Tuesday, July 21, 2015

Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Sep 03 1952

Khadar Jaambiir Egeh's photo.                                                                                                                                                                                                                  Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalada Kaardif(Cardif). Qormadii 6.
" He was a loving Dad , Husband, kindom Friend indeed with cared and treated beloved ones with smile, grace and incentive gaze by Laura Mataan" erayadaas waxaa ku muusanoowdey markii si arxan-daro ah oo aay jinsiyad nacaaybi ku jirto loo daldaley ninkeedii ( Laura Mataan ) oo aay waayo- murugo iyo daruuro madoow dulhoanayaan kuwaas oo farinaya dareeno dareemaya daaqada badan oo darxumada iyo dabaaylaha duufanada xooga leh wata ee ku soo banaanadey.
Waxana wakhtigaasi u bilowdey murugo aan kala joog lahaayn iyo xasuuso guuna oo kolba ku soo mir-kicinaya wakhtigii wacnaa iyo kalgacalkii qotoda dheeraa ee aay soo wadaageen , kaas oo aay kaga soo baxeen xilliyadii bar bilowgii hadal qaadka jaceylka hadmaa kuugu horaaysey iyo caqabadihii qadhaadhaa hadda waa kuwii naceybka huwanaa ee lagu hayey habeen iyo dharaar si loo kala irdheeyo, xididadana loogu saaro xidhiidhka barasho ee aay wadaageen Laura Mataan iyo Maxamuud Xusseen Mataan ilaayn waatii hore loo yidhi jacayl xaasid ma waayo ama heestii subcis uu ku qaadey macalinkii qaaliga ahaa heestiisii alle yarxame aamiin faysal cumar mushteeg ee uu yidhi:- :- " Laysuma Daayo Laba Isdoonaysee, Haygula Dhicin Meel Xun Iyo Dhagax Leh" !!
Maxamuud xusseen mataan markuu in muddo ah dhawr sanno sano ah uu ku jirey shaqadii badmaaxnimada ee uu u kala gooshayey qaaradaha badan ee yurub, ustareeliya, carabta iyo afrikaba oo aay yaraayd intuu muddadaa dhawrka sanno ahaayd inta uu bari dhuleed arkaba,waxaanay ahaayd shaqadaa badmaaxnimadu shaqo aad u adag oo saacado badan la shaqaynaayo. Waxaanu Maxamud Xusseen mataan aay markabkaas kula kulmey dhalin yar badan oo isaga kaga soo horaaysey shaqada oo qaarkood muddo tobaneeyo sanno ah badda ku jirey oo aay qaar xaaslay ahaayeen oo aay tahli waayeen fursad aay uugu tagaan xaasaskoodii oo aay kaga yimaadeen dhulkii hooyo.
.Badaha laga dhex gooshayaana maay ahaayn kuwo aay sahlan tahay cimiladoodu oo waxaa ka dhacaaya duufaano mararka qaarkood maraakiibta iyo shixnada saaranba halis gelinaaysa, badaha maraakiib taasi aay ka gudbayaan ayaa ahaa badaha aduunyada uugu waaweyn sida badweynta baasifik, atlaantik iyo hindiyaan aawshan, taas waxaa kaga sii darnaa marinada halista ah ee aay maraakiibtu ku gadoonto oo aay wakhtiyo isdaba jooga maraayaan shaqadooduna aay u badan tahay sida marinka khatarta badan ee loo yaqaan k (Cape of good hope) oo ka dhignayd ibixiyoow i bixi ama ilaahayoow noo gargaar.
Maxamuud Xusseen Mataan waxa uu sannado badan uu ku jirey shaqadaa bada ee loo yaqaan ( Seaman ) ayaa sannadku markuu ahaa ama ku beegnayd muddo lagu qiyaaso sannadkii 1944 kii uu si toosa u degay magaalada London ee cariga Ingiriiska oo ku taal gobolka ( England). Muddadii sanadka ahaayd ee uu joogay Caasimad Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada London sida la sheego waay ku fool adkaatey sii joogeeda magaaladaas London, waayo waxa uu kala kulmay booliskii Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada( London) cusiriyad xagga jinsiga madoow oo qarniyo badan lagu hayey oo guuna/
,
Waxaay Boolisku ku eedeeyeen Maxamuud Xusseen Mataan in uu yahay nin dilaaya oo dagaal badan , had iyo goorna ciyaara khamaarka uugu khatarsan ee aayda lasku diro ee sharadka lagu galo taas oo uu had iyo jeer uu isagu ku guulaaysan jirey khamaarkaasi lacagta faraha badan lagu kala heli jirey, Booliskaasina waxa aay uugu yeedhi jireen oo aay uugu magac dareen naanaays aay u baxsheen balaak jaaket ( Black Jacket
.
Markii aay Booliskii( London) iyo Maxamuud Xusseen Mataan aay colaad dheeri dhexmartey ee aay ka dhigeen dhagar qabe iyo dibin-daabyo badan oo aay ku ladhan tahay cusuriyad jinsi-nacaybi oo uu u adkaaysan waayey hagar daamadooda oo had iyo jeer uu u noqdey tuke baal-cad amaba bartilmaameed ayaa uu maxamuud xusseen mataan gooystey in uu dhamaadkii 1944 kii bishii uugu dambaysey uu u guuro magaalo madaxda gobolka waaylis ( wales) magaalada kaardif (Cardiff ama Tiger Bay) halkaas oo aad u munaasibtey xagga shaqada oo uu shaqo fiican ka helay Dekada Tiger Bay oo u dhow faras magaalaha magaalada Cardif.
Weliow aaney magaalada Cardif aaney xilligaa xalaal ka ahaayn cusiriyada ama nacaybka jinsiga madoow oo aay Cardif ahaayd meelaha uugu darnayd xagga jinsi nacaybka ayaa haddana aay Cardif ahaayd meelaha uugu fursada badan xagga helitaanka shaqada bada (Seaman Jobs). Xilligaa ama sanadkaa 1945 kii bilowgii-sii oo ahaa soo afmeerkii dagaal weynihii labaad ee aduunka ayaa waxaa Dekada weyn ee Tiger Bay ka socday fursado badan oo dibi habaayn loogu samaaynayey adeega Dekadaasi Tiger Bay ga.
Waxaana s Dekadaasi Tiger Bay ka socday shaqo aad u badan oo waxaa ka shaqaaynayey iyadoo aay iska garab shaqaaynayaan shaqaale iskugu jira jinsiyado kala duwan oo ka koobn ( Yuhuud, Yurubiyaan, Somali ama Afrikaanis , Carab ) iyo jinsiyado kaloo badan oo aduunyada daafaheeda ka soo jeeda.
Hadaba bilowgii sanadkii cusubaa ee 1945 waxa uu Maxamuud Xusseen Mataan uugu bishay sannad farxadeed waayo waxa aay isbarteen oo uu dhexmarey jaceylkii ku dhacey qaays iyo layla ama kii ku dhacay cantar iyo ceebla amabse kii ku dhacay ( Rose iyo Mr Dawsan ) ee ka dhex dhacay markabkii ** Tatanic april 15 1912 ** kii hadda waa markabkii ku degay badweynta atalaantik , gabadh cadaana 17 jir kana soo jiida Gobalka Wales duleed keeda magaalada Cardif dooxada loo yaqaano ( Rhonda Valley ).
Laura Williams oo loo yaqaano Laura Mataan ayaa ah gabadh yar oo da,deedu ahaayd 17 jir lana nool qoyskooda aabaheed, hooyadeed iyo walaaladeed markii uu jaceyl qoto dheeri uu dhexmaray iyada iyo saygedii laga diley bishii sagaalaad saddexdeedii sanadkii 1952, Laura Mataan iyo reerkoodu waxa aay ka soo guureen dooxada loo yaqaano ( Rhonda Valle y 1030s kii ) oo aay soo dageen Tiger Bay oo ah magaalada Cardif halkaas oo uu aabaheed shaqo u soo raadsadey.
Laura Williams ama markii dambe loo yaqaney ( Laura Mataan ) xilligaasi aay kulmeen Maxamuud Xusseen Mataan waxa aay da,deedu ahaayd 17 jir oo weliba waxa aay ahaayd gabadh aan ku ababin suuq iyo bixitaan hore oo waxa aay ahaayd gabadh gurigooda iyo shaqadeeda oo u dhaw Tiger Bay-ga ku eeg, hadda waa gabadh yar oo reer yuruba aanan ku walfin dibad bax iyo barasho inamada asaageeda ah. Iyaba waa cajaa,ibe oo waxa taas ka u sii dheeraa iyada oo ahaayd gabadh yar oo akhlaaq iyo qurrux uu Eebe ku manaaystey, tilmaanteeda gaarka ahina waxa aan ku mataalaa ilaayn qurruxi iskuma jirte mid loogu yeedhey magaceega gaara ah amba lagu majiirto muuqaal sawirka humaag araga fog oo ah ( Heego-Muqdheer) hada waa miduu abwaankii somaliyeed ku sifeeyey heelada:-
Casarkii Cadceedoo
Godka Cidhibka gelisoo
Ka sokeeyo Caadoo
Falaadh Wada Casaana
Ku cadaaysey baalaha
Ama Laanta Canabkoo
Hoobaan La ciirtiyo
Canbaruud Bislaadiyo
Cagaarkoo Iftiimiyo
Caleen Ubaxa bixisiyo
Cagaarkoo Iftiimoo
Cidi Daaqin weyee
La Soco Qormooyinka Dambe

Qoraalkii:   

                                                                                                                                                                                                                              





























No comments:

Post a Comment

waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada