Idhaaftaye Bal Aayatiinka Aan Dhawro Qormadii Shanaad,
Magan waxa aay hooyadii dhimatey isagoo shan jira, waxna kama garan karo kaalinta aay hooyadu kaga jirto koritaanka ilmaheega waayo mabuuba dhan dhamin macaanka aay hooyadu leedahay iyo xaaydaabka aay gaashaanka uuga tahay hooyadu marka aay ilmaheega dhibi soo gaadho.
Marka aaynu hooyo leenahay maaha erey si fudud loo odhan karo marka la qeexayo kaalinta weyn ee aay hooyo kaga jirto korinta ilmaha iyo taaba qaadkiisa nololeed oo waatii hore loo yidhi hooyo waa hayi mar aay habar indhalana aay ku tahay, taasi waxa aay marag u tahay in ilmaha yari korniikiisa hore iyo kaalintiisa qaangaadhi aay ku barbaarto oo aay ku kobocdo korista neefta hooyada.
Hooyada qiimaha aay nolosha kaga jirto waxaa dareemi kara markuu ilmaha yari uu hooyada ku waayo yaraan ilaa da,da u dhaxaaysa saddex jir ilaa shan jir oo ilmahaasi waxa uu noqdaa qoxootiga koowad ee dunida. Marka laga hadlaayo barabaxa qoxooti ee magan loo noqdo meel aan ahaayn hooygiinii, taasi waxa aay ka dhigan tahay caruurtaa yar yar ee aaynu kor ku soo sheegnay, da,doonuna u dhaxayso saddex jir ilaa aaynu gaadhsiinee toban jir marka aay waayaan oo meesha aay kabaxdo hooyo waxa aay magan u noqdaan hooy kale oo aan laga jeclayn oo lagayaabo in inta badan suxulka la iskaga riixo, raashinka gurigana marka la qaaybinaayo aay noqdaan kuwa marka uugu dambaysa daawaha hadhaagiisa xabadaha uugu dambeeya cawri gaf laayskaga xijaabo.
Ilmaha yar ee yaraanta hooyada ku waaya waxaa ku xeersan duruufo aan dariinkooda inta badan loo dhug lahaayn oo aanan halkan ku soo koobi karin, waxaa u go,a oo meesha ka baxa gidaarkii kalsoonida badnaa ee aay hooyo kaga gudbanaayd dabaaylaha duufaanada wata, daaqadaha daldaloolana waxaa uuga soo mudhaya duruufaha cabsida badan ee daruuraha badoowi hadheeyeen kuwaas oo farinaya rajo xumo iyo mustaqbal daahan oo kalsoonidiisu iyo sifaalihiisuba aanay muujinaayn maalmo farxadeed oo dambeeya balse tii allaa u maqan cidna uu ma maqna ceelna uu ma qodna. Inkastoo aAabuhu muujiyo marka aay marxaladahaai rajaynimadu timaado dadaal badan oo uu caruurtiisa uugu hiilinaayo bale akhristow waxaad ogaataan in aanu Aabuhu marnaba buuxin karin kaalinta weyn ee aay hooyo kaga jirto korinta ilmaheega.
Hoyooy La,aantaa
Aduunyadu Hubaashii
Habeen Kama Baxdeen
Iftiin Lama Heleenoo
Dadku Uma Hayaameen
Dayax Heega Joogoo
Sida Haad Ma Fuuleen
Xidig Hoos Ka Lulatoo
Hawo Laguma Gaadheen
Aduunyadu Hubaashii
Habeen Kama Baxdeen
Iftiin Lama Heleenoo
Dadku Uma Hayaameen
Dayax Heega Joogoo
Sida Haad Ma Fuuleen
Xidig Hoos Ka Lulatoo
Hawo Laguma Gaadheen
Aabihii cumar dhuxule waxa hanti u ahaa laba dameer iyo Beer-hadhuudh uu sanadkiiba mar uugu soo go,o waxoogaa yaroo garawi balse labadaa dameer ayaa ahaa kuwo qaayb laxaad leh ka qaata nololmaal-meedkooda oo uu odaygu magaalada uu ku keeni jirey dhuxusha uu soo shido .
Xilliyada uu magan isna uu dugsiga fasax ka yahay amase uu firaaqo haaysto waxa uu Aabihii kala shaqaayn jirey haawsha oo uu la shidi jirey geedaha dhuxusha laga diyaariyo ee uu Aabihii u iibgaaynayo magaalada, marka qaarkood labadaas dameer waxa aay u ahaayeen gaadiid aay u isticmaalaan baahidooda gaarka ah oo biyaha ayaay uugu dhaan tagi jireen. Kolkaas haawsha uu haya magan waxa aay ahaayd mid aanu ba helin firaaqo uu ku nasto oo ahaayd mar uu dugsiga ku maqan yahay iyo mar uu Aabihii ka caawiyo haawshaa aay ku xidhan tahay luqmatul ceeshkoodu.
La Soco Qormooyinka Soo Socda.
Khadar Jaambiir Cige
No comments:
Post a Comment
waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada