Wednesday, July 22, 2015

Doorashadii Xildhibaanada Golahii Shacabka ahaa Ee Jamuuriyadii Somaalida Bishii Saddexaad Shan iyo Labtaatankeedii sannadkii Kun Sagaal Boqol iyo Sagaal iyo Lixfankii (Mar25-1969) Q3-AAD

Khadar Jaambiir Egeh's photo.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.
Khadar Jaambiir Egeh's photo.

Doorashadii Xildhibaanada Golahii Shacabka ahaa Ee Jamuuriyadii Somaalida Bishii Saddexaad Shan iyo Labtaatankeedii sannadkii Kun Sagaal Boqol iyo Sagaal iyo Lixfankii (Mar25-1969) Qormadan oo tii saddexaada waxa aaynu duljoogsan Magaalada Arabsiyo iyo Labadii Xusbi * Ubax * * Hadhuudho * iyo Afartii Musharax ee Labadaa Xusbi ka sharaxnaa, sidoo kale waxa iyana inoogu wehelin doona duruufihii intii aaney doorashadu bilaamey ku xeenaa guud ahaan nolosha magaalada oo aaynu dib u milicsan doono.
Waxa aaynu ku jirney buugii aay Jeanne Dheam ka qortey taariikh badan oo ku saabsanaa noloshii Arabsiyo iyo weliba arrimaha waxbarashada magaalada Arabsiyo ee waagaasi iyo duruufhii waxbarasho ee soo maray magaalada Arabsiyo, kuwaas oo ahaa marxalado kala duwan oo midkastaba aay cutubyada buugeedaasi oo la yidhaahdo marka afsoomaali loo turjumo (Awrba Awrkuu Ka Horeeyo Ayuu socodkiisa Leeyahay ) aay kaga halayso si qotodheer ayaa hadana waxa aay buugeedaasi aay kaga waramaysaa marxalidahii ololaha doorashada ee magaalada Arabsiyo ka dhacaayey kuwaas oo aay goob joog ka ahaayd , waxaa kale oo aay goob joog ka ahaa habeenkii Inqilaabkii melaterigu xoog ku qabsadeen dawladii shicibka ahaayd 21-0ct-1969 markii la diley Maddaxweynihii Jamuuriyadii Somalida Cabdirashiid Cali Sharmaarke laguna diley subax Arbaca ah 15-0ct-1969 Magaalada Laascaanood.
Jeanne D,heam waxa aay ahaayd gabadh yar oo u dhalatey dalka maraaykanka gaar ahaan Gobalka New Jersey, haddaba imiaatinkeedii magaalada Arabsiyo in aay macalimad ka noqotey bilowgii sannadkii 1968 kii muu ahaayn wax ku soo booda ah balse waxa uu ahaa qorshe aay dawlada maraaykanka oo xilligaasi 1960 gii ku jirtey dagaalkii qaboobaa ee ka dhexeeyay labadaa dawladood ee ahaa midowgii soofeyeetka iyo maraykanka.
Markaas waxaa jirey in quwadii midowga soofiyeet aay qaarada afrika looga baqanaayey hadda waa marka la eegayo xagga istaraatatejiyada marinka hormoos iyo gacanka cadmeed ama bada cas aay xoog weyn ku yeelato, taasina markaas aay saameeyn weyn oo khatara ku leedahay qowadihii reer galbeedka ee uu hogaaminaayey maraykanku iyo danahooga siyaasadeed ee aay ka lahaayeen badacas iyo afrikaba waayo midowga soofiyeet ayaa waxa uu saldhigyo badan ku lahaa dalka masar iyo marinka keenaal suways ( Canal Suez ) taas oo caqabad weyn oo laf dhuun u gashay ku noqotey reer galbeedka oo uu markaa hogoonka u hayo dalka maraaykanka
Sannadkii 1961 waxaa madaxweyne ka noqdey dalka maraaykanka( John F.Kennedy), isla sannadkaas waxa uu John F.Kennedy soo jeediyey fikir uu ku qeexayo in uu maraaykanku kaga qabsan-karo midowgsa soofiyeet oo uu kaga adkaan karo in uu maraaykanku u diro dawldaha dunida saddexaad ciidan mutadawaciina ( An army Volunteers ) kuwaas oo dadyowga dunidaa saddexaad ka caawinaya 1-dhinacyada waxbarashada oo macalimiin ardayda u dhigta loo diro, dugsiyo badana loo dhiso, 2- xagga biyahana wax soo saar loo sameeyo oo ceelal badan loo qodo, 3-Caafimaadka oo loo diro dhakhaatiir macalimiina oo ka caawiya in aay soo saaraan kalkaaliyaal caafimaad oo tayo leh, loona dhiso xarumo caafimaad oo daryeelka guud ee caafimaadku aad u sareeyo.
3- In laga caawiyo xagga wax soo saarka beeraha oo loo diro khuburo ku takhakhusey dhinaca beeraha oo la baro beeralayda dhinaca wax soo saarka beeraha oo loo isticmaali karo wax soo saarkaa mid dhoofineed iyo mid dalka gudihiisa ku filan labadaba. Markaas uu soo jeediyey John F.Kenedy qorshahaas in ciidan mutadawaciina (An army Volunteers) loo diro dunida saddexaad si loogaga adkaado dagaalkaa xeeladaaysan in aanu awood badan ku yeelan midowga soofiyeet dunida saddexaad ayaa uu bishii saddexaad kowdeedii kunsagaal boqol iyo kowiyo lixdankii (Mar-1-1961) uu amar maddaxweyne ( Executive Order 10924) oo uu tirsigiisu yahay 10924 uu ku amray waaxdii u qaabilsanynayd arinkaa in lagu sameeyo hayad loo yaqaan hawlgalkii nabada ( Peace Corps ), sanadkaa 1961 markii la sameeyay hayadii hawl galka nabada dunida sadexaad (Peace Corps) ayaa hal sanno ka bacdi loo direy in ka badan 210,000 oo mudadawaciina dunida saddexaad (210,000 amercican peace corps mostly were young and high spirit volunteers).
Jeanne D,heam waxa aay ka mid ahaayd ( Peace Corps ) kii Arabsiyo uugu horeeysay ee la keenay, xilligaasi da,deedu waxa aay ahaayd 22 jir, waanad dareemi kartaa xilligaasi inan yar oo cad kuna barbaartey New Jersey, kuna jirta da,da qofka dhalin yaranimada xilliga aay uugu macaan tahay oo ah weliba gabadh ku barbaartey dhulka lagu tilmaamo in uu hromurka aduunyada uu calanka u sido , bal hadda ba gabadhaas yar ee da,deedu taha 22 jir ka ee ku soo barbartey New York iyo Detroit Michigan oo afna aan garanayn meesha la keenay hada waa arabsiyo,e oo aan lahayn laydh, biyo qasabado laga shubto, shoolad laydh ku so cota ama gaas o cuntada lagu karsado amabase talaajad biyaha qaboow laga la soo baxa amase mashiin dharka lagu maaydh ,waxaa soo dhanse gabadha ku soo barbaartey balse aaney Arabsiyo ka helaayn oo waagaas ah tuulo yar oo faaynuus uun la daardtaa, dadkana aan afgaranayn bal sideed akhristow aad adigu dareemi lahaayd haddii aad jeenne D,heam ahaan lahayd!!
Waxa aay Jeanne D,heam ku biloowdey xilligaa aan Arabsiyo tagey ee aan ka ahaa macalimada wax ka barta ardeyda dugsiga dhexe 1968 kii ayaa isla usbuucii dambena laaygu wargeliyey in aan wax ka bari doono ardayda dhigata habeenkii Adlasta (Adult Education ) ama waxbarashada dadka waaweyn oo aay dhigtaan odayaashii magaalada hormoodka ka ahaa iyo baayacmushtarkeedii.
Waxa aay tidhi Ardeyda dugsiga dhexe waxaan wax uugu dhigi jirey dharkii ii dhaqanka ahaa ee awalba markaan maraykan joogi jirey aan xidhan jirey wax dhibana ama canaana kalamaan kulmi jiren markaan anoo dharkaas xidhan wax uugu dhiga ardayda dhigata dugsiga dhexe oo wax dhaliila odayaasha magaaladu igamaay keenin balse markii aan u bilaabey Ardaydii dhiganaysey Adalsta ama waxbarashada waaweyn arinku wuuka duwanaadey sidii hore oo habeen habeenimada ka mida aniga oo u dhigaya ardeydii fasalka labaad dhigan jirtey ee Adalsta oo ka koobnayd 40 ardey baa inta uu Cabdillaahi khaawi oo ku magac dheeraa (Kucadeeye) ahaana maamulihii dugsiga ee madaxda noo ahaa uu soo garaacay albaabkii fasalka laga soo gelaayey baa uu igu yidhi odayaashii magaalada ayaa ku rabee xafiiska ama ( office) ka kaaley markaad xiisada dhamaayso halkaas baay kugu sugayaane.
Markii aan xisadaaydii oo ahaayd barida luuqada ingiriisiga iyo sayniska oo aan ardayda Adalsata oo ka koobnayd afar fasal baro saacaduna aay ku dhowdahay siddeedii fiidnimo ayaa xaggii xafiiska dugsiga hoose ku yaaley u baxay, habeenku waa mugdidi oo cado maaha, dhulkuna aad buu u madoow yahay, markaad fasalka ka soo baxdo ee aad dibada u soo baxdo waxba ma kala arki kartid waayo tiriig ama nalka maashooga loo yaqaan baanu wax ku dhignaayoo aad indhaha kaaga tuuraya.
Xaalku sikastaba ha ahaadee xafiiskii oo laydh weyni ka baxaayo ayaan hore u galay oo aay odayaashii magaaladu iyo cabdillahi khaawi (Kucadeey ) iyo macalinka loo eedaaysane ahaa oo aay odayaashi ku eedaayeen sigaar buu ku cabay fasalada hortooda ayaan uugu tegay. Odayaasha magaalada ee isugaayey waxaa hormood u ahaa Cali Yare oo halkii aabahay iigu jirey had iyo jeerna i dhaqaalayn jirey, markii aan galey ee aan kursigaaygii fadhiistey odayaashi toos uu maay eegeeyn oo indhahooga waay iga lalinayeen iyagoo mararna hoosta geeyayey waan shakiyey oo waxaan isleeyahay tolow maxaad samaysey aadna waan u gariirey oo magaalada Arabsiyo Odayaasheeda iyo deegaankuba ma ogola qof beri lagu sheegay uun in uun uu khamri cabey, balse nasiin wanaag sidaan Arabsiyo u imid khamri macabin berigii hore ee aan maraykan joogayna khamrigaba maan jeclayn oo waxaan ogaa in aaneyna taasina igu haaysen.
Marlabaad baan haddana talamayoo waxaan is-idhi dadku waa dad muslima qaansiirkana waay neceb-yihiin tolow ma cismaan tuug ayaa ku masabidey oo waxaa jirtey in beri aan sii fogayn laasxadhaadh agteeda laga helay doofaar la qalay , kolkaas baan isleeyahay ma Cismaan Tuug ( Shaydaan Coofle ) oo u ahaa waashmaan ma isagaa ku wanjalay oo leh iyadaa ii qalatiri doofaarkaas laasxadhaadh lagu arkay hilibkiisii.
Anigoo aad u anfariisan xoogna u talamaya ayuu Cabdillahi Kucadeeye intuu si cadho leh ii soo eegay igu yidhi adiga iyo macalinkaba eedaaysanayaal baad tiihin ???
La Soco Qormooyina Dambe
Khadar Jaambiir Cige

No comments:

Post a Comment

waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada