Tuesday, August 4, 2015

Doorashadii xildhibaanada Golaha Shacabka ee J.Somaliya ( Mar- 25- 1969) Qormadii 4-aad

Doorashadii Xildhibaanada Golahii Shacabka ahaa Ee Jamuuriyadii Somaalida Bishii Saddexaad Shan iyo Labtaatankeedii sannadkii Kun Sagaal Boqol iyo Sagaal iyo Lixfanki Bishiii ( Mar- 25- 1969) Qormadan Afraad waxaa halkii inooga sii socon doona. labdii Xusbi ee kala ahaa Xusbigii Ubax iyo Xusbigii Hadhuudho.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.
Qormadii saddexaad waxa aay inoo joogtey markii Jeanne Dhaem iyadoo Fasalkii labaad ee ardaydii dhiganeysey waxabarashadii dadka waaweyn ee loo yaqaaney Adlasta oo ah eray faransiisa amase loo yaqaaney dhinaca afka Ingiriiska (Adult Education ) oo labada afba micnahooga uu ku soo biyo dhacaayey waxbarashada dadka waaweeyn oo habeenkii ka socon jirtey dugsiga hoose dhexe ee Arabsiyo taas oo la dhigan jirey shan saac oo loo qaaybiyey shan xiisadood oo iskugu jirey jirey :- 1-xiisada Afka Ingiriisiga lagu barto. 2- Xiisada lagu barto afka carabiga, 3-xiisad lagu barto Xisaabaadka iyo maamulka maaraaynta guud, 4-Xiisad lagu barto Saaynis ka iyo Xiisada shanaad ee uugu dambaysa oo lagu dhigan jirey maamulka madaniga ah iyo sida loo maamulo Arimaha bulshada (Civic Life ).
Wacbarashadaasi dadka waaweyn ee wax lagu baraayey baayacmushtarka meheradaha ku lahaa magaalada Arabsiyo iyi guud ahaanba dadkii madaniga ahaa ee ku noolaa magaalada haween iyo ragba ayaa qorshahaasi waxbarasho ee dadka waaweyn la bilaabay badhtamihii 1960s kii . taas oo aay ahaayd seeska ujeedo ee loo dhigey aasaaskii waxbarasho ee dadka waweeyni uu ahaa in loo soo saaro magaalada maareeyayaal maamuli kara arrimaha bulshada ee deegaanka Arabsiyo, hanoqoto xag ilaalin fayadhawrka deegaanka oo laga hortagaayo wixii dhiba ee ku noqon kara aafo deegaankaasi sida xaalufka dhirta looga hortogo oo lagu wacyi-geliyo dadka in uu qofkastaabaa geed ka beero gurigiisa hortiisa, in saxada magaalada la ilaaliyo oo uu qofkastaaba xashiish iyo wixii xumaaynaya saxada bulshada in uu iskii isagu uu isku xilqaamo oo uu sida uugu dhakhsaha badan uugu wargeliyo haayadaha qaabilsan arimahaasi, wixii uu gacantiisa isaguna ku qabsan karo in aanu cid kale la sugin ee uu xalkaa maareeyo.
Waxa kale oo aay ahaayd ujeedada loo yagleelay qorshahaas waxbarashada dadka waaweyn si loo soo dhiso aqoonteeda fahan oo ku saabsan guud ahaan deegaanka aay ku nool yihiin ito si aay wax uuga ogaadaan dunida kale ee aduunyada iyo xadaaradaha dadtowgaas ku nool qaaradaha aduunyada, xadaaradaasina ha noqoto mid soo jireena amase mid dhexee, Qaybta arimaha bulshada waxa aay ardayda Adlastaa dhugan jirtey aay wax kabaran jireen sida wadajire wax loogu wada qabsado iyadoo aan qaayb qaayb iyo qolonimo aan lagu eegaayn danta guud oo wixii dheef iyo dhiba in aay u simayn yihiin bulshadaasi markaa uu ilaahaay dhigay in aay deegaankaasi ku wada noolaato.
Marka la leeyahay arimaha bulshada iyo sida aay bulsho danta guud u qabsato iyadoo ku guusaaysa ( As Team) wax loo dhan yahay oo weliba aay wada wadaagto bulshadaasi guud ahaan in barashadeeda la yaraaysto maaha oo weliba marka si cilmiyeysan loo baranaayo ee looga doodaayo arinkaasi maaha arin meel soke laga soo qaadi karo oo waa qorshe fahanka arinkaasi uu faa,iido weyn u yeelan doono haddii aay bulsho fahanto micnaha danta guud oo hareeraha laga wadajoogaa aay yeelanaayso, weliba ku darsoo midhaha laga faa,iidayo qorshahaasi hadduu fulo aan la koobi karin.
Waxbarashadan dadka waaweyni waxa aay la haayeen koox horjoogayaal ah ( Arabsiyo Elderly Board Of Education) oo dusha kala socda tayada waxbarasho si dadban iyo si toosaba u kormeera habeen kasta hanoqoto habsami u socod ka tacliinta iyo anshaxa waxbarasho, kooxdaa horjooga yaasha ka ahaa qorshahaas wabarasho ee dadka waaweyn waxa aay ahaayeen odayaashii magaalada hormoodka ka ahaa ee xilligaa taladu gacanta aay uugu jirtey.
Marki aay Jeanne Dheam iyadoo talamaysa aay xafiiskii uugu gashay odayaashii magaalada oo uu hormood ka ahaa Cali Hanfi ( Cali Yare ) aad baay u nacdey , weliba markii uu maamulihii dugsiga iyo macalimiintaba oo la odhan jirey Cabdillaahi Khaawi (Kucadeeye) ku yidhi adiga iyo macalinkan kaleba waxaad ku eedaaysan tihiin anshax xumo aad ardayda iyo dugsigaba aaney xamili karin ayaay Jeanne Dhaem aay inta aay indhuhu naxdin ka soo dhici gaadheen tidhi :- ** Cabdillahi aniga waad u og tahay in aan ahay qof ajaaniba oo had iyo goor ka taxadiran qaladaad u kasa in aan sameeyo , waxaase suurtowda in uu qalad isfahan xaga dhaqanku oo aanan anigu ogaayn mar mar yimaado waanan ka digtoonaan doonaa marka dambe ee ha la ii sheego anshax xumada ( misconduct ) aan sameeyay si aay ii ugu noqoto fursad aan hadhow kaga faa,iidaysto?
Cabdlilaahi Kucadeeye inta uu xaggii Odayaasha jaleecay ayu af soomaali uugu turjumay Odayaashii waxa aay Jeanne Dhaem ku garnaqsatey iyo in aay Odayaasha ka dalbatey in loo sheego anshax xumadaay samaaysey si aay mustaqbalka soo socda aaney qaladkaasi mar labaad ku dhicin oo aay uuga digtoonaato. Cali Hanfi ( Cali Yare) waxa uu hadalkiisii ku bilaabay bismilah, horta waxa aan hanbalyo iyo bogaadinba u soo jeedinayaa gabi ahaanba macalimiinta si niyadsamiya uugu haawlan habeen iyo dharaarba waxbarida aqooneed ee bulshada deegaankan Arabsiyo uu ilaahaay dhigey caruur iyo cirooleba, marka xigana waxaan mahad naq u soo jeedinayaa Jeanne Dhaem oo ah gabadh yar oo meel fog uuga timid in aay waxbarto bulshada reer arabsiyo iyadoo gurigoodii uuga soo banbaxdey in aay si hagarli,i ah waxbarasho ugaadhsiiso ciroole iyo caruurba guud ahaan ku nool deegaankan Arabsiyo.
Markii uu Cali Hanfi oo ahaa afhayeenka Odayaasha reer Arabsiyo uu hadaladaa mahadnaqa ah ujeediyay macalimiintii Dugsigaa dhigi jirtey iyo mahanad qaara oo Jeanne Dhaem ah ayaa intuu jaleecay Cabdillahi Kucadeeye oo ahaa maamulaha Dugsiga iyo macalimiintaba uu ku yidhi inta aanan gudo gelin dacwadii loo haaystey Jeanne Dhaem horta intaa u turjun. Cabdillahi Kucadeeye markii uu hadaladii Cali Hanfi u turjumey Jeanne Dhaem, hadaladaasi oo aay aad uugu riyaaqdey Jeanne Dhaem kalsooni buuxdana siiyey ayaa uu Cali Hanfi guda galey mucdii ama nuxurkii dacwadii loo soo jeedinaayey Jeanne Dhaem, waxaani Cali Hanfi (Cali Yare) qaybtii labaad ee hadalkiisa ku bilaabey sidii caadada u ahaayd :-
" Bismilah, Ilaahaay baa mahadleh ,waxaananu u mahad naqaynaa Allihii naga dhigey dad muslimiinta, waxaana nagu waajiba marhadaanu nahay dad muslimiina in aanu sheegno xaqa muslimku lee yahay iyo xaqa aay martida nala nooli aay leedahay. Jeanne ama Jinaweey marka hore waanu ognahay in aayney kala dhaqan nahay kale diin nahayna balse aad tahay inantayadii oo aanu kuu sheegno wixii toosina si aanu kuugu sheegno wixii dhib kuu keeni kara, anagana aad nooga dhawri kartid wixii iimaankayaga iyo dhaqankayaga weliba diintayada muslimka ah ka hor imanaaya, sidaasi daraadeed ayaanu go,aansaney aniga iyo gudoonkan odayaasha ah oo aan afkooda ku hadlaayo in aanu ku soo gaadhsiino wixii tabasho ah ee toosin u baahan ee naga ka soo galey : Intaas markuu yidhi Cali Hanfi( Cali Yare) ayaa uu ujeestey xagii miiska kaga beeganaa xafiiska oo aay ka soo jeedeen Jeanne Dhaem iyo Cabdillahi Kucadeeyo oo isbar bar fadhiyey laba kursi oo isu dhow, waxaanu Cali Hanfi Cabdillahi Kucadeeye ku yidhi Inanta u turjun oo u fasil hadalkaaygii .
Markii uu Cabdillaahi Kucadeeye uu qaybtii labaad ee hadalkii Cali Hanfi u fasiley , Jeanne Dhaem na si fiican u dhugatey aadna u fahantey hadalkii waayeelka odynimo ahaa ee uu u soo jeediyey Cali Hanfi ayaa uu mar labaad Cabdillahi Kucadeeye inta uu eegay dhinacii Cali Yare ka xiga uu u siinyaaleeyey in uu wato hadalkii sii. Cali Hanfi sidii u caadada haayd ayuu hadana mar saddexaadkii ku bilaabey hadalkiisi " Bismillah, Jeanne , caruurta ardayda dugsiga marka aad u dhigaysid kuguma eedaayno dharkaad xidhan tahay ee aad ardaydaasi wax uugu dhigto waayo iyagu waa arday yar yar oo dhib malaha dharka aad xidhan tahay balse waxaad ogaataa marka aad habeenkii wax u dhigaaysid Adlasta ardayda dhigataa waa dad waaweeyn oo dharkan aad habeenkii waa in aad soo badashaa soona xidhataa dhar asturan waayo haddii aad soo xidhato dharkan kugu dhijisen ee aay cawradaada muuhinayaa waay kugu hamoonkaraan ardaydan dhigata waxbarashada dadka waaweyni oo waa rag mudakara, markaas waxaan si nasteexa oo weliba waalidnimo ah kuugu soo jeedinayaa in dhar asturan aan habeenkii la timaado markaad wax dhigaaysid, arinkaasina waay qaatatey Jeanne Dhaem oo habeenkaasi wixii ka dambeeyey waxa aay wax ardayda uugu dhigi jirtey dhar asturan oo weliba xijaaban.
La Soco Qormooyinka Soo Socda
Khadar Jaambiir Egeh

No comments:

Post a Comment

waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada