Sunday, July 5, 2015

Marxaladii waxbaraasho ee arabsiyo sanaadii 1958-1960s


Marxaladii waxbaraasho ee arabsiyo sanaadii 1958-1960s


Maanta  wax a aaynu Ku soo qaadan doonaa mawduuc taariikh iyo xusuus mudan Ku saabsan ; kaas oo aaynu isdul taagi doono Qaar ka mida sawiradan idiin muuqda magacyadoodii dadka Ku jira ' iyo marxaladii waxbarasho ee Lagu yagleelay Dugsiyada waxbarasho ee uu weli raadkoodu ka sii muuqdo magaalada Arabsiyo sanadkii 1958 kii ilaa 1960s iyo taariikh badan oo waxtar u leh da'yarta maanta Ku nool Deegaanka Arabsiyo
Sawiradan waxaa qaadey macalimad Peace Corps kii Maraykan ka ahaa oo la odhan jirey (Jeanne Dheam). Jeanne Dheam waxa aay ka mid ahaayd macalimiintii , Dhakhaatiirtii, Enjineeradii uu Madaxweynihii Dalka maraaykan ka (John F Kenedy) uu uugu baaqay in aay ka hawl-galaan dunida sadexaad sannadkii 1961 kii wakhtigaas oo uu socdey (Cold War) Dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay labadii qowadoo ee xilligaas jirey oo kala ahaa (Warsaw iyo Nato) oo aay kala hogaaminayeen Maraykanka iyo Midowgii-Soofeyeedku.
John F Kennedy waxa uu qorshihiisaa loo yaqaaney (Executive Order 10924) ee lagu sameeyay ( Peace Corps ) Bishii Saddexaad ama (3-01-1961) isagoo ka duulaya uu yodhi:-" Waxa aaynu shuuciyada kaga qabsan karnaa dunida saddexaad inagoo u dirna ciidan mutadawaciina oo ka caawiya waxbarashada, beerahaha wax soo saarkooda , dhinacyada caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo injineero wadooyinka dhisa kana caawiya soo saarka biyaha iyo wixii la mida.
Jeanne Dheam waxa aay ka mid noqotey oo aay nasiib u heshay in aay ka noqoto macalimad u dhigta ardaydii fasalada 5aad, 6aad, 7aad ee Dugsiga Dhexe ee ku yaala Magaalada Arabsiyo loo naya qaaney (Ahmed Guray Intermediate School). Jeanne Dheam waxa aay ku dhalatey dalka maraykanka sannadkii 1947 kii gaar ahaan gobalka Michigan. Sida xasuus qoran hooyadeed waxa aay ku dhimatey shil-baabuur iyadoo jirta 14 sano, geeridaad hooyadeed ku timid waxa aay ku noqotey dhulgariir oo waxaa ku soo banaanaatey albaabo badan oo aay hooyo kaga beegan tahay ilmo kasta oo maanta iyo xilli horeba ku nool dunida aaynu maanta joogno. Geeridaa hooyadeed iyo rajaynimadeediiba waxa aay galabsiisey in aay ka haajirto meesha aay hooyo macaan ku dhimatey, safarkii firxad ee birmadkii murugana waxa uu la soo galay in aay ku timaado magaalada Arabsiyo oo aay halkaas ka noqoto macalimad Dugsiga Dhexe oo Ardaydaa Axmed Guray Intermediate ka barta maadoyinka kala ah 1-Social Science 2-Engilish -3 Science
-4 Math iyo xiisada loo yaqaan (Gyms) ama Jimicsiga.
Xilligaa aay Arabsiyo ku timid ama aay ka mid noqotey Deegaankii magaalada waxa aay ku beegan tahay muddo imika laga joogo (48 sanno), Da,da aay xilligaa ahaayd waa inta u dhaxaaysa 21-22 jir, markaas waxa aaynu arkaynaa mar haddii aay ahaayd 22 jir in aay haayd gabadh yar oo kacaana ama xilliga aay nolosha kacaanimadu uugu macaan tahay. Bal waxaad dareentaa gabadh yar oo laba iyo labaatan jirta kuna soo barbaartey nolosha maraaykan oo ah dalka uugu dhaqaalaha iyo dheefta badan aduunyada, dhuuniga laquutana ku soo kortay sida (macdonals sandwich, hotdogs, shake-strawbery, shake.milk. starbucks spice brand cofee iyo qaar kaloo badan. Bal waxaad dareentaa xaga {Shower) ka biyo laba ah oo mid qaboob iyo kuwo diiran oo qasabad isku mida ka soo baxaya gabadh ku maaydhan jirtey oo Arabsiyo soo degtey 1967 kii oo biyoole u dhaamiyo dameer afar tanag la saaro ama aay mararka qaarkood iyada laftigeeda Jeanne Dheam inta aay jalxadeeda ka soo dhaansato ceel-biyoolihii nuux caalin inta aay dhabarka u soo ridato aay masaafadii gurigeeda u soo socoto, jidhkana ku maaydhato biyihii oo baaldi lagu shubto waxoogaana girgirihii tanaga timirta ka samaaysnaa aay ku diirsato.
Jeanne Dheam xilligaa aay Arabsiyo timid 1967 oo aaneyba Arabsiyo isla imika aaney dhaamin waxba xilligaa marka laga eego xaga adeeg marka laga reebo dhinaca warsigaadhsiinta oo aay imika aduunyada oo dhemi heer ka gaadhay hada (Technolog- ga casrigee) xilligaa aay Jeanne Dheam aay timid magaalada Arabsiyo maay lahaayn ( electricity , communication, post and mailing deliver etc). Jeanne Dheam waxa aay la qabsatey wax aay la daalaa dhacdaba noloshii aay dadka Arabsiyood xilligaas caadiga u ahaa, waxaanay wada qaaybsadeen maalmo farxadeed iyo maalmo murugaba wixii markaas aay qabaan dadkii ku noolaa Deegaanka Arabsiyo. Waxaa laga badelay magacii hore ee Jeanne Dheam waxaana loogu magac-daray Jinow Cali Yare. Cali Yare ama Cali Hanfi alle naxariistii jannatul fardoowsa ha ka waraabiyee waxa uu ahaa Hogaankii hormood ee Doyayaashii Arabsiyo ee budhiga tacliimeed ee deegaanka bilow aas-aas waxbarasho u ahaa anoo ku soo qaadan doona qaaybaha dambe ee qoraakaayga aan uugu magacdaray milicsigii Arabsiyo iyo aas-aaskii magaalo. markaa cali hanfi (Cali Yare) waxa uu ahaa masuulkii kafaala qaadey Jeanne Dheam ku noolaashaheeda Arabsiyo waxaanu ku daray in uu xilsiga saarayo daryeelkiisa sida gabdhaha uu dhalay oo kale waxaanu uugu wan qalay Jinow Cali Hanfi.
Sawarirada halkan idiinka muuqdaa waxa aay Jeanne Dheam qadey Bishii shanaad 1968 kii, sawiradan bal aan soo qaato marka hore sawirka koowaad oo ah Hooyo Xaawo Saleban oo ka mid ahaayd hooyooyinkii wax ku iibin jirey suuqii 1950s ilaa 1960s kii yaaley magaalada Arabsiyo, suuqaas waxa uu ka soo bilaami jirey sakadii tukaankii Cali Yare ilaa guryihii suufi nuuriye ee aay ku yaaleen aqalkii reer ciise kibaaryo. waxa aay Hooyo Xaawa hortiisa wax ku iibin jirtey suuqii ku yaaley suufi -nuuriye hortiisa.
Hooyo Xaawa sawirkan waxa aay Jeanne Dheam kaga qaadey gurigii inanteeda oo aay la daganaayd jaarna ahaayeen Jeanne Dheam, gurigani waa guri aad iigu reebay xasuus badan oo yaraantaaydii in badan baan ku soo nooladay anagoo alaybadey markaanu kani maadno ku nasan jirney gurigan oo uu daganaa adeer kay muuse Egeh Ahmed ama loo yaqaana Xabadikeentey ilaahaay naxariistiisa janno haka waraabiyee aamiin. Gurigan ka hor inaanu ijaaran adeerkay 1971 kii waxaa gurigan daganaa aamina sheedaal oo aay walaalo ahaayeen cabdilaahi sheedaal, markaas gurigan oo ka koobnaa qol yar iyo mid weyn ,darad , musqul iyo madbakhan hortiisa aay hooyo xaawo lagu sawiray ayaa Hooyo Xaawa aay la noolaayd inanteeda Amina Sheedaal oo ahaayd mulkiilaha gurigan iyo midkale oo ka sii jeeda daradan gurigan. Markaas adeerkay baa ka jaartey gurigan Amiina Sheedaal waxaanay iyada iyo hooyo xaawi u guureen gurigii kale ee ka sii jeeday oo aay la aahayd Amina Cabdillaahi.
Arabsiyo waxaa uu sanadkaa 1967 kii dambayaaqadiisii ee aay Jeanne Dheam magaalada Arabsiyo soo degtey xilli magaalada Arabsiyo guri la galaba laga waayey waayo waxaa mahaalada Arabsiyo isla marqudha ku kulmey oo magaaladii yaraayd buux-dhaafiyay laba qoxooti oo ka soo kala qaxay Jabuuti iyo Cadan.
Jabuuti waxaa ka dhacay poudrie ama buduryeelkii loo yaqaanay (independence) aandibaandaas ama xasuuqii poudrie oo aay qoxooti badan ka soo qaxeen mastacmarkii faransiiska oo si xun u xasuuqay dadkii shacabka reer Djibouti ku dhaqnaa oo dhamaantood lagu soo daadiyey xuduudkii soomalida ee low-yacado , poudrie ku waxa uu jabouti ka dhacay march 27 1967 xasuuqaas oo loo yaqaano ( Independence) ama Aandibaandaas. Isla sannadkaas waxaa Iyana Cadan ka dhacay Dagaalkii jabahadihii carbeed oo loo yaqaanay Taxriir ka ayaa dagaal culus sanadkaa 1967 uu yementa koonfureed gaar ahaan magaalada Cadmeed uu dagaal qaraar ku dhexmaray iyaga iyo ciidamadii Ingiriiska markaas sannadkaa 1967 kii Arabsiyo waxa aay la ciirciiraysaa dad oo haddii aad usha kor u tuurto dhulka kuma dhacaayso waayo waxaa ku kulmay qoxootigii cadmeed oo loo bixiyey xabadi keentey iyo qoxootigii poudrie-ga ee jabouti, adeerkay xabad ama muuse cige axmed waxa uu ka mid ahaa qoxootigaa cadmeed sidaasaa laagu bixiyay xabadi-keentey, Aabahay jaambiir cige iyo Hooyadaydi alle yarxam labadoodaba e aamiin aamiin iyo anoo yar oo bil jirana waxaan ku ka soo qaxnay Djibouti oo Poudrie baanu nahay.
Aasaaskii Waxbarasho Ee Arabsiyo Duqaaydii Bud-dhigeeda U Ahaa. Ilaayskaas
Waxbarashada Dugsi hoose ee laga yagleelo magaalada Arabsiyo waxa uu bilaamay sanadkii ama gu,gii 1958 kii, intiisa xlligaa ka horaaysey magaalada Arabsiyo maay lahaay wax Dugsi hoose ama ku Dhexeba, waxaana aay ardaydu waxbarasho iskuul u aadi jireen Dugsigii hoose ee Gabiley ku yaaley, taasina waxa aay ku tusaysaa in aaney ka hor 1958 aaney Arabsiyo yeelan tacliin waxbarasho oo aay mustacmaradii ingiriisku ku lug lahaayd marka laga reebo madarasadii carabiga ahaayd ee Aw-gaab oo ahaa Axmed Aw-Gaab aabihii iyo malcaamad quraankii uu dhigi jirey oo quraanka lagu baran jirey macalin (Aw-Axmed Cumar Giriig).
Duqaaydii Arabsiyo marka aay arkeen oo aay dhibtey Dugsi la,aanta waxbarasho ee ku waajahan ubadkooda iyo mustaqbalka madoow ee aay aqoon la,aantu ubadkooda galabsiinaayso ayaa maalin maalmaha ka mida aay Odayaashii magaalada oo aay hormood u ahaayeen:-
1- CALI HANFI ( CALI YARE)
2-AXMED GURE
3-IBRAAHIM NADIIF ARABSIYO SENIOR MAYOR
4-SHEEKH CUMAR LIIBAN (ABU-FOQORA)
Isku yimaadeen waxaana shir ku gaadheeyn in aay District Commision kii Ingriiska ee Gabiley joogay aay u tagaan oo aay waydiistaan in Dugs waxbarsho looga dhiso magaalada Arabsiyo macalimiina aay dawlada Ingiriisku u keento .
Markii aay dhiisigii Ingiriis Odayaashii aay u tageen si fiican buu u qaabiley waanu
dhagaaystey arinkii aay uu la socdeen, markii aay Odayaashii dhamaysteen waxa qaatey hadalkii Dhisigii Ingiriis ee Gabiley fadhiyey waxaanu ku yidhi anigu waaxan idiin hayaa macalimiintii ee inta goob waxbarasho la idiiyn dhisaayo idi ku marka hore la yimaada goob ardayda wax loogu sii dhigo.
Intii aan goobtiiba laga dhaqaaqin ee la horjoogo Dhisigii Ingiriis waxa uu Cali Hanfi markiiba uu ku dhawaaqay in laba makhsin oo suuqii hoose ee maasjidka Arabsiyo u dhawaa oo uu lahaa Cali Hanfi uu u hibeeyay Ardaydii Deegaanka Arabsiyo. Isla markii Cali balan qaadey Goobtii-waxbarasho waxa uu Dhiisigii Ingiriisna markiiba u direy magaalada Arabsiyo Labadee macalin ee uugu horeeyay wax dhigid oo baal-dahaba kaga jira kobcintii ilaays aqooneed ee barbaarisay ubaxii Arabsiyo, Labadaas macalina waxa aay kala ahaayeen sidan:-
1- Macalin Faysal Cumar Mushteeg
2-Macalin Aw-jaamac'
Ardaydii uugu horaysey ee Dugsiga hoose labadii qol ee Cali Hanfi ku deeqay kabilaabayna waxa aay kala ahaayeen:_
1-ismaaciil Cali Hanfi
2-maxamuud Cali Hanfi
3-Adam Cabdillaahi Hanfi
4-Cabdi Cumar Ducaale
5-Mohamoud Youssuf Ismail
6-Ina Carab Obsiye
7-pro Abdi Jama Dhimbiil (Shabcaan)
8-Ahmed Abdillahi Bulxan (Ahmed Habeeno)
Ardaydaas oo ah kuwii uugu horeeyay intaas baan ka xasuustaa
5-Axmed Cabdillahi Bulxan
6-Shabcaan
7-Ismaaciil Aw-Adan Cumar Giriig
8- Ina Carab Obsiye
Intaas baa xasuustaaydiiya inta aanan garanaayn ku darsada idinku
Mahadsanidin

No comments:

Post a Comment

waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada