Burco waxa aay noqotey xarunti ciidamada Ingiriis ee laga ga duulayey daraawiishta uu Sayed Maxamed Cabdule Xassan hogaanka u ahaa 1899-1920 kii, balse 1920 kii markii Sayed maxamed Cabdile Xassan iyo Daraawiishtiisii la jabiyey 1920 kii ayaa caasimadii looga tilinayey mustacmaradii Ingiriiska ( British Protectorate) loo soo rarey magaalada hargeysa oo xilligaasi loo igmadey in aay magaalo looga taliyo maxbiyada noqoto.
Intaasi waxa aay iga ahaayd si aan fikir guud idiinka siiyo taariikh ahaan caasimada hargeysa sida aay ku timid taariikh ahaan iyadoo haddii aan si qoto dheer aan u sii galno aan mawduucan lagu soo koobin karin oo aay leedahay caasimada hargeysi taariikho facweyn oo aan buug iyo laba midnaba lagu soo gunaanadi karin, markaas aan gudo galo oo aan u soo noqdo safarkii odayashii reer Arabsiyo aay uugu baqooleen magaalada Hargeysa oo ahaayd xaruntii uu gumaysiga Ingiriis uu ka maamulayey deegaanadii ku hoos jirey maxbiyadiisa ee la odhan jirey ( British Protectorate Somaliland.
Ujeedada safarkani waxa uu daarnaa qorshe guud iy mid gaarba u taabsanaaya baahiyaha badan ee uu qabay deegaanka guud ee aay magaalo maamul u ahaayd Arabsiyo. baahiyahaas guudna muu ahaayn kuwo aay afka uun ka gudbiyeene waxa aay qorsho ahaan iyo nidaamka u soo dhisii hab-qoraala oo farshaxanimo ku dheehan tahay.
1-Baahida uugu horaaysa waxa aay safka hore geliyeen in loo dhiso dugsi wabarasho iyo xarun caafimaad oo lagu baahi-bixiyo bukaanka qaba baahi caafimaad oo maalin kasta u safra si aay daawo caafimaad uuga helaan meelo ka fog fog oo awoodooda safar aay ku adag tahay in aay tagaan dhaqaalo daro awgeed hanoqotee ama itaalba u sahliwaayo in aay safaradaas dhaadheer galaane.
2- Baahida labaad baa ahaayd in aay deegaanka Arabsiyo helaan xarun caafimaad oo lagu dhibeeyo laguna daryeelo xoolaha nool iyo in loo sameeyo si xaga wax soosaarka beeraha loo kordhiyo Beer lagu bacarimiyo shinida labeeranaayo laguna abaqaalo talaalka dhirta, waxaa kale oo qodobkan labaad la socotey in uu deegaanka Arabsiyo helo ciidan ilaaliya dhirta (forestry ranger) si looga hortago xaalufka iyo nabaad guurka aafada deegaaan keeni kara taas oo dhibtiisa aan waxba laga qaban karin haddii imika la bilaabi waayo oo aay dawlada ingiriis ee mustamaradu ( British Protectorate Somaliland ) aay siyaasad guud iyo aragti fog ka yeelan weeydo arinkaa xaalufka deegaan ee dhici kara mustaqbal ka soo socda.
Markii aay goor habeenimo ah odayaashii aay galeen Hargeysa oo aay ku nasteen habeenkaasi huteel ama goob seexad oo aay ka ijaarteen ayaa markii aay salaadii subax tukadeen soona qureecdeen ayaa goorsheegta saacadu marka aay ku dhawdahay toddobadii iyo badhkii subaxnimo aay ku soo beegeen xafiiskii badhasaabkii ingiriis uu fadhiisan jirey. Sida u caadiga ahaayd Badhasaabka Ingiriis marka loo tagaayo si toosa looguma geli-jirin ee waxaa la sii mari jirey qaab sharci oo loo maro booqashada lagu arkaayo Badhasaabka.
Marka hore waxaa loo tagi-jirey xoghaayntiisa rag iyo dumar kuu doone ha noqdee oo laga samaayan jirey warqada balanka ah ee lagula kulmayo badhasaabka. Inta aaney xoghaayntu ama xoghayuhu samaayn warqada balanka waxa caado u ahaayd in marka hore uu xoghayuhu ama xoghaayntu labadaba kuu doone ha ahaadee uu marka hore ogaaysiin jirey badhasaabka martida rabta in aay la kulanto, marka uu qorshahiisa maalinle uu arko ee uu isagoo ka duulaya qorshihiisaa maalinimo uu ogolaado in uu badhasaabku la kulmi karo oo uu qaabili karo martidaas ayuu xoghayuhu ama xoghaayntu ku noqon jireen martida waxaanay u diyaarin jireen turjumaan iyo warqadii ogolaanshaha ee lagula kulmaayey Badhasaabka.
Hadaba markii aay odayaashii reer Arabsiyood ee uu hormoodka u ahaa Cali Hanfi ( Cali Yare) aay xoghaayntii ama xoghayihii badhasaanku gudoonsiyeen warqadii ogolaanshaha loona diyaariyey turjumaan afka ingiriisiga baaxuuri ku ah oo u kala dabqaada xaga afka iyaga iyo badhasaabka ayaay galeen xafiiskii badhasaabka ingiriis iyagoo uu hogaaminaayo abaankii afku ama turjumaanka loo diyaariyey.
Odayaashii reer Arabsiyo iyo badhasaabkii ingiriis waxaa dhexmartey dood aad u qadhaadh iyagoo aqoontoodii hibo ee codkarnimo uugu bandhigaya qorshahoogii aay soo dejisteen oo qoraal ahaan luuqada ingiriisiga qoddob qoddob uugu muujiyey baahidooda iyo sida sharciga ah ee aay xaq uugu leeyihiin in baahiyahan laga daboolo waayo muwaadiniin cashuur bixiyaala ayaanu nahay kula doodayeen
.
Badhasaabkii oo lagaga gacan sareeyeen doodoodii ayaa Badhasaabka uu markii uugu dambaysey uu isdhiibey soo jeedintii xuquuqeed ee aay odayaasha reer Arabsiyo xaqa uugu lahaayeen maamulkii mustacmarada Ingiriiska.ka amase loo yaqaaney ( British Protectorate Somaliland ).
Badhasaabkii ingiriis oo odayaashii reer Arabsiyo ku qancinaaya in uu qoddobadii caafimaadka guud ee bulshada ku nool deegaanka Arabsiyo, ta xanaanada xoolaha ,nool, ta , kobcinta wax soosaarka beeraha iyo tii ka hortaga xaalufka guud ee fayo dhawrka deegaanka in uu saxeexayo imka oo bacdo lix cisho lagu dhaqan gelin doono balse ta waxbarashada waxa uu ku xidhayo odayaasha laba shuruudood oo sidan soo socota ah:-
Badhasaabkii Ingiriis waxa uu u sheegay kolka uu igu horaaysa in aanu imika ama sannadkan 1958 ka ku suntan aaney isaga iyo maamulkiisuba awoodi karin goob waxbarasho oo markaasi goobta waxbarasho hoose lagu dhigto aay dhisi karaan uun sannadaka dambe, qoddobka la baadan waxa uu ahaa in aaney sannadkan ku diyaar garayn karin ardey waxbarasho fasalka koowad loogu bilaabi karo waayo waxa u dejisan sharciga waxbarasho ee mustacmarada waa in laga helo deegaanka waxbarasho laga bilaabayo ugu yaraan fasalka koowaad arday gaadhaysa 35 ardey, markaas waxaan idiin sheegayaa buu yidhi Badhasaabkii isagoo jaleecaya goobtii aay ka xigtey koraastii waftigii odayaasha ahaa ee reer Arabsiyo aay ka fadhiyeen xafiiskiisa in aad sannadka dambe aad diyaarisan ugu yaraan shan iyo soddon arday oo lagu bilaabo fasalka koowaad.
Markii uu arinkii waxbarashada dugsi ee deegaanka Arabsiyo lagu yagleelayey uu Badhasaabkii labadaa qoddob ee aadka u adkaa ku xidhey oo aay odayaashii reer Arabsiyo uu midba midka kale eegay oo laays weydiiyey sida loo dhaafi karo labadan arin ee culus ayuu hadalkii qaatey Cali Hanfi ( Cali Yare ) , waxaanu ki bilaabay isagoo turjumaankii ku odhanaya u turjun hadalkaayga Badhasaabka oo waxaad ku tidhaahdaa labadaa qoddob ee aad na hordhigtey anaa kuu balan qadaya in aan buuxinaayno shuruudahaasi looga baahan yahay in uu deegaanka waxbarasho laga bilaabaayo in uu buuxin karo, markaas labadaa qoddob waan buuxin karnaa oo balan qaad ad baad noogu iminaaysaa usbuucan soo socda in aad noogu timaadid.
Markii uu turjumaankii uu hadalkii Cali Hanfi u turjumey ayuu inta uu Badhasaabkii xagii uu Cali Hanfi kaga beegnaa eegay buu yidhi , sideed arinkaa isla usbuucan ku xalin kartaa xiitaa goob ardaydaasi aad leedahay afartan arday in ka badan baanu haaynaa oo diyaara wax lagu baraa majirtee. Markii uu Badhasaabkii jawaabtaasi siiyey ayuu Cali Hanfi uu yar dhoola cadeeyey Badhasaabkii ku yidhi horta ta goobta ardayda aanu haaynu oo ka badan afartan arday oo noo diyaara aniga ayaa uugu deeqaya laba qol oo meherado aan uugu talo galey in wax loogu dhigo ardeyda inta sannadka ka hadhsan ee aad u dhamaystiraysaan goobta waxabarasho ee loogu talo galay in ardayda deegaanka Arabsiyo aay u noqoto Dugsi hoose dawladeed oo waxbarasho, balse Badhasaab waxaanu kaa codsanaynaa in aad noo diyaarisid laba macalin oo markaad usbuucan soo xaqiijiso goobta waxbarasho iyo ardeyda dhiganaaysaba wax u dhigta ardaydasi.
Badhasaab kii waxa uu ka balan qaaday odayaashii reer Arabsiyood in aay diyaariyaan labadaa qol ee Cali Hanfi balan qaadey kuwaas oo ku yaaley suuqa hoose masaajidka agtiisa iyo arday gaadhaysa ugu yaraan 35 ardey uu Badhasaabkunu soo booqan doono isagoo kormeeraya in la oofiyey shuruudihii uu waxbarashada ku xidhay, isla sabtidan soo socotana uu imanaayo toddobada subaxnimo magaalada Arabsiyo, markaa uu helo in aay odayaashii reer arabsiyood aay hayaan ard eygaadhaysa 35 ardey iyo goobtii, isna uu qaadi doono caqabadihii uu hordhigey. Dhinaca kalena waxa uu Badhasaabku balan qaadey in uu sannadka soo socda u dhisi doono saddex fasal iyo hal xafiis oo maamulka Dusigu hawlihiisa shaqo maalmeed uu ku maareeyo oo uu ku jiro kaydka buugaagta lagu kaaydiyo, sidoo kale waxa uu balan qaadey sida loo fulin lahaa goob caafimaad oo lagu daryeelo caafimaadka guud ee deegaanka Arabsiyo, ta xanaanada xoolaha iyo goob lagaga dhibeeyo shilinta xoolaha cunta, in la samaayn doono beer wakaalada dhirta iyo daaqa hoos iman doonta oo noqota goob kor u qaada wax soosarka beeraha iyo abaqaalka, laguna dhaqaaliyo talaalka geedaha iyo la dagaalanka xaalufka deegaanka.
La Soco Qormooyinka Dambe
maxamuud xusseen mataan qormada shirqoolki lagu daldaley 1952 kii
Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalada Kaardif(Cardif). Marka aanu soo hormarno aniga iyo Maxamuud Xusseen Mataan oo aay weliba na arkaan anagoo faraxsan oo labada gacmood midba ka kale haaysto guryahaha dariska caddanka waxa aay dusha nagaga shubi jireen baaldiyo biyo wasakha oo aay noo siidiyaariyeen , anigana waxa aay iigu yeedhi jireen erayo caaya sida ** Black Man,s Whore** BY Laura Mataan, Qormadii 7aad.
Markii uu maxamuud xusseen mataan uu u guurey magaalada Kardif oo magaalo maddax u ah gobolka ( Wales uk ), waxa uu halkaasi uuga bilaamatey nolol cusub iyo waayo markaas isaga ku cusub oo aanu hore u aqoon; Markaan leeyahay waayo aanu hore u aqoon kama hadlaayo amase uu la ma jeedo Kaardif in aay ahaayd magaaladii uugu horeesey maxamuud xusseen mataan uu arko balse ta aan uuga socdaa ah in aay kardif ahaayd magaaladii uugu horaaysey ee uu deegaan rasmiya ku noqdo, kuna munaasib-noqotey bilowgii noloshiisa iyo barkulankii uu ka beermay kalgacalkii qotoda dheeraa ee dhex maray isaga iyo marwadiisii mustaqbalka noqotey ee Laura Mataan oo uu ilaahay guurkoodii kala kulmiyey guul iyo u bad dhamaantood u badnaa wiilal oo aay qaar imikaba noolyihiin.
Inkasta oo kalgacalkii dhexmaray Maxamuud Xusseen Mataan iyo marwadiisii Laura Mataan lagu qaadey weerar habeen iyo maalina oo jinsi nacaayba, haddan isku da,ay kasta oo laaysku da,yo in la kala irdheeyo waay ku guuldaraaysteen kuwii aan jacaylaan wada jirkooda, iyaguna waxaay noqdeen lamaani isku duuban oo duufaano kastoo lagu soo kiciyo suti gaashaan u haya kuna dalbada halkudhigyada heesta soomaaliyeed ee tidhaahda: " Jacaaylkeenaa ka weyn. Waa dhab oo jacaaylka dhabta ahi maba kala dhantaalmoo lafuhuu dhameeyaa waxaa yidhi abwaankii qaaliga ahaa ee soomaaliyeed Xusseen Aw-Faarac Dubad.
Laura mataan oo laga waraaystey telefishanada waaweyn ee ingiriiska bishii labaad saddex iyo labaatankeedii sannadkii ( Feb-23-1998 ) xilligaasi oo aay iyada iyo wiilasheedii iyo qaar badan oo qoyskoodii ka mid ahaa ku guulaaystet dacwadii qaladka lagu daldalay maxamuud xuseen mataan jeel ku yaala magaalada kardif bishii sept 1952, dacwadaasii oo qoyskii maxamuud xusseen mataan lagu siiyey magdhaw dhan (E 700,000 ) oo genida sisterliinka ah iyo raali galin dilkaasi aay ka bixisey maxkamadii xukunkaasi ridey ee xukuntey in lagu qaldamey dilkii maxamuud xusseen mataan oo u ee kaa mid aan si cadaalada lo baadhin debigii lagu soo oogay ayaa Laura Mataan oo waraysigaasi telefishanada ingiriiska iyo adeecada weyn ee loo yaqaan ( British Board Casting English) amabase loo soo gaabiyo ( BBC ) oo aay siisey ayaa mar la weydiiyey kalgacakii cishiq uu dhexmaray iyo iyo sigeedii Maxamuud xusseen mataan iyo weliba cusiriyadii jinsi nacaayb oo iyada loogu diidanaa in aay ku agdhawaata ama garabkiisa lagu arko maxamuud xusseen mataan oo aay xilligaasi dadka cadaanki ahi ku nacayeen midabkiisa madownimo ayaa aay su,aalihii laga weydiiyey iyada iyo maxamuud xusseen mataan arrimihii cishiq ee soo dhexmaray aay kaga jawaabtey sidani:-
" Waxa uu ahaa mar la arag oo waan ka saayidey isaga debideed nin aan la hadlo, mana aay jirin hortee qof isaga ka horeeyey oo aan jeclaadey, waxaan arkayaa dhoola cadaayntiisii, waxa ii muuqda oo dhagahaayga ku soo dhacaya hadaladiisii isaga oo uu humaagiisii iiga muuqdo kursigan aan ku fadhiyo kan ka soo horjeeda!!
."Waxa uu ahaa qof mar qudha uun laa tusay balse mudooyin dambe laayga qaatey, maaanse filaayn in aay aroor roob da,ayey oo aan ku sii socdey jeelka oo ahaa halkii lagu dal dalay in aay dal dalayeen oo aana fursad u helin dardaarankiisii, waan cadhaaysan ahay oo cadhaan ku dhimanaya cadhana waa ku jirey muddo lix iyo afartan sanno ah";
Erayadaasi waxaa ku muusanoowdey markii waraysigu socdey Laura Mataan oo ilmo badan qooysey dhabanadeeda xilligaasi oo aay ahaayd qof weyn oo da,a aanad arki kartid wejigeeda daalka iyo waayaha adag ee ka muuqda intaas oo qof kastoo dameer leh ama dareen dabqasho leh oo dhagaysanaayey hadaladaa murugada leh ee waraaysigaasi maalintaasi aay ku muusanoowdey Laura Mattan ama shaashadaha waaweyn ee laayska daawado ka arkaayey waxa aan filayaa in aay raad weyn oo damqasho leh aay ku reebto xusuusihiisa gaarka leh, iyadoo waraaysigaasi uu inoo sii socon-doono aay Laura Mataan aay kaga waramaaysey waayihii jaceyl iyo wakhtiyadii murugada badnaa baan aniga oo taas ka duulaya waxa aan halkan idiin soo marinayaa hees ku jirtey buug jacayla oo aan qorey 1984kii, buugaasi oo la odhan jirey ( Adigu Idhaaftaye Bal Ayatiinka Aan Dhawro ).
Dantu raaxay haaysaa
Waayihu duleeyaaan
Da,dii lama caweeyoo
Dooda iyo sheekada
Fraxadaha daraanka leh
Dadka lama wadaagoow
Doqon buu ka dhigan yahay
Hadaay dunidu weyn tahay
Daawasho iyo qurrux tahay
Kaaymo doogu baxay
Webiyada dururaya iyo
Dekad iyo maraakiib
Buuro dahabka laga qodo
Beero lagu dalxiisiyo
Aay dooxyo badan tahay
Badan tahay
Isaga waay ka dadantoo
Sidii uu danbaab galey
Dugaag iyo sidii bahal
Dayr kali u gaaroo
Cidi aanay degin weli
Darxumoo ku nool yahay
Qof damiir la siiyoo
Garashadu damqaaysoo
Diir naxaaya mooyee
Dadku waay la yaabaan
Ku digtaan miskiinkee
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
Marxaladii waxbaraasho ee arabsiyo sanaadii 1958-1960s, Qormadii sadexaad Q3
Taxanihii Sooyaal Ee Milicsigii Taariikheed Ee Aay Soo Martey Magaalada Arabsiyo Iyo Deegaankeedii Hoos Iman Jirey Maamulkeeda Sanadihii 1950s kii Ee Waxbarasho iyo Sidii Loo yagleelay Dugsiyadii Dawliga ahaa Ee Waxbarashada Madaniga Ahaayd Qaybtii Saddexaad.
Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii Uu gu Horeeyay Ee Lagu Billabay Magaalada Arabsiyo Qormadii 3aad.
Qoraalkan aan kaga hadlaayo marxaladaha taariikheed ee waxbarashada Dugsiyadii uugu horeeyay magaalada Arabsiyo ayaa ah mawduuc dhumucdiisu iyo laagaha uu ku fadhiyaa kuwo qoto dheer oo marmaba marka ka sii dambaysay tuuro daba-taxana oo taariikh da,weyn idila geli doonta inkastoo ujeedada qoraalkani uu yahay in uun inoo iftiimiyo si guud marxaladihii waxbarasha ee lagu bud-dhigay aasaaskii ilaayska aqooneed ee degmada Arabsiyo iyo Aabayaashii hormoodka ka ahaa iftiinkaas aqoomeed.
Sida aaynu hore u soo sheegnay sanadku markuu ahaa 1958 kii gu,gaas waxaa laga hirgeliyey magaalada Arabsiyo labadii fasal ee wax lagu bari lahaa ardaydii fasalka koowaad ee ka soo kala jeeday deegaanka balaadhan ee aay xukumi jirtey xilligaas magaalada Arabsiyo.
Hadaba aan ku bilaabo sidii aad qormadii koowaad aad ku soo aragteen intiinii la socotey mawduucyadan aan ku bilaaynay taariikhdii dugsi waxbarasho ee aay soo martay magaalada Arabsiyo oo waataaynu nidhi Odayaashii magaaladu waxa aay u tageen District Commissioner kii Iingiriis ee fadhiyey Hargiesa, waxa aan ka cudur daaranayaa qoraalkaygii hore in aan idiinku sheega Odayaasha reer Arabsiyo ee waagaasi in aay District Commissioner ka Ingiriis aay uugu tageen Gabiley, markaas waxaan kale oo aan halkan idiinku iftiimin doonaa in aaney Gabiley District ahaayn xilligaas oo Gabiley laftigeeda Hargiesa laga xukumi jirey.
Gabiley waxaa Degmo laga dhigey sannadku markuu ahaa ama gu,gii 1963, Degmadnimada Gabiley waxa aay ku timid dadaal dheer oo uu in badan ku soo jirey alle naxariistiisa janno haka waraabiyee Sheekh Muxumed Warsame (Sheekh Muxumed Yare). Sheekh Muxumed Warsame oo ku magac dheeraa (sheekh muxumed yare) halgankiisa degaanimo muu ahaayn mid uun ku koobnaa oo qudha in Gabiley Degmo noqoto taas oo midhahiigii aay dhashay in Degmo aay noqoto Gabiley gu,gii 1963.
Waxaase kale oo jirtey in uu sheekh muxumed warsame horaantii sanadkii 1950 kii in uu inta uu gargad dhooba aha oo ahaayd meherad uu lahaa baneeyo uu arday badan halkaas ku soo ururiyo dawladii ingiriisna waaydiisto In macalimiin iyo agabka waxbarasho laga caawiyo balse dadaalkaas baahinta aqooneed ee uu horseedka ka ahaa sheekh muxumed warsame waxaa ganafka ku dhuftey niman turjumaano ahaa oo reer hargeysa ah taas oo aay District Commissioner kii Ingiriis ee Hargeysa fadhiyey ku yidhaahdeen qoeshaha caawineed ee uu sheekh muxumed yare ku dalbanaayo in macalimiin iyo agab-waxbarasho in aaney habayaraatee waxba ka jirin meeshuna aay tahay malcaamad quraan yar oo dhawr arday dhigtaan balse aragtidaasi iyo turun-turiiyinkaas loo dhiga sheekh muxumed raage maay ahaayn kuwo ka niyad jabiya in aay ardayda deegaanka Gabiley helaan tacliinta aay xaqa u leeyihiin, arinkaasina waxa uu sii kordhiyey dadaalkiisuu oo uu ku gulaystey in aay fasalkii koowad sanadku markuu ahaa 1952 in loo yagleelo Dugsigii uuguu horeeyay oo saddex fasal ah lona yaqaanay (Riis Elementary School 1952).
Dugsiga loo yaqaano Qalax oo isna Dugsi dhexe ah waxaa ardatdii uugu horaysey galeen 1958 kii. Waxaana Dugsigaas maamulayaal ka ahaa Aden Axmed Isaaq, Jaamac Maxamed Badmaax iyo Cumar Carte oo isna maamule iyo macalinba ka ahaa sanadadaa 1958-1959. Markaas taariikhdaas Gabiley iyo xilligaay DEgmo noqotay iyo Dugsigii uugu horeeyay oo loo yaqaanay Riis Elementary shool kaas oo la yagleelay markuu sanadku ahaa 1952 kii aan intaas ku dhaafo oo aan u soo noqdo markii aay Odayaashii reer Arabsiyo aay u tageen District Commissioner kii Ingiriis ee Hargeysa joogay kaas oo aay ka dalbanayeen in aay mustacmarada Ingiriis ka caawiso Degaanka Arabsiyo Agab-waxbarasho macalimiin iyo tayaanya caafimaad ee uu qabey Deegaanka Arabsiyo waagaasi.
Anbabixii Odayaasha Arabsiyo iyo safarkoodii hswleed ee aay ku tagayeen magaalada Hargeysa oo xilligaas ahayd casimada looga taliyo maxbiyadii Ingiriis oo loo yaqaanay sida duuwaanada taariikhda gumaaystaha ku jirta (British Proctetorate Somaliland). Anbabaxaa safar ee aay Odayaashii hormoodka iyo haldoorka ka ahaa magaalada Arabsiyo oo aay hogaaminayeen1-Cali Hanfi Coofle (Cali Yare) 3-Braahim Nadiif oo ahaa Duqa magaalada iyo ka saddexaad oo ahaa Axmed Gure ayaa daaranaa sida aay Badhasaabkii Ingiriis ee fadhiyey Hargeysa aay uugu qancin lahaayeen in magaalada Arabsiyo laga bilaabo Dugsi hoose oo wax aay ku bartaan ardayda ku nool deegaankaas balaadhan oo aan haaysan goob aay wax ku bartaan isla markaana aay daawlada ingiriis ka caawiso agabkii iyo kaabayaashii waxbarasho suurta galin lahaa kuwaas oo aay ka mid ahaayeen marka uugu horaysa in ardayda loo dhiso goob dugsi oo ka kooban laba fasal iyo hal xafiis, hal stoodh oo buugaagta lagu keeydiyo iyo in aay ardaydu helaan tacliintayo leh oo loo keeno macalimiin tayadoodu saraayo.
Weli waxa aaynu ku jirnaa safarkii anbabax ee odayaashii hormoodka u ahaa waagaas guud ahaan deegaanka Arabsiyo ee aay uugu kicitamayeen Caasimadii Hargeysa oo xilligaas ahaayd halka looga taliyo maxbiyadii Ingiriiska ee *British Protectorate* loo yaqaaney.
Qorshaha safarkoodu sida aaynu hore u soo sheegnay ayaa waxa uu ka koobnaa sidan:- 1- in loo helo goob wax lagu bara dhalaanka mustaqbalka waxbarasho gaadhay ee dagaanka Arabsiyo guud ahaantii ku nool kuwaas oo xaq u leh in loo dhiso Goob waxbarasho, macalimiin iyo agab waxbarasho oo aay tayadiisu saraayso, sida buugaagta daabacan, miisaska iyo kuraasta lagu fadhiisto sabuurado wax loogu dhigo, 2-Qoddobkan labaad baa isna ahaa in deegaanka Arabsiyo loo dhiso dakhtar yar oo uu u dhan yahay agabkiisii fudaaydin lahaa in loogu adeego shacabka sida umulisada, gargaarka deg dega ah dhakhaatiir aqoon u leh iyo wixii weheliya agab caafimaad oo dhan.
. 3- Qoddobkan saddexaad ayaa dhigayey in loo dhiso xero lagu daaweeyo laguna daryeelo xoolaha nool xeradaasina waxa loo yaqaanaa (Xero-dhibta) 4- Qoddobkan afraad ayaa isna ahaa in loo dhiso stoodh lage kaaydiyo daawooyinka caafimaadka dadka iyo xoolaha kaas oo ku ooli jirey halka u dhaxaaysa beerta dayax iyo Abiib cabdillaahi, Gurigaas ama stoodhkaas loogu tala gelay in dawooyinka lagu kaaydiya waxaa la siisyey sannadku markuu ahaa 1958 kii macalinkii qaaliga ahaa ee faysal umar mushteeg oo guri ahaan u gali jirey, waana halkaay ka bilaabmatey kabaadii hore ee Arabsiyo ee aay ka mid ahaayeen Cabdillahi Dhagareed,Hirad iyo qaar kaloo badan laguna sameeyay heesihii subcis sida heesta loo yaqaano *Degan* ee aay midhaheeda ka mid ahaayeen:-
Deganaayn sida doox
Daad marayoo
Darintii kaga taal
Labada dacaloo
Duunyadii weli
Daaqin Baad tahayee
5-Qodobka shanaad oo qorshahaas isna uugu weynaa baa ahaa in magaalada Arabsiyo oo ku qaniya dhulbeereedka iyo weliba beer-biyoodka loo yaqaano bustaanada in beer-weyn oo siidhadhka lagu beero laguna daryeelo dhirta si looga hortago caalufka iyo nabaad guurka in magaalada laga sameeyo Beertaasna waxa aay soo jirtey ilaa waagaas ingiriiskii ilaa sanadkii 1988 kii waxaana hlwadeenka ahaa beertaas Cabdilaahi qalinle axmed oo loo yaqnaay shabeel balse beertaas garanmaayo in aay imika jirto waxaase aan u soo qaatay in aad la socotaan hantiyihii degaanku lahaa ee aay weli shaqsiyo gaari ku camal falaan.
Magaalada Arabso xilligaas 1950s kii waxa aay ahaayd magaalo aad u kooban oo sida la sheego ama taariikhdu warinaayso magaalada Arabsiyo oo maheredii uugu horaysay ahaayd 1928 kii waxaa dhisay Ibraahim cabdillaahi oo ahaa Aw muxumed Ibraahim aabihii sida yuusuf cali maxamed odey laga hayana isagoo ka waramaaya berigii meheradaa Ibraahim ee ceelbiyoolaha agtiisa ahaayd ka waramaaya waxa uu yidhi yuusuf cali:-* Meherada uugu weyn buu ahaa , Guri aad u qurrux badana wuu lahaa oo dhawr daaqadood leh iyo albaab weyn, dushiisana waxaa marsanaa sibidh, laban na wuu ka samaysnaa, markaas anoo aruuta oo adhiga ku soo foofiyey halka uu dugsiga dhexe yahay ayaan dooxan oo laag yara inta aan gebiga ka soo boodo , dooxan laagta ahna aan ka soo ta laabo aan iman jirey meheradii aw muxumed aabii Ibraahim, inta kale magaalado dasooyin iyo waabab gerdado sarab iyo dhoobo isku jirta baay ahaayeen*.
Markaas hadaba horaantii 1950s kii magaaladu waxa aay ahaayd magaalo aad u kooban oo suuqa quburista loo yaqaano ilaa sakada suufi nuuriye aan dhaafsiiynay, suuqa uugu weeynina ee hilibka,khudrada ,sonkorta lagu , dharka iyo wax badan oo kale lagu iibiyaana waxa uu ku yaalay sakadaas suufi nuuriye ilaa xaaji jiidhe horteeda oo sakadii xaaji amare uu tukaanka ku lahaan jirey ee tarawele uu lahaa sakadaa waxaa la dhisey 1967 kii oo xilligaas 1950 gii-1966 maa jiren. halka uu yahay saldhiga boolisku xilligaasi 1950s kii ilaa 1969 kii waxa aay ahaan jirtey suuqii tumaale-yaashe, hadhuudhleeyda iyo baadlayaasha, saldhiga xabsiga ee dadka lagu xidhaana waxa aay ku taalay halka aay degmo aw gaab daganayd ee reer aw xassan agtooda, xafiiska dacwaduhuna waxa uu ku yaalay sakada guri aay isku sakad yihiin xaaji abdi obsiiye hada waa sakada galbeed kaga beegan sidaan filaayo imika saldhiga boolisku halkuu yahay, bacadlayaashuna iyaguna waxa aay ku yaaleen halkaas uu imika yahay saldhiga bilaysku, xaanalayda iyo dumarka sonkorta iibiyaa iyo xawaashyaduna waxa aay suuq yar oo jiin-gado biro tiirar u yihiin ayaay ku lahaayeen halka warshadad laaydhku ku taalay oo halkaas waxaa kaga soo jeeday meherad uu cabaas lahaa oo gabyanka dooxa u dhawayd.
Xilligaas hadaba baabuurta hargiesa u baxda ama jabuuti ee loo yaqaanay kuryeeli waay yaraayeen . Waxaana mahaalada Arabsiyo labadii usbuucba mar dhinaca hargeysa uuga bixi jirey hal baabuur, hal kalena bishii ama labadii bilood buu u bixi jirey jiuuti, labadaas baabuurna waxaa kala watey laba nin oo la kala odhan jirey Sacad iyo Feero-gaas. Istaanka baabuurta laga raacaana waxa uu ku yaalay geedka weyn ee ku yaala halka uu saldhiga bileysku imika uu yahay ee dariiqa yari u dhaxeeyo misgiid-jaamaca oo isna la dhisey 1964 kii.
Haddaba marka la tegaayo Hargeysa ama Jibuuti waxaa magaalada ka bixi jirey hal dariiq oo u dhexeeyay halka uu imika maskiid-jaamacu yahay iyo saldhiga bileysku, waxa uu dariiqaasi marka wax yar loo jiro daanyaale aay baabuurti ku yar xakan jireen si rakaabka iyo alaabta saaranba loo xisaabiyo baabuurta loona hubiyo. Marka aay xisaabta alaabta iyo rakaabka baabuurta la hubiyana ayaa aay wadayaasha baabuurtu shidhka u geli jireen baabuurta si aay safarkoodii hore uugu sii socdaan, xilligaasi oo aan ahaayn xilligan casriga ah ee dunida dhinac kastaba aay xag welba uuga horumartey ayaa xilligaasi darawaliintaas baabuurtaas iyo kirishbooyiinyooduba aay dhibaato ku hayeen rakaabkaasi oo aan inta badanba baabuur arag korisna hadalkooda daaye, marka dadka rakaabka ah baabuurtaa la saarayo waa la badh daba teegaari jirey oo xiitaa iyagoo anfariirsan ayaa salaanka lugaha garab marin jirey kirishboyguna baabuurta dushiisa ayuu inta uu garbaha soo qabto iyagoo miyir la sagxada hoose ee baabuurka fadhiisin jirey, markuu baabuurku dhaqaqana kuwa aan hore baabuurba u arag dhirta iyo cirkaa u guur guuri jirey oo markaas baay madax wareeri jireen oo hunqaaco dhabtooda buuxin jirtey.
Baabuurtaasi maay ahaan kuwo xaawli badan ku socda oo sood koodu aad buu u gaabnaa waagaas oo taayirkuun baa rogman jirey baan isleeyaha. markaay daanyaaale ka dhaqaaqaan toddobada subaxnimo ee aay ku sii yar hakadaan magaalooyinka geed-abeera , Xidhinta oo xilligaas aad u camirnaa lagana heli jirey makhaayado iyo tukaano yar yar oo aad u camiran dadkana u khidmeeya laguna hakan jirey si aay dadku uugu nastaan kana adeegtaan inta ka hadhay safarkooda, baabuurtana lagu sii giijiyo wixii ka dabca. Xidhintu waxa aay ahaayd ubucda weyn ee kala qaybsa dariiqa cad oo u kala baydha qayb hargeysa u baxda iyo qayb galbeedka u baxda oo ilaa jabuuti tagta, waana halkii loogu heesi jirey halkuu xaaji gaydh xamaanta dhigtiyo xajkeenuna xidhinta weeyaan. Markaas baabuurka Arabsiyo ka soo baxaa toddobada subaxnimo ee arooryaad waxa uu gaadhi jirey Hargeysa lixda makhribnimo ee galab dhac.
Iyadoo aan sidaas hadaba uuga soo sheekaaynay safarka Arabsiyo ee ilaa Hargeysa lagu tagaayo in aanu sahlanayn waagaas ayaay Odayaashii reer Arabsiyo ee u socday danta shacabkooda uugu anbabaxeen Hargeysa iyagoo ijaartey gaadhigii Sacad oo ingaudh u ahaa iyaga sii socod iyo soo socod si aay u soo gutaan hawsha dadaal ee aay degaankooda iskaga xilqaadeen ilaahaay dhamaan Aabayaashaas ama awoowyaashaas qabriga ha u nuura idikuna faataxada u soo mara aamiin.
Markii aay tageen subaxnimadii dambe xafiiskii badhasaabka ee Ingiriis ayaa markiiba uu badhasaabkii kala horyimid Odayaashii waji furan iyo gacmo soo dhawayn diiran wata, markii aay doododii iyo dood celin laays dhaafsadey dhamaan shantii qoddob ba in uu usbuucaas ku fulin doono ayuu badhasaabkii ku balan qaaday balse waxa uu ku xidhay laba shuruudood qodobkii tacliinta mida uugu horaysa waxa uu yidhi inta dugsiga la idiin dhisaayo waa in aad la timaadaan goob guri oo caruurta wax laagu dhigo, shuruuda qoddobkaas markiiba waxaa ka jawaab celiyey Cali Hanfi Coofle oo laba guri oo uu suuqa hoose ku lahaa uugu deeqay in ardayda wax lagu baro, shuruuda labaad ee lagu xidhayna waa in aay marka hore diyaariyeen ugu yaraan 25 arday oo lagu bilaabo qaybtan soo socota oo aad u xiiso badan la soco
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
Doorashadii Xildhibaanada Golahii Shacabka ahaa Ee Jamuuriyadii Somaalida Bishii Saddexaad Shan iyo Labtaatankeedii sannadkii Kun Sagaal Boqol iyo Sagaal iyo Lixfanki Bishiii ( Mar- 25- 1969) Qormadan Afraad waxaa halkii inooga sii socon doona. labdii Xusbi ee kala ahaa Xusbigii Ubax iyo Xusbigii Hadhuudho.
Qormadii saddexaad waxa aay inoo joogtey markii Jeanne Dhaem iyadoo Fasalkii labaad ee ardaydii dhiganeysey waxabarashadii dadka waaweyn ee loo yaqaaney Adlasta oo ah eray faransiisa amase loo yaqaaney dhinaca afka Ingiriiska (Adult Education ) oo labada afba micnahooga uu ku soo biyo dhacaayey waxbarashada dadka waaweeyn oo habeenkii ka socon jirtey dugsiga hoose dhexe ee Arabsiyo taas oo la dhigan jirey shan saac oo loo qaaybiyey shan xiisadood oo iskugu jirey jirey :- 1-xiisada Afka Ingiriisiga lagu barto. 2- Xiisada lagu barto afka carabiga, 3-xiisad lagu barto Xisaabaadka iyo maamulka maaraaynta guud, 4-Xiisad lagu barto Saaynis ka iyo Xiisada shanaad ee uugu dambaysa oo lagu dhigan jirey maamulka madaniga ah iyo sida loo maamulo Arimaha bulshada (Civic Life ).
Wacbarashadaasi dadka waaweyn ee wax lagu baraayey baayacmushtarka meheradaha ku lahaa magaalada Arabsiyo iyi guud ahaanba dadkii madaniga ahaa ee ku noolaa magaalada haween iyo ragba ayaa qorshahaasi waxbarasho ee dadka waaweyn la bilaabay badhtamihii 1960s kii . taas oo aay ahaayd seeska ujeedo ee loo dhigey aasaaskii waxbarasho ee dadka waweeyni uu ahaa in loo soo saaro magaalada maareeyayaal maamuli kara arrimaha bulshada ee deegaanka Arabsiyo, hanoqoto xag ilaalin fayadhawrka deegaanka oo laga hortagaayo wixii dhiba ee ku noqon kara aafo deegaankaasi sida xaalufka dhirta looga hortogo oo lagu wacyi-geliyo dadka in uu qofkastaabaa geed ka beero gurigiisa hortiisa, in saxada magaalada la ilaaliyo oo uu qofkastaaba xashiish iyo wixii xumaaynaya saxada bulshada in uu iskii isagu uu isku xilqaamo oo uu sida uugu dhakhsaha badan uugu wargeliyo haayadaha qaabilsan arimahaasi, wixii uu gacantiisa isaguna ku qabsan karo in aanu cid kale la sugin ee uu xalkaa maareeyo.
Waxa kale oo aay ahaayd ujeedada loo yagleelay qorshahaas waxbarashada dadka waaweyn si loo soo dhiso aqoonteeda fahan oo ku saabsan guud ahaan deegaanka aay ku nool yihiin ito si aay wax uuga ogaadaan dunida kale ee aduunyada iyo xadaaradaha dadtowgaas ku nool qaaradaha aduunyada, xadaaradaasina ha noqoto mid soo jireena amase mid dhexee, Qaybta arimaha bulshada waxa aay ardayda Adlastaa dhugan jirtey aay wax kabaran jireen sida wadajire wax loogu wada qabsado iyadoo aan qaayb qaayb iyo qolonimo aan lagu eegaayn danta guud oo wixii dheef iyo dhiba in aay u simayn yihiin bulshadaasi markaa uu ilaahaay dhigay in aay deegaankaasi ku wada noolaato.
Marka la leeyahay arimaha bulshada iyo sida aay bulsho danta guud u qabsato iyadoo ku guusaaysa ( As Team) wax loo dhan yahay oo weliba aay wada wadaagto bulshadaasi guud ahaan in barashadeeda la yaraaysto maaha oo weliba marka si cilmiyeysan loo baranaayo ee looga doodaayo arinkaasi maaha arin meel soke laga soo qaadi karo oo waa qorshe fahanka arinkaasi uu faa,iido weyn u yeelan doono haddii aay bulsho fahanto micnaha danta guud oo hareeraha laga wadajoogaa aay yeelanaayso, weliba ku darsoo midhaha laga faa,iidayo qorshahaasi hadduu fulo aan la koobi karin.
Waxbarashadan dadka waaweyni waxa aay la haayeen koox horjoogayaal ah ( Arabsiyo Elderly Board Of Education) oo dusha kala socda tayada waxbarasho si dadban iyo si toosaba u kormeera habeen kasta hanoqoto habsami u socod ka tacliinta iyo anshaxa waxbarasho, kooxdaa horjooga yaasha ka ahaa qorshahaas wabarasho ee dadka waaweyn waxa aay ahaayeen odayaashii magaalada hormoodka ka ahaa ee xilligaa taladu gacanta aay uugu jirtey.
Marki aay Jeanne Dheam iyadoo talamaysa aay xafiiskii uugu gashay odayaashii magaalada oo uu hormood ka ahaa Cali Hanfi ( Cali Yare ) aad baay u nacdey , weliba markii uu maamulihii dugsiga iyo macalimiintaba oo la odhan jirey Cabdillaahi Khaawi (Kucadeeye) ku yidhi adiga iyo macalinkan kaleba waxaad ku eedaaysan tihiin anshax xumo aad ardayda iyo dugsigaba aaney xamili karin ayaay Jeanne Dhaem aay inta aay indhuhu naxdin ka soo dhici gaadheen tidhi :- ** Cabdillahi aniga waad u og tahay in aan ahay qof ajaaniba oo had iyo goor ka taxadiran qaladaad u kasa in aan sameeyo , waxaase suurtowda in uu qalad isfahan xaga dhaqanku oo aanan anigu ogaayn mar mar yimaado waanan ka digtoonaan doonaa marka dambe ee ha la ii sheego anshax xumada ( misconduct ) aan sameeyay si aay ii ugu noqoto fursad aan hadhow kaga faa,iidaysto?
Cabdlilaahi Kucadeeye inta uu xaggii Odayaasha jaleecay ayu af soomaali uugu turjumay Odayaashii waxa aay Jeanne Dhaem ku garnaqsatey iyo in aay Odayaasha ka dalbatey in loo sheego anshax xumadaay samaaysey si aay mustaqbalka soo socda aaney qaladkaasi mar labaad ku dhicin oo aay uuga digtoonaato. Cali Hanfi ( Cali Yare) waxa uu hadalkiisii ku bilaabay bismilah, horta waxa aan hanbalyo iyo bogaadinba u soo jeedinayaa gabi ahaanba macalimiinta si niyadsamiya uugu haawlan habeen iyo dharaarba waxbarida aqooneed ee bulshada deegaankan Arabsiyo uu ilaahaay dhigey caruur iyo cirooleba, marka xigana waxaan mahad naq u soo jeedinayaa Jeanne Dhaem oo ah gabadh yar oo meel fog uuga timid in aay waxbarto bulshada reer arabsiyo iyadoo gurigoodii uuga soo banbaxdey in aay si hagarli,i ah waxbarasho ugaadhsiiso ciroole iyo caruurba guud ahaan ku nool deegaankan Arabsiyo.
Markii uu Cali Hanfi oo ahaa afhayeenka Odayaasha reer Arabsiyo uu hadaladaa mahadnaqa ah ujeediyay macalimiintii Dugsigaa dhigi jirtey iyo mahanad qaara oo Jeanne Dhaem ah ayaa intuu jaleecay Cabdillahi Kucadeeye oo ahaa maamulaha Dugsiga iyo macalimiintaba uu ku yidhi inta aanan gudo gelin dacwadii loo haaystey Jeanne Dhaem horta intaa u turjun. Cabdillahi Kucadeeye markii uu hadaladii Cali Hanfi u turjumey Jeanne Dhaem, hadaladaasi oo aay aad uugu riyaaqdey Jeanne Dhaem kalsooni buuxdana siiyey ayaa uu Cali Hanfi guda galey mucdii ama nuxurkii dacwadii loo soo jeedinaayey Jeanne Dhaem, waxaani Cali Hanfi (Cali Yare) qaybtii labaad ee hadalkiisa ku bilaabey sidii caadada u ahaayd :-
" Bismilah, Ilaahaay baa mahadleh ,waxaananu u mahad naqaynaa Allihii naga dhigey dad muslimiinta, waxaana nagu waajiba marhadaanu nahay dad muslimiina in aanu sheegno xaqa muslimku lee yahay iyo xaqa aay martida nala nooli aay leedahay. Jeanne ama Jinaweey marka hore waanu ognahay in aayney kala dhaqan nahay kale diin nahayna balse aad tahay inantayadii oo aanu kuu sheegno wixii toosina si aanu kuugu sheegno wixii dhib kuu keeni kara, anagana aad nooga dhawri kartid wixii iimaankayaga iyo dhaqankayaga weliba diintayada muslimka ah ka hor imanaaya, sidaasi daraadeed ayaanu go,aansaney aniga iyo gudoonkan odayaasha ah oo aan afkooda ku hadlaayo in aanu ku soo gaadhsiino wixii tabasho ah ee toosin u baahan ee naga ka soo galey : Intaas markuu yidhi Cali Hanfi( Cali Yare) ayaa uu ujeestey xagii miiska kaga beeganaa xafiiska oo aay ka soo jeedeen Jeanne Dhaem iyo Cabdillahi Kucadeeyo oo isbar bar fadhiyey laba kursi oo isu dhow, waxaanu Cali Hanfi Cabdillahi Kucadeeye ku yidhi Inanta u turjun oo u fasil hadalkaaygii .
Markii uu Cabdillaahi Kucadeeye uu qaybtii labaad ee hadalkii Cali Hanfi u fasiley , Jeanne Dhaem na si fiican u dhugatey aadna u fahantey hadalkii waayeelka odynimo ahaa ee uu u soo jeediyey Cali Hanfi ayaa uu mar labaad Cabdillahi Kucadeeye inta uu eegay dhinacii Cali Yare ka xiga uu u siinyaaleeyey in uu wato hadalkii sii. Cali Hanfi sidii u caadada haayd ayuu hadana mar saddexaadkii ku bilaabey hadalkiisi " Bismillah, Jeanne , caruurta ardayda dugsiga marka aad u dhigaysid kuguma eedaayno dharkaad xidhan tahay ee aad ardaydaasi wax uugu dhigto waayo iyagu waa arday yar yar oo dhib malaha dharka aad xidhan tahay balse waxaad ogaataa marka aad habeenkii wax u dhigaaysid Adlasta ardayda dhigataa waa dad waaweeyn oo dharkan aad habeenkii waa in aad soo badashaa soona xidhataa dhar asturan waayo haddii aad soo xidhato dharkan kugu dhijisen ee aay cawradaada muuhinayaa waay kugu hamoonkaraan ardaydan dhigata waxbarashada dadka waaweyni oo waa rag mudakara, markaas waxaan si nasteexa oo weliba waalidnimo ah kuugu soo jeedinayaa in dhar asturan aan habeenkii la timaado markaad wax dhigaaysid, arinkaasina waay qaatatey Jeanne Dhaem oo habeenkaasi wixii ka dambeeyey waxa aay wax ardayda uugu dhigi jirtey dhar asturan oo weliba xijaaban.
La Soco Qormooyinka Soo Socda
Khadar Jaambiir Egeh
Marxaladii waxbaraasho ee arabsiyo sanaadii 1958-1960s, Qormadii labaad.
axanihii Sooyaal ee lagu aasaasey Dugsiyadii wWaxbarasho ee laga yagleelay magaalada Arabsiyo oo aay hoostagaan Deegaan aad u balaadhan waagaas, Qormadani waa Qaybtii Labaad.
Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii Uu gu Horeeyay Ee
Lagu Billabay Magaalada Arabsiyo Kuwaas oo lagu barto Aqoonta Maadiga ah Sida:- 1-Sceince ka 2-Geography-ga 3- Math ka 4-History 5- Socail Science 6-Arabic 7- English 8 -Gyms.
Ma fududa marka hore in si dhib yar loo helo oo loo bilaabo ama loo dhigo seeska Dugsiyo aqooneed lagu yagleelaayo haddii aaney marka hore u dhamaystirnayn awoodihii sahli-lahaa in la helo goobihii wax la gu dhigaayey ee aay ardaydu wax ku baranaaysey iyo agabkii waxbarasho ee aas-aaska u ahaa in lagu dhiirada , waayo ugu horaayn waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo goobihii ardaydu wax ku dhigan lahaayd iyo agabkii waxbarashada oo dhamaaystirin iyo weliba in aay goobahaasi ama dugsiyadaasi aay joogaan macalimiin aqoon leh oo lagu soo carbiyey habka wax dhigista ama loo yaqaano (Teaching Methods).
Macalimiintaa Dugsiyada wax kabarta ardayada waxaa waagaas lagu soo carbin jirey dugsiyadii caanka ahaa xilligii mustacmaradii Ingiriiska hada waa labadii Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh) oo la yagleelay si macalimiinta iyo ilaayskii hogaamineed ee umada loogu carbiyo, waxaana labadaas Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh loo asteeyey in aay noqdaan warshadii ama hooyadii aqooneed ee diyaar-garayneysey ama lagu carbinaayey jiilkii soo kacaayey ee loo diyaarinaayey in aay umadan hogaamiyaan, waxaana labadaa Dugsi ee Camuud iyo Sheekh kala ahaa la yagleelay gu,gii ama sanadkii 1944 kii.
Labadaas Dugsi ee Camuud iyo Sheekh oo qaaybo farabadan iskugu jirey laguna kala baranayey culuun kala jaada ayaa waxaa waaxyahaa kala jaadka ahaa ee labadaa Dugsi ee camuud iyo sheekh iyana ka mid ahaa waaxweyn oo lagu carbiyo macalimiinta loo na yaqaanay marka la soo gaabiyo TTC ama ( Teacher,s Training Centre). Ardayada loo tababaraayey macalinimada waxa aay Dugsigaas tobobar ka ama (TTC) da aay waaxdaa tobabarka macalinimada aay ku jiraayeen muddo laba sano ah oo aay ku diyaarinayeen shahadada macalinimada ( Educational Teaching Certificate), waxaanay muddadaa labada sano ah marka laga reebo maadada takhasuska macalinku dhigaayo aay baranjireen cilmiga loo yaqaan Barbaarinta garaadka ardeyga yar iyo farsamooyinka loo adeegsado waxaana afka qalaad loo yaqaan kalmadan oo luuqada Giriiga laga soo qaatey (Pedagogy Teaching Methods ama Educational Course).
Barayaasha Dugsiyada Camuud iyo Sheekh xilligaas ku jirey waxaa lagu carbin jirey ama loo dhigayey sida aay waxbarasho tayo -fiican uugu gudbilahaayeen ardayada weloo aay ridada macalimiintu aay aad u yaraad balse waxa aay ahaayeen kuwo tayadooda aqooneed ee waagaas aad u saraayso oo haaybad sharaf badan huwana dadkooda u dhexlahaa mushahar fiicana qaadan jirey (earning with decent wages).
Barayaashaa waxa loo deegaamiyey in aay anshax iyo akhlaaqda fiican aay kaga dayato ardaydooda, taas oo dhaqanka fiicani uu ka mid ahaa haaybadaha uu dadka kaga dhex muuqdo macalinku, Marka laga hadlaayo labada waaxood ee tababarida macalimiinta ee ku yaaley labadaas macad ee camuud iyo sheekh waxa aay ahaayeen barayaasha ka soo baxa labadaas dugsi kuwo tayada aqoontoodu saraayso oo si fudud u maareeya mushkuladaha wax dhigid ee aay maalin kastaba aay goobaha waxbarashada kala kulmi jireen, waxaanay ahaayeen kuwo lagu soo carbiyey xalinta turun-turo ee caqabad ku noqonaysa habsami u socodka shaqadooda waayo waxaa duruustooda ka mid ahaa la gu soo carbiyey sida aaynu hore u soo sheegnay habaka ardayda loo carbiyo iyo deegaaminta guud ee baayada waxbarasho hababkaas aay isticmaali jireena waxaa ka mid ahaa sida:- 1-Psycholoy 2-Pedology 3- Class Management 4- Coherent 5- Teacher,s persausive 6- Teacher,s Preparatory 7- Teaching Practice Mothed intaas dhan oo aan soo sheegay waa waajibaadkii macalimiintaas lagu soo carbiyey oo loo yaqaan (Pedagogy ama Educational Courses).
Waxa aaynu hore u soo sheegnay qaybtii qormadan ka horaaysey in aay hormoodkii lagu yagleelayey in Ilayska iftiin ee lagu budhigaayey aas-aaskii ama seeskii taclimiin ee udubaha loogu dhidbaayey Dugsiyadii uugu horeeyay Deegaanka Arabsiyo aay hogaanka u hayeen Odayaashii mudakarka ahaa ee magaaladu oo aay hogaaminayeen Cali Hanfi Coofle ( cali Yare).Ibraahim Nadiif ,Axmed Gure, Sheekh Cumar Liibaan (Abu Foqora) dhamaantood Odayaashaasi waay inaga hooseeyaane faataxada haloo mara in uu ilaahaay jannadiisa fardoowsa ka waraabiyo aamiin., ayaa waxa aay maalin ka mida maalmaha barakaaysan ee aay muslimiintu shaqooyinka fasax ka yihiin oo maalin jimca ah aay Oadayaashaa mudakarki ahi iyo indheer-garadkii magaaladu aay miidii-sii uugu badnaayd ku jirto aay shir ku qabsadeen makhaayada dooxa uugu xigta oo uu Chief Caaqil Caynaan Axmed lahaa markii dambana uu Xassan Xaaji Yuusuf Rooble uu ka iibshey Chief Caaqil Caynaan Axmed.
Makhaayadaa uu lahaa Cheif Caaqil Caaynaan Axmed oo ku taala xaga magaalada galbeedka looga soo galo ee u dhow dooxa qaaybiya laba da qayboo ee arabsiyo ayaa uu shirkaasi maalintaa jimcaha ahaayd gelinkeedii dambe markii laga soo baxay salaadii casar aay Odayaashii magaaladu oo aay weheliyaan waxgaradkeedii aay shirkaas ku qabsadeen,. Sannadkan 1958 kii waa sanad barwaaqo badnaa roobkuna u badnaa oo weliba magaalada dhexdeeda waxaa sunsumaya iliilado biyo badan xunbona aanay ku jirin oo xareed saafiya ah, Geedahana waxaa isqabsadey ubaxyo caaynba caayna iyo caleen wada cagaaran .
Cadceeda casarnimo oo diirisay dharabkii geedaha saarnaa oo biyahii tifiq tiqi lahaana ku dhagsiisey falaadhahegii ayaa halkaas uu ka samaaysmey midab dahabiya oo muujinaaya shacnigii quruxeed ee uu ilaahaay ku manaaystey magaallada Arabsiyo oo ah dhul-beereed ku caana Bustaanada. Jawga galabtani waxa uu ahaa mid aad u qurrux badan Makhaayadani waxa aay ka mid ahaayd makhaayadihii aay magaalada Arabsiyo aay waagaas lahaayd kuwii uugu qiimo badnaa , waxaanay Odayaasha waxgaradka Arabsiyo u ahaayd goobta uugu mahiimsan ee aay shirarka ku qabsadaan marka arimaha khuseeya Deegaanka Arabsiyo la gorfaaynaayo, waxa kale oo aay goobtani ahaayd goob wararka lagu kala qaato laguna dhagaaysto wararka adeecadaha wixii dunida marba ku soo kordha ama gudaba ha noqotee.
Makhaayadan uu lahaa Cheif Caaqil Caynaan waxaa xilligaa loo yaqaaney (Civic Centre) taas oo aay micnaheedu ahaayd goobtii wararka lagu kala qaadan jirey. Inamada loo yaqaanay qaxwiyijiinta oo ahaa shaqaalaha makhaayada waxa aay galabtan ku jireen hawl culus waayo dalabka shaaha casaryaha oo xilligaas aad u socdaey dalabka qaarkii dadka macaamiisha u ahaa weliba khaasatan kuwa miyiga ka soo dhaadhacaa marka aay fijaan shaaha dalbadaan ee aay rabaan in loo soo lamado waxa aay istimaalayii hal far oo kor loo taago aamusnaanina la socoto markaas waxaa inanka qaxwajiga ah ku qasab ahaayd in uu si taxadir leh uu la socdo faraha aay macaamiishu kor u taagayaan..
Xilligaas oo raadhywgu aad u yaraa magaalada Arabsiyo waxaaba ka jirey laba radhyow oo keliya oo magaalada laga dhagaysto, labadaa raadhyowna waxaa bixiyey ingiriiska oo mid waxaa la dhiibey Mayor-kii magaalada Ibraahim Nadiif , mid na waxaa la dhigay Makhaayadii Caaqil Caynaan oo u ahaayd magaalada (Civic Centre) keeda ama Baraha-Bulshadu aay ku kulmi jireen halkaas oo aay ku dhagaaysan jireen cadeecadaha raadhow hargeysa iyo BBc da..
Makhaayadan Chief Caaqil Caynaan oo ahaayd Baraha-bulshada kala duwani iyo waxgaradka magaaladu aay ku kulmi-jireen inta badan waxaa lagaga hali jirey wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha Deegaankaas balaadhaan ee aay ku fadhidey magaalada Arabsiyo , inta badana waxaa lagaga arinsan jirey xogoha caafimeed ee deegaanka hanoqoto mid (Hygine, ) ama Xanaanada xoolaha (vetenary), mid talaalka caruuta ama dhib loo keeno deegaanka iyo dabeecada uu ilaahaay inagu uumay sida waxa afka qalaad loo yaqaan (Enviromental Vulnerablity like Desforestation, Desertification,Landslide, Greenhouse Gasses Emmissions) iyo qaar kaloo badan.
Anigoo aan ka baxayn madwuuceenii lagu yagleelay ilaayskii waxbarasho ee laga yagleelay magaalada Arabsiyo gu,gii 1958 iyo shirkii jimcaha casarkiisii ka dhacay gudaha goobatn makhaayada oo aan kor idiinku soo sheegay in aay waxgaradka magaalada Arabsiyo u ahaayd Baraha aay bulshadu kaga ariminsato kolba wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha ayaan anoo mooduucaa halkaas ka sii wadi doono aan inyar dib idiinku celin doonaa sannadkii 1969 kii ayaa waxaa Deegaanka Arabsiyo soo food-saartey dhib xagga dooxa ah oo beerihii iyo guryo badan qaaday taas oo magaalada looga baqayba in uu dooxu ku soo durko dabadeedna uu qaadaba, arintaasi waxa aay noqotey arin werwer weyn ku noqotey waxgaradkii iyo Odayaashii hogaanka umada u ahaa;
Markii aay dhiiladaas Dooxa Arabsiyo dhex maraa uu masiibo qaran ku noqdey umadii deegaankaas ku noolaayd sanadkuna uu markaa yahay bilihii uugu horeeyey 1969 kii oo aanu miletarigii xooga dalku aanu talada la wareegin ayaa maalin maalmaha ka mida aay wax garadkii magaaladu oo ka koobnaa haldoorkii deegaanku aay iskugu yimaadeen si aay arinkaa aafada ku noqdey uuga arinsan lahaayeen iyo sida uugu fudud ee aay gurmad deg dega uuga gali lahaayeen arinkaa.
Waxagaradkii magaalada oo aay hormood u ahaayeen Odayaashii magaalada ayaa waxa aay shir deg dega oo albaabadu u xidhan yihiin ku qabteen makhaayadii Baraha Waxgaradka u ahaayd ama la odhan jirey ( Arabsiyo Civic Centre) . Goobtaas waxaa ka dhacday dood aad u xeeladaaysan cilmina ku duugan yahay iyadoo aad looga hadlaayo cilmiga looyaqaan hab-deegaameedka uu i Ilaahay u dhigay labada nolooleed ee isku dheeli tiran ( Eco-Sytem) , waxgaradka goobtaa isugu yimid waxaa ku jirey niman khuburo ku ah baahadaha aduunka waxana ka soo galay dagaalkii labaad ee aduunka sida alle yarxame Mujaahid Gabax Liibaan.
Doodaa goobtii barkulanka u ahaayd waxgaradkii Arabsiyo ku dhex martey sannadkaa 1969 horaantiisii waxa aay doodaasi oo duhurkii bilaamatey laydhna xilligaa muujirine markii migdigii dumayna tiriig-yadii waaweynaa laysku shitay aay soo dabayaaqoowdey doodaasi dheeraayd kow iyo tobankii habeenimo, waxaana ka soo baxay qodobo wax ku oola oo aan hoos idiinku iclaamin doono , qodobadaas oo dhamaanteed qeexayey sidee gurmadka arnkaa aafada noqdey looga hortagi lahaa intaanu masiibo qaran noqon.
Shirkaasi Arabsiyo Civic Centre ka dhacay waxaa nasiib wanaag u hiley District Commissioner kii Degmada gabiley oo markaas Arabsiyo aay hoos imanaysey Muddane Maxamed Cabdi oo reer Cadmeed Cadan waxku soo bartay ahaa kana soo jeeday cid ahaan District Laascaanood. Maxame Cabdi oo ahaa Dc-ga Degmada waxa uu doodiisa uu ku soo gunaanadey in uu isagu ka caawinaayo nin uu yaqaano oo Injineer ku caan baxay sida loo xidho siliga farshaxanka loo sameeyo ee gabyanada lagu xidho, waxa kale oo uu Maxamed Cabdi Dc gii kaloo uu ku baaqay in xaga daawlada uu shidaalka baabuurta iyo laba iska rogu ku caawin doono.
Geesta kale Odayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo oo uu ku jiro Gabiley District Commissioner kii waxa aay soo saareen qodobadan.:- 1- waa in dhamaan meheradaha magaalada oo dhan laxidhaa maalinkasta inta aay haawsha gabyan xidhidu socoto saddex saac aay kana mid noqdaa bayacmustarka iyo maheradaha magaaladu maalgalinta iskaa wax u qabsada. 2- in la hakiyaa baabuurta magaalada in aay safaro dhaadheer u baxaan sida jabuuti oo kale inta uu socdo mashruuca iskaa wax u qabsadu waayo baabuurta xamuulka waxaa looga baahan yahay in aay marna dadka soo daabulaan, marna dhagaxa gabyanka lagu xidhaayo aay soo daabulaan, 3- waa in shicibka miyi iyo magaaloba uu qofkastaaba u huraa xoogiisa laba saacadood in uu ku bixiyo sidii hawshaasi u dhamaystiran lahayd hada waa muddada aay hawsha iskaa wax u qabsadu socoto sanadna ha noqotee. 4- shacabka miyi iyo magaalaba waa in aay maalkooda u horaan sida loo quudin lahaa dadka iskaada wax u qabsada ku shaqaayna ya muddada aay hawsha gabyan xidhidu socoto. qodobada oo badnaa aanan intaas ku soo koo bikaraayn ayaan idiiki dhaafayaa magacyadii Oadayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo ee haawshaas suurto geliyey.
1- Cali Hanfi Coofle ( Cali Yare)
(Ibraahim Ndiif markaas uu geeriyooday waxaa badelay)
2- Xawaadle Cilmi
3- Gabax Liibaan
3- Cumar Liibaan
4-Cabdilaahi Batuun
5-Cabaas
6-Cabdillaahi Batuun
7-Maxamed Daahir Libaan ( Ina Gacanloow)
8-( Gabiley District Commissioner Maxamed Cabdi)
La Soco Qormooyinka Dambe
No comments:
Post a Comment
waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada