhawra sii dhugatid shabaha sawirkaas in uu yahay muqaal aad ku micnaaysan karto sifahaas in uu yahay muuq gabadheedh balse aay haddana dhugashada aanad si fiican uuga bogan Karin.
Dhinaca kale ee wadiiqadaa jihadeeda waqooyi ee xagga galoolay markaa lagu soo socdo laamiga weeyn ee taga magaalada gabiley ayaa isna muuqaalka sawir-hadheed ee bildhaan araga fog ka soo mudhaya uu isna horudhac u yahay wiil la yidhaahdo Magan.
Balse waxa uu magan soo socdo in doora ee uu wax yar u soo jiro halkii aay bilcantaa gabadheed aay taagnaayd ee uu gartay bilcantaa ayaa Magan waxaa maskaxdiisa ku soo dhacay su,aalo dhawra oo ku adkaaday in aay maskaxdiisu si fudud aay isla markiiba jawaabo degdega uuga bixiso,balse su,aashu waxa aay tahay maxaay ahaayeen su,aalahaas uu maankiisu maaraayn kari waayey!!
1- Waxa uu Magan la yaabay goortan iyo goobtan cidlada ah waxaa gabadha kaligeed taagey?
2- Muraadka weeyn ee mina subaxda hore ee loo diyaar garoobaya duruustii waxbarasho ee dugsiyada oo aay taas ku mashquul yihiin ardaydu waxa bilcantan oo ka mid ahaayd ardaydaa kaligeed ku soo ka lifey in aay goobtan cidlada ah aay ku sugto qof kale iyo arinka aay u socoto?
3- Balse waa kuma qofkan aay u socotey ee aay u lahaayd muraadkan culus?
4-Gabadhuse waa tuma, Ismahaan mise Ayaan?
Gabadhu Ayaan maahee waa Ismahaan Xaaji Mooge ,balse dadku had iyo goor waay ku halmaamaan in aay si fudud u kala gartaan Ayaan Xaaji Mooge iyo Ismahaan Xaaji Mooge oo tii aad aragtaaba waa tii kuu kale waana laba mataanood oo aan lagu kala saari Karin xag muuqaal iyo xag codka iyo cag socdka oo xiitaa labada waalid ee dhalay ayaa mararka qaarkood ku halmaama mida aay ahaayd oo Ismahaan mar uugu yeedha Ayaan!
Goortan iyo goobta aay gabadhu taagnaayd iyo cadceeda subaxnimo ee aay falaadhaheega casuusiga ahi aay ku sii dhacayaan dhijaamaha aay weli sii wadhan yihiin biyihii xareeda ahaa eeuu ka tagay meraalihii maheegaan ee maasheeyay degalka xalaayto iyo qurruxda hibo ee ilaahaay ku manaaystey gabadha ayaad goobtaa iyo gabadhaa aad ku milicsan kartaa oo aad ku tilmaami kartaa quruxdii suleekhiyo siirihii wajaale oo uu isasimay ugbaadku.
Waana goobtii iyo goortii uu abwaankku ku sifeeyay maansada:-
Casarkii cadceedoo godka cidhifka gelisoo
Ka sokeeyo caadoo
Falaadh wada casaana ku cadaaysay baalaha
Ama laanta canabkoo hoobaan la ciirtiyo
Cagaarkoo iftiimiyo caleen ubaxle bixisiyo
Cidi daaqin weeyee!

Sanadihii lumay iyo sirihii ku duugnaa

Sannadihii Lumay Iyo Sirihii Ku Dugnaa Qormadii sadexaad.

Boqorkii Xarla ee la odhan jirey Yakamasure iyo Qasrigiisii ku yaalay magaalada Arabsiyo , Qormadan oo ah qormaddii saddexaan, oo aaynu duljoogsan doono Boqorkaasi Yakamasure iyo xaaskiisa oo la odhan jirey Yanuun qasrigaa aay ku noolaayeen magaalada Arabsiyo xilliga taariikdaasi lagu qiyaaso 199 Bc ka hor dhalashadii Nebi Ciise Cs iyo haawl maalmeedkii qasrigaasi ka socdey iyo waftiyadii faro badnaa ee soo booqan jirey.
Boqorka Xarla waxa uuqasrigiisu ku yaalay qarka -shishe ee Arabsiyo ama daanta galbeed ee magaalada; Qasrigaasina waxa uu ahaa baa la yidhi Qasriga uugu raaxada badan ee uu boqorku uugu jecel yahay qasriyadiisa meelaha badan uu ku lahaa.
Waxaana qsrigaas ku yaalay beero qurrux badan oo aay ku dhaqan yihiin ugaadh aad u turo badan oo uu boqorku ku raaxaaysto xilliyada uu nasashada ku jiro, halka uu dooxan weyn yahay na waxa aay hayd baa la yidhi laag yar webiya oo ka timaada xagga oogada ka xigto magaaladu ama loo yaqaan korjiga,
Laagtaa webiga ahi waxa ay hormari jirtey qasriga boqorka Xarla waxa aanay u sii qul-quli jirtey xaga waqooyiga oo aay lagtaa yar ee webiga ahi kaga sii darsami jirtey Bada cas.
Qasriga Boqorka Xarla waxa uu ku yaaley halka uu ku yaal imika Dusiga hoose iyo dhakhtarkii dhaymaha oo dugsiga dhawr talaabo u dhaxeeyaan, Qasrigaasi waxa uu ku fadhiyay dhul baaxad leh oo ka bilaama dhulka dugsigaas hoose ilaa guryihii xassan xaaji yuusuf rooble iyo Xirsi Rooble ilaa maqaamkii Suufi Nuuriye. Waxaa la sheegaa in aay Boqortooyadu lahaayd maal aad u badan oo ka koban dahab iyo dheeman kaaydka Bangigeeduna waxa uu ahaa baa la yidhi Babgigaas oo ka bilaamayay baaxada dhulka uu ku fadhiyaa halka aay ku taalo laagta u dhow dugsiga hoose, waxaanu gaadhi jirey ilaa halka aay ku taalo Beertii Ciise farmasii , xaga galbeedkana waxa uu bangigaasi qabsaday baa la yidhaah dhulka uu ku fadhiyo Dugsiga dhexe ee Axmed Guray iyo dhul kaloo ka sii danbeeya.
Anigu waxaan xasuustaa xilliyada roobabku curtaan ee uu daadadku soo rogmada marka uu daad ku idlaado xilliga subaxdnimada ayaa waxaa jirey nin la odhan jirey caduur waloo aanan imika ogayn in uu xaay-yahay iyo in uu moontanyahay balse labadaba ilaahaay ha u naxariisto haddii uu dhintey iyo hadduu noolyahayba e aamiin ayaa waxa uu Caduur inta uu subaxii baxo uu u kici- ijirey xaga dooxa ee u dhaxaysa laagta dugsiga hoose u dhaw iyo gabega hoostiisa,
Caduur waxa uu gabiga hoostiisa iyo laagtaa garbooyinkeeda uu roobku dumiyay ka soo guran jirey wiciyad qadiimiya oo iskugu jirta dheryo dhooba ah oo kuwa wax lagu karsado ah oo aay ka muuqdo farshaxan aad u qurrux badan oo aad moodid in imikuun la sameeyay iyo daawe- yaal kuwa laxooxda lagu dubto ah oo bir kasamaaysan; taasina waxa aay ku tusaysaa in qoomkaa Xarli aay birta shubi jireen oo aay u isticmaali jireen farsamada gacanta oo u dhiganta technology ga aay isticmaalaan dunida horo u martay ee imiku.
Waxa kale oo Caduur gebigaas iyo laagtaas qararkooda dumay kala soo bixi jirey wiciyad dhoobo ah iyo fandhaalo ka samaaysan farshaxan aan duugoobayn alaabtaasna waxaa ka iibsan jirey dadka magaalada iyo dalxiistayaasha cadaanka ah oo dhulba uumay dhici-jirin, mararka qaarkoodna waxaaba la sheegi jirey in uu dahab kuus kuusan ka soo hili jirey iyo qaar laga sameeyay silsilado iyo shuuliyada aay dumarku gacmaha gashadaan xitaa waxaa ku jirijirey fargalo dahab ah oo fasku ama dheeman ama macdanta loo yaqaan rubiga , imaroolka ka samaaysan.
Hadaba qoomkaa la odhan jirey Xarla ee uu Qasriga Boqortooyadeeda uugu weyni uu ku yaalay Magaalada Arabsiyo ayaa weli raadadkii qoomkaas laga sii hela
Deegaanka guud ee ku teedsan degmada Arabsiyo. Goobta loo yaqaano Dhagaxmadoobe ee kaga beegan magaalada Arabsiyo xaga waqooyi ayaa sheekooyinka qaar tilmaamaan in aay Gobtaasi ahaayd xaruntii difaaca ee looga talin-jirey ilaalada gaarka ah ee boqorka, waxaa kale oo ku taalay baa layidhaah Xaruntii wasaarada difaaca ee xogaha ciidan ee boqortooyadaa Xarla laga maamuli jirey.
Goobtaas agteedana waxaa ku taalay ba layidhaahdaa Beer aad u weyn oo aad u qurrux badan oo aad maansheeysayn kuna qaniya qudradaha caynba caaynka ah, duurjoog rabaaysan iyo shinbiraha daa,uuska looyaqaan iyo shinbiro kaloo qurxoon. Beertaas waxaa boqorka uugu yaalay iisna qasrikaloo aad u qurrux badan oo aay joogaan shaqaale u carbisan shaqada aay uugu khidmaaynayaan boqorkooda iyo boqoradooda, isla goobtaas waxaa ku yaalay balay-weyn oo aad u biyo badan.
Balaygaa waxaa la yidhaahdaa ilaa imika Galdawo, waxaana la yidhaahdaa waxa uu ahaa Balay u khaasa boqorka iyo marti sharafkiisu in aay ku raaxaaystaan xilliga uu nasahada ku jiro, Balaygaasna waay ku dabaalan jireen oo biyihiisa waxa aay u isticmaali jireen dawo ahaan qofkii ku maaydhaa wuu bogsanayaa haddii uu buko baa la odhan jirey laakiin masaakiinta looma ogolayn in aay ka soo daahiraan Beerta boqorka iyo Balaygaas Galdawo ee ku dhexyaalaba.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
Sannadihii Lumay iyo sirihii Ku Duugnaa Qormadii labaad.

 Barnaamujkan Sannadihii Lumay oo maanta aaynu geli doono Qormadii Labaad waxa aaynu ku sii siqi doonaa insha allah haddii uu ilaahaay yidhaadhdo gudagalkii qoomkii la odhan jirey Xarla ee deganaa Arabsiyo iyo Boqorkoodii (Yakamasure oo aay wehelinaayso Xaaskiisii oo la odhan jirey Yanuun).
Soomaalidu maay lahaayn af-qoran oo aay ku kaaydsato dhacdooyinkii nololeed ee aay xilligaa ku noolaayd oo umaay suurta galayn in aay ku kaaydsato buugaag bayadii deegaan ee aay xilligaa ku noolayd sida noocyada dhirta la beerto ama xilliyada adag ee aay bulshadaasi soomaliyeed soo mareen sida abaaraha ama ha noqoto xilliyo barwaaqeed,
soomalida xilligaasi waxa aay ahaayeen kuwo ku kaaydsada marxaladahaa aaynu kor ku soo sheegnay xusuus suugaaneed ama maah maahyo, hees caruureed iyo kuwo kaloo badan. waxaase jirta in aay xasuusahaas suugaanta ama hadalka layskugu soo gudbinayay aay imika sii dabar go ayaan oo haddii gurmad deg dega laga geli-waayo in la qoro qofba inta yar ee uu hayo aay hadhow jiilasha dambe aay ku sii jiri doonaan mugdiyo iyo maalma aanay ka soo kaban karin.
Waxa aaynu leenahay bada uugu dheer ee africa ha noqoto badacas ama indiyaan- owshankaba, , Badahaas waxaa ku jira maal ka badan kan beriga laankiin waxaa runa in aanaynu waxba ka aqoon khayradka dhulkeena uu ilaahay inagu manaystey oo ah dhulqaniyo, kaluunka iyagoo daasado ku jira waxaa la inooga soo dhoofiyaa Thailand ama kuuriya markaas taasi miyaanay ku tuseeyn in aaynu nahay umada karti daran oo aan waxba ka aqoon waxaay leedahay hadana aaynu rabno in aan barwaaqo iyo horrumar gaadhno, dariiqaasise indhaha aawdan ma yahay kii barwaaqada, nolosha fiican iyo raaxada aad doonaaysid lagu gaadhilahaa taasi waa maya waayo Abwaan Abdillahi Suldaan Timacade Naxariistii janno fardowsa ilaahaay ha ka waraabiyee ayaa yidh( lama helo wadaadow waxaan cidi ku haawshoone, Naftaa loo hantaaqaa halkaad hiigso leedahaye) waa dhab nin aan shaqaaysanin shaah ma cabo ayaa hore ba loo yidhi.
Halkan oo aan ka bilaabi doono dulucdad aan ku furaayo sannadihii lumay iyo sirihii ku qarsoonaa oo ah Deegaanka Arabsiyo iyo Dooxyada dhexmara ama kuwa ku hareeraysan ayaa ah in aay sees u noqoto mawduucayga.
Sobobaha aan Arabsiyo u xushayna iga ma aha in aanan deegaanada kale ee somaliland aan iska in dhatirayo ama kuwa kale ee soomaaliyeedba ha noqdaane balse Deegaanka Arabsiyo waa meeshii aan ku garaadaystey ee aan wax ku bartay ilaa malcaamadaydii ilaa Dugsigii dhexe ee Axmed guray Arabsiyo Primary school, goobtu waa deegaan aan maalmo farxadeed iyo kuwo sirgaxanba igu soo mareen, waa goobo iyo degaano xusuuso gaara igu joogaa, waana deegaan aan odayaal soo jireena oo xilliyadaas noolaa oo da wey joogay aan kaga kayd-gareeyay taariikho badan oo aay ka sheekaayn jireen kuwaas oo aan qoraalo yar yar kaga kaydsaday sannadahaa lumay ayaan rabaa in aad ila qaybsataann sannadahaas lumay iyo sirihii ku duugnaa!
Magaalada Arabsiyo waxa la sheegaa in aay qoom la odhan jirey qoom kii Xarla Boqorkii qoomkaas xarla uu qasrigiisa uugu weyn ku lahaa magaalada Arabsiyo, balse suaashe waxa aay tahay , halkuu kaga yaalay qastriga uu daganaa boqorkaas u boqorka ahaa qoomkaas la odhan jirey Xarla?
Magaalada Arabsiyo waxaa laba qaybood u qaaybiya doox weyn oo mara badhtamaha labada daamood ee aay magaaladu u qaaybsanto, mid ka mida labadaas daamood oo xigta galbeedka jidka gabley looga sii baxo ayuu ku yaalay baa la yidhi Qastriga Boqorka uu daganaan jirey, waxa aan sheeko ku maqlay in uu Qasrigaasi ahaa qasriyada uugu waaweyn ee uu dalka xagiisa galbeed ku lahayd boqortooyadaas Xarla oo maamuli jirtey ilaa bari- danaakil iyo galbeedka sii fog.Dadka qaarkii waxa aay yidhaahdaan qoomkaa Xarla la odhan jirey waxa aay ahaayeen qoom maal iyo mood iyo weliba ibaxnimo fog uu ilaahaay ku manaaystay, qaar kalena iyagoo ku raacsan aragtidaa baay ba u sii raacinayaan waxa aay ahaayeen qoom aqoon leh oo farshaxaninimo ayaaba loo yidhi Xarla taasina macnaheedu ( Dadkii xaraarta ahaa), sida magaca saxardiid oo kale amase aan ku micneeyo xar mar ka lagu daro xarafka shibani iyo shaqalka sida (La) xarla markaas kuwii bilaa xarka ahaa.
Boqorka Xarla waxa uu qasrigiisu ku yaalay qarka -shishe ee Arabsiyo ama daanta galbeed ee magaalada; Qasrigaasina waxa uu ahaa baa la yidhi Qasriga uugu raaxada badan ee uu boqorku uugu jecel yahay qasriyadiisa meelaha badan uu ku lahaa
La Soco Qormooyinka Dambe
By Arabsiyo Community Club and Civic Centre Special Programs

Saturday, August 8, 2015

Sannadihii Lumay Iyo Sirihii Ku Duugnaa Qormadii Kowaad.

Sannadihii Lumay Iyo Sirihii Ku Duugnaa Qormadii Kowaad.


Qormadan Cusub oo iyaduna ka mid noqondoonta barnaamu-
yadii gaarka ahaa ee inooga socdey Arabsiy Cummunity Club and Civicentre, Waxa aaynu maanta si toosa u dul joogsan doonaa baraamujkan oo weliba muddo socon doonaa Boqortooyadii Xarla .
Boqorka Xarla ee la odhan jirey ( Yakamesure ) iyo Xaaskiisa oo la odhan jirey ( yanuunta , Boqortooyadaasi oo uu Qasrigeedu ahaa Qarka shishe ee Arabsiyo ayaa uu barnaamujkeenan sannadihii lumay oo noqondoona ita hore maalinle in muddo ah aaynu baahindoona balse muddo markuu socdo ee aad la qabsataan waxa uu noqon doonaa wiigiiba mar.
Arabsiyo iyo Sannadahii Lumay 08-07-2015
Markaan leeyahay sannadihii lumay ayaa aay tahay ujeedada aan ka leeyahay sooyaalkii taariikheed ee hore ama qarniyadii tagay oo aay adag tahay si loo helo taariikh qoron oo tixraac u noqota jiilasha soo koraya iyadoo aanay imikana jirin kayd ama aanay jirin goobo lagu ilaaliyo dhaxalkii guyaal badan layska dhaxlay oo aanay jiri shicib iyo dawlad u heelan in la uruuriyo sooyaalkii dhaqan ama taariikheed ee sii dabar go aya, waxaana jira qarniyo iyo sannada badan oo ku lumay kayd la .aan iyo umadeena oo ka dhoohan faaiidad iyo dhaxalka aay leedahay taariikhdu ama dhaqanku, waayo waxaa laga cawdaa faqri,gaajo,macaluul iyo kuwo kaloo badan, taasina waxa aay ku tusasysaa in aanaynu waxba dhulkeena ka aqoon oo aanaynu waxba ku soo kordhin karin hab nololeedkii aay awoowyaasheen u noolaayeen ha noqoto sarac la beerto ama xoolo la dhqdo ama sidda looga gaashaanto gaajada ,ha raadka ama sida loo kaydsado biyo roobaadka ama xilli roobaadka waayo waxbaba kama naqaano sooyaalkii hore ee nololeed ama taariikheed markaas akhristoow waay adag tahay in aaynu wax ka badeli karno nolosheena ama aaynu hurumar u horseedi karno dal iyo dadba
Umaddina horumar ma yeelan karto haddii aanay lahaayn kayd aqoomeed ooy ku kaayd sadaan wixii aay dhaxleen iyo tii aay ku kordhiyeenba. Kaydka dhaqanka umad oo aan uugu yeedhayo anugu dhaxal aqooneed ayaa ah ka qudha ee umadaas ku haga horumar iyo himilo taas oo laga duulayo in sannadba sannadka ku sii xiga kaydkii aqooneed ee hore wax lagu daro halkii toosin u baahana la samata bixiyo ama la dhayo.
Umadii kaydsan weydaa aqoonteeda, dhaqan iyo sooyaalkeedii taariikheed waxa aay magan u noqotaa dhaqan kale iyo taariikh aay dad kale leeyihiin, marka aad eegtid huga aaynu xidhan nahay iyo qudtka aaynu quudano ama cuno saddexda wakhtiba iyo waxa aaynu xidhanaba iyo guud ahaan nolosheenaba waxa aaynu magan u nahay dhaqan shisheeye, taasina waxaad ka arki kartaa goob kastoo oo aay soomali ku nooshahay sida aay taariikhdoodii iyo dhaqankoodiiba u sii dabar go ayo oo aaynu ka sii shalwanayno gabi dheer oo aan lahaayn soo noqosho dambe ., Ilaahaay naxariistiisa janna ha kawaraabiyee Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacade ayaa yidhi(Mugaabada Hashaada ayaa ka roon maaydhanaan kale ee macaluul waxkaagama taraan maal laguu gura e) Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacade markuu tixdaas gabaygaa marinaayay waxa uu ka duulayay ama uu sifaanayay hadaanay umadi aanay laheen aqoon dhaqan ooy ka duusha in aay nolasheedu ku danbayso macalool iyo in aay gacmaha hoos hoorsato qaayrkeed oo dawrisagaas loogu yaboohaa uu xiitaa aanu daboolin baahideeda ama aanu asturin cawradeeda, taasina waxa aay ina tusaysaa in waxaad leedahay oo aad ku xisaabtantaa aay guushu tahay haddii kale arinku waxa uu kaa noqoni mooyi iyo ma aqaano iyo hebaloow adigaan magantaa ahay, taasina micnaheegu waxa weeyi in aad ka hortimid in aad tahay qof xoro oo adoon qudha aad u noqon kartid ilaahii ku uumay balse aanad cid kale magan u noqon karin dee waayo waa qayrkaa.
Umadi ama bulsho waxa aay ku meel martaa iyadoo isku tashata kaydsantana taariikhdeeda iyo dhaqankeedda ilaashatana diinteeda aadna u barata deegaanka aay ku nooshahay ee ilaahaay ku beeray, baratana geedaha uu degaankeedu leeyahay, dhirta ka baxda ka faa,iidaysata dooxyada iyo biyo mareenada uu ilaahaay ku beeray si aay jilasha ka danbeeya aay dhaxal uuga tagaan,wax yaalaha aan aad uu la yaabay waxaa ka mid ah waxaad arkaysaa dad leh waanu gaajoonaynaa oo abaaro ayaa nagu garab laayay xeeliga bada, haddii aad ku tidhaahdid oo miyaad cuntaan kaluunka waxa aay ku leeyihiin kaluunka macuno oo wuu uraa haddana gaajo ayaa nahaaysa markaas umadaa magaajaa haaysta akhristow mise waxa haaysta aqoon la,aani,suaashuse waa adiga?
Aan ku daayo raaygayga gaaban malaha waa aqoon la,aa,hees beri hore aan maqlayna waxa aay odhan jirtey: Aqoon la,aani waa iftiin la,aani, waa ilays aqal la,aane oo aada Ogaada Dugsiyada walaalayaal!!

Budhigii waxbarsho ee laga yagleelay Arabsiyo Qormadii Afraad


 Sooyaalkii Taxane Taariikheed Ee Budhigii Waxbarasho Ee Lagu Yagleelay Bilowgii Iftiinka Ilaays oo lagu suurto galiyey seeskii Dugsiyada Madaniga ah ee waxbarashada deegaanka Arabsiyo iyo odayaashii sida geesinimada lahaayd u suurto geliyey midhihii waxbarasho ee loo riyaaqay laguna reeyey goosashadeedii Qormadii afraad.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.Waxa aaynu qormadii tan ka horaysey aay inoo joogtey safarkii waxgaradkii odayaashii reer Arabsiyood aay uugu anbabaxeen caasimada Hargeysa oo xilligaasi ahaayd meesha looga taliyo maxmiyadii Ingiriis ee loo yaqaaney (British protectorate), sida ku diiwaan gashan taariikhda gumaaystihii Ingiriiska ayaa sheegaaysa in markii hore maxbiyada ingiriis ee (British Protectorate Somaliland ) aay markeedii hore aay Berbera magaalo madax u ahaayd sannadkii 1884-1898 oo aay Beberi markeedii horeba aay u ahaayd xarun aay maamul ka dhigteen boqortooyadii cismaaniyiintu, balse aay mustacmaradii ingiriisku cudeedii mileteri ee berberi xarunta u ahaayd aay urartey Burco , Berberana loo daayey maamulka xafiisyada siyaasada iyo arimaha bulshada ee musacmarka.
Burco waxa aay noqotey xarunti ciidamada Ingiriis ee laga ga duulayey daraawiishta uu Sayed Maxamed Cabdule Xassan hogaanka u ahaa 1899-1920 kii, balse 1920 kii markii Sayed maxamed Cabdile Xassan iyo Daraawiishtiisii la jabiyey 1920 kii ayaa caasimadii looga tilinayey mustacmaradii Ingiriiska ( British Protectorate) loo soo rarey magaalada hargeysa oo xilligaasi loo igmadey in aay magaalo looga taliyo maxbiyada noqoto.
Intaasi waxa aay iga ahaayd si aan fikir guud idiinka siiyo taariikh ahaan caasimada hargeysa sida aay ku timid taariikh ahaan iyadoo haddii aan si qoto dheer aan u sii galno aan mawduucan lagu soo koobin karin oo aay leedahay caasimada hargeysi taariikho facweyn oo aan buug iyo laba midnaba lagu soo gunaanadi karin, markaas aan gudo galo oo aan u soo noqdo safarkii odayashii reer Arabsiyo aay uugu baqooleen magaalada Hargeysa oo ahaayd xaruntii uu gumaysiga Ingiriis uu ka maamulayey deegaanadii ku hoos jirey maxbiyadiisa ee la odhan jirey ( British Protectorate Somaliland.
Ujeedada safarkani waxa uu daarnaa qorshe guud iy mid gaarba u taabsanaaya baahiyaha badan ee uu qabay deegaanka guud ee aay magaalo maamul u ahaayd Arabsiyo. baahiyahaas guudna muu ahaayn kuwo aay afka uun ka gudbiyeene waxa aay qorsho ahaan iyo nidaamka u soo dhisii hab-qoraala oo farshaxanimo ku dheehan tahay.
1-Baahida uugu horaaysa waxa aay safka hore geliyeen in loo dhiso dugsi wabarasho iyo xarun caafimaad oo lagu baahi-bixiyo bukaanka qaba baahi caafimaad oo maalin kasta u safra si aay daawo caafimaad uuga helaan meelo ka fog fog oo awoodooda safar aay ku adag tahay in aay tagaan dhaqaalo daro awgeed hanoqotee ama itaalba u sahliwaayo in aay safaradaas dhaadheer galaane.
2- Baahida labaad baa ahaayd in aay deegaanka Arabsiyo helaan xarun caafimaad oo lagu dhibeeyo laguna daryeelo xoolaha nool iyo in loo sameeyo si xaga wax soosaarka beeraha loo kordhiyo Beer lagu bacarimiyo shinida labeeranaayo laguna abaqaalo talaalka dhirta, waxaa kale oo qodobkan labaad la socotey in uu deegaanka Arabsiyo helo ciidan ilaaliya dhirta (forestry ranger) si looga hortago xaalufka iyo nabaad guurka aafada deegaaan keeni kara taas oo dhibtiisa aan waxba laga qaban karin haddii imika la bilaabi waayo oo aay dawlada ingiriis ee mustamaradu ( British Protectorate Somaliland ) aay siyaasad guud iyo aragti fog ka yeelan weeydo arinkaa xaalufka deegaan ee dhici kara mustaqbal ka soo socda.
Markii aay goor habeenimo ah odayaashii aay galeen Hargeysa oo aay ku nasteen habeenkaasi huteel ama goob seexad oo aay ka ijaarteen ayaa markii aay salaadii subax tukadeen soona qureecdeen ayaa goorsheegta saacadu marka aay ku dhawdahay toddobadii iyo badhkii subaxnimo aay ku soo beegeen xafiiskii badhasaabkii ingiriis uu fadhiisan jirey. Sida u caadiga ahaayd Badhasaabka Ingiriis marka loo tagaayo si toosa looguma geli-jirin ee waxaa la sii mari jirey qaab sharci oo loo maro booqashada lagu arkaayo Badhasaabka.
Marka hore waxaa loo tagi-jirey xoghaayntiisa rag iyo dumar kuu doone ha noqdee oo laga samaayan jirey warqada balanka ah ee lagula kulmayo badhasaabka. Inta aaney xoghaayntu ama xoghayuhu samaayn warqada balanka waxa caado u ahaayd in marka hore uu xoghayuhu ama xoghaayntu labadaba kuu doone ha ahaadee uu marka hore ogaaysiin jirey badhasaabka martida rabta in aay la kulanto, marka uu qorshahiisa maalinle uu arko ee uu isagoo ka duulaya qorshihiisaa maalinimo uu ogolaado in uu badhasaabku la kulmi karo oo uu qaabili karo martidaas ayuu xoghayuhu ama xoghaayntu ku noqon jireen martida waxaanay u diyaarin jireen turjumaan iyo warqadii ogolaanshaha ee lagula kulmaayey Badhasaabka.
Hadaba markii aay odayaashii reer Arabsiyood ee uu hormoodka u ahaa Cali Hanfi ( Cali Yare) aay xoghaayntii ama xoghayihii badhasaanku gudoonsiyeen warqadii ogolaanshaha loona diyaariyey turjumaan afka ingiriisiga baaxuuri ku ah oo u kala dabqaada xaga afka iyaga iyo badhasaabka ayaay galeen xafiiskii badhasaabka ingiriis iyagoo uu hogaaminaayo abaankii afku ama turjumaanka loo diyaariyey.
Odayaashii reer Arabsiyo iyo badhasaabkii ingiriis waxaa dhexmartey dood aad u qadhaadh iyagoo aqoontoodii hibo ee codkarnimo uugu bandhigaya qorshahoogii aay soo dejisteen oo qoraal ahaan luuqada ingiriisiga qoddob qoddob uugu muujiyey baahidooda iyo sida sharciga ah ee aay xaq uugu leeyihiin in baahiyahan laga daboolo waayo muwaadiniin cashuur bixiyaala ayaanu nahay kula doodayeen
.
Badhasaabkii oo lagaga gacan sareeyeen doodoodii ayaa Badhasaabka uu markii uugu dambaysey uu isdhiibey soo jeedintii xuquuqeed ee aay odayaasha reer Arabsiyo xaqa uugu lahaayeen maamulkii mustacmarada Ingiriiska.ka amase loo yaqaaney ( British Protectorate Somaliland ).
Badhasaabkii ingiriis oo odayaashii reer Arabsiyo ku qancinaaya in uu qoddobadii caafimaadka guud ee bulshada ku nool deegaanka Arabsiyo, ta xanaanada xoolaha ,nool, ta , kobcinta wax soosaarka beeraha iyo tii ka hortaga xaalufka guud ee fayo dhawrka deegaanka in uu saxeexayo imka oo bacdo lix cisho lagu dhaqan gelin doono balse ta waxbarashada waxa uu ku xidhayo odayaasha laba shuruudood oo sidan soo socota ah:-
Badhasaabkii Ingiriis waxa uu u sheegay kolka uu igu horaaysa in aanu imika ama sannadkan 1958 ka ku suntan aaney isaga iyo maamulkiisuba awoodi karin goob waxbarasho oo markaasi goobta waxbarasho hoose lagu dhigto aay dhisi karaan uun sannadaka dambe, qoddobka la baadan waxa uu ahaa in aaney sannadkan ku diyaar garayn karin ardey waxbarasho fasalka koowad loogu bilaabi karo waayo waxa u dejisan sharciga waxbarasho ee mustacmarada waa in laga helo deegaanka waxbarasho laga bilaabayo ugu yaraan fasalka koowaad arday gaadhaysa 35 ardey, markaas waxaan idiin sheegayaa buu yidhi Badhasaabkii isagoo jaleecaya goobtii aay ka xigtey koraastii waftigii odayaasha ahaa ee reer Arabsiyo aay ka fadhiyeen xafiiskiisa in aad sannadka dambe aad diyaarisan ugu yaraan shan iyo soddon arday oo lagu bilaabo fasalka koowaad.
Markii uu arinkii waxbarashada dugsi ee deegaanka Arabsiyo lagu yagleelayey uu Badhasaabkii labadaa qoddob ee aadka u adkaa ku xidhey oo aay odayaashii reer Arabsiyo uu midba midka kale eegay oo laays weydiiyey sida loo dhaafi karo labadan arin ee culus ayuu hadalkii qaatey Cali Hanfi ( Cali Yare ) , waxaanu ki bilaabay isagoo turjumaankii ku odhanaya u turjun hadalkaayga Badhasaabka oo waxaad ku tidhaahdaa labadaa qoddob ee aad na hordhigtey anaa kuu balan qadaya in aan buuxinaayno shuruudahaasi looga baahan yahay in uu deegaanka waxbarasho laga bilaabaayo in uu buuxin karo, markaas labadaa qoddob waan buuxin karnaa oo balan qaad ad baad noogu iminaaysaa usbuucan soo socda in aad noogu timaadid.
Markii uu turjumaankii uu hadalkii Cali Hanfi u turjumey ayuu inta uu Badhasaabkii xagii uu Cali Hanfi kaga beegnaa eegay buu yidhi , sideed arinkaa isla usbuucan ku xalin kartaa xiitaa goob ardaydaasi aad leedahay afartan arday in ka badan baanu haaynaa oo diyaara wax lagu baraa majirtee. Markii uu Badhasaabkii jawaabtaasi siiyey ayuu Cali Hanfi uu yar dhoola cadeeyey Badhasaabkii ku yidhi horta ta goobta ardayda aanu haaynu oo ka badan afartan arday oo noo diyaara aniga ayaa uugu deeqaya laba qol oo meherado aan uugu talo galey in wax loogu dhigo ardeyda inta sannadka ka hadhsan ee aad u dhamaystiraysaan goobta waxabarasho ee loogu talo galay in ardayda deegaanka Arabsiyo aay u noqoto Dugsi hoose dawladeed oo waxbarasho, balse Badhasaab waxaanu kaa codsanaynaa in aad noo diyaarisid laba macalin oo markaad usbuucan soo xaqiijiso goobta waxbarasho iyo ardeyda dhiganaaysaba wax u dhigta ardaydasi.
Badhasaab kii waxa uu ka balan qaaday odayaashii reer Arabsiyood in aay diyaariyaan labadaa qol ee Cali Hanfi balan qaadey kuwaas oo ku yaaley suuqa hoose masaajidka agtiisa iyo arday gaadhaysa ugu yaraan 35 ardey uu Badhasaabkunu soo booqan doono isagoo kormeeraya in la oofiyey shuruudihii uu waxbarashada ku xidhay, isla sabtidan soo socotana uu imanaayo toddobada subaxnimo magaalada Arabsiyo, markaa uu helo in aay odayaashii reer arabsiyood aay hayaan ard eygaadhaysa 35 ardey iyo goobtii, isna uu qaadi doono caqabadihii uu hordhigey. Dhinaca kalena waxa uu Badhasaabku balan qaadey in uu sannadka soo socda u dhisi doono saddex fasal iyo hal xafiis oo maamulka Dusigu hawlihiisa shaqo maalmeed uu ku maareeyo oo uu ku jiro kaydka buugaagta lagu kaaydiyo, sidoo kale waxa uu balan qaadey sida loo fulin lahaa goob caafimaad oo lagu daryeelo caafimaadka guud ee deegaanka Arabsiyo, ta xanaanada xoolaha iyo goob lagaga dhibeeyo shilinta xoolaha cunta, in la samaayn doono beer wakaalada dhirta iyo daaqa hoos iman doonta oo noqota goob kor u qaada wax soosarka beeraha iyo abaqaalka, laguna dhaqaaliyo talaalka geedaha iyo la dagaalanka xaalufka deegaanka.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Egeh

Sign out
Notify me