Sunday, July 5, 2015

Doorashadii kuraasta barlamaanka arabsiyo 1969 kii


Doorashadii kuraasta barlamaanka  arabsiyo 1969 kii 


Waxa inoo soo socda Taariikhda doorashadii 1969 kii waa afartan musharax ku tartamayeey kuraastii barlamanka shacabka ahaa, Goobtu waa magaalada Arabsiyo, musharaxiintuna waxa aay kala ahaayeen oo aay ka soo kala baxayeen xusbigii Hadhuudh iyo xusbigii Ubax oo uu musharax ka ahaa Cumar Carte Qaalib.
Xusbiga Hadhuudho waxaa u taagnaa 1- Cali Hadhuudh ama Cali Warsame Bookh ( Cali Basho). Waxaa kale oo uu ahaa qofka labaad ee u sharaxnaa isla xusbigaas Hadhuudho 1- Xaaji Gaaydh, Musharaxa kale ee Xusbigaasi Hadhuudho u sharaxnaa isna waxa uu ahaa 3- Muxumed Xassan oo loo yaqaano (Budle ) , balse musharaxa qudha ee ku guulaaystey Xisbigaasi Hadhuudho waxa uu ahaa Cali Hadhuudho ama (Cali Basho) oo ka mid noqday barlamankii soomaaliya sanadkaas 1969 oo uu dhacay inqilaankii milerterigu markii cabdirashiid cali sharmaarke la dilay bishii tobnaad shan iyo tobankeedi kun sagaal boqol sagaalyo lixdankii, waxaanu milaterigu xukunkii qabsadey 21 0ktoobar 1969 oo ahaayd maalin salaasa ah . moowduucan oo gaar u noqon doona jaawiigii olole ee doorasho ee aay xusbiyadu is abaabulayeen horaantii sanadkaa 1969 kii iyo jaawga magaalada Arabsiyo oo xilligaa xamaasad olole doorasho oo adag
musharaxiinta iyo xamaasadii doorashadaas ayaaynu geli doonaa bacda ciid haddii ilaahaay yidhaahdo

COMMENTS

  • Farhan Cairo Khadar Jaambiir Egeh taariikhyahan ayaad tahay Anigu xisbiga uma haysan in la yidhaa hadhuudh ee calamada ama astaanta Ayaan moodayay hadhuudhka xisbiga magaciisaba ismaan waydiin maanta ayaad ii ifisay.🔦
    July 3 at 6:08pm · Edited · Like · 1
  • Deka Ahmed Warsame Waa magaalada Arabsiyo musharaxiintii 10/21/1960 Manshallah
  • Fozia Caydid Alah ha unaxaristo
  • Fozia Caydid Asc Adan waxyar ku darsado 3 Musharax Waxay Kala Ahayen Ali Warsame Iyo Xaji Gaydh iyo Cawale Oo Nahuri Nansystisu Ahayd Budle Musharax Mu Ahayn Asidten Ayu Ali Warsame u Aha Tarikhdo dhan Wakaso heli kara Wayo?Inaderkay Oo Cadiff Dagan Ayay Ali Warsame Oriyo Walal Jihin Xaski Ali Warsamena Xidhidh Ayanu lenahay Shugri Dahir.
  • Khadar Jaambiir Egeh Fozia Caydid sax inaadeer laakiin Budle wuu ku jirey Musharaxiinta oo jidhii uugu horaaysayba wax baa si ka noqdey oo waa laga reebay, Cawaale na reer Yoonis Jibriil buu ahaa Reer Kenya ah oo Codkii waa aay u diideen reer yoonis waxaana codkiisii aay...See More
    19 hrs · Like · 1
  • Khadar Jaambiir Egeh Fozia Caydid Cali Warsame waxaa muraaqimiintiisa ka mid ahaa oo uu muqdainka ololahiisa hogaaminayey ragii ugu cadxadaa waxa uu ahaa Axmed maxamuud dhagoole waana kan sawirkiisii xilligaa ololaha doorashadu
    17 hrs · Like
  • Fozia Caydid Wallalo Dayob Aw Calina Muxu Haa isna
    17 hrs · Like
  • Khadar Jaambiir Egeh Fozia Caydid walaal waxaan filayaa in uu ahaa maddaxa ololaha bal waxaan soo saari buuga aan xasuus qorkaasi kaga qoray 1980 kii dad badan oo reer arabsiyooda oo goob joog ahaa doorashada maalintaasi xiitaa Dayib waan hayaa baan filayaa sawirkiisee aan kaayd kaayga baadho
    17 hrs · Like
  • Fozia Caydid Mansha Allah inader Tarikhdu wa mihim Iyada wax Saxda Adigana Ale maskaxda Haku Barakeyo
    16 hrs · Like · 1
  • Guuleed Xidig khader allah yacizak .
    markaxiga waxn kuweydinlaha taarikhda doorashadu dhacday o sax ah sanadka.
    2. cumer carte qalib mamusharax ayu ahaa jagada madaxweyne usharaxan .halka ado raliya nojilci mahadsnid
    16 hrs · Like
  • Khadar Jaambiir Egeh Guuleed cidig sax waan wadaa qoraalka kolkaa wixii qaladana waan sixi doonaa insha allah doorashadu waa aay dhacday march 25 1969 maalin salaasa ah
    16 hrs · Like · 1
  • Guuleed Xidig Thanks alot mr khader
    15 hrs · Like
  • Khadar Jaambiir Egeh Guuleed Xidig Cumar Carte Qaalib waxaan filayaa in aanu u ordeyn madaxwyne balse Cabdillaaho Oomar baa u ordayey Raysal Wasaaraha waxaanan filayaa in uu Cabdillaahi Oomar markiisii hore ahaa Hadhuudho balse markii dambe uu samaystey Xusbi la odhan jirey dab iyo dhagax arinkaa Cumar Carte oo isna watey xusbigiisii Ubax, markii hore na ahaa safiir dowladii soomalida u fadhiyey itoobiya waan soo hubin doonaa in uu maddaxweyne u ordaayey waloo aan isleeyahay oo aan qabo anigu in uu xildhibaan baarlaman u ordaayey hadan waaynu hubin doonaa, Cumar Carte na waa la waaydiin karaa waa xaaye

No comments:

Post a Comment

waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada