
Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii Uu gu Horeeyay Ee Lagu Billabay Magaalada Arabsiyo Qormadii 3aad.
Qoraalkan aan kaga hadlaayo marxaladaha taariikheed ee waxbarashada Dugsiyadii uugu horeeyay magaalada Arabsiyo ayaa ah mawduuc dhumucdiisu iyo laagaha uu ku fadhiyaa kuwo qoto dheer oo marmaba marka ka sii dambaysay tuuro daba-taxana oo taariikh da,weyn idila geli doonta inkastoo ujeedada qoraalkani uu yahay in uun inoo iftiimiyo si guud marxaladihii waxbarasha ee lagu bud-dhigay aasaaskii ilaayska aqooneed ee degmada Arabsiyo iyo Aabayaashii hormoodka ka ahaa iftiinkaas aqoomeed.
Sida aaynu hore u soo sheegnay sanadku markuu ahaa 1958 kii gu,gaas waxaa laga hirgeliyey magaalada Arabsiyo labadii fasal ee wax lagu bari lahaa ardaydii fasalka koowaad ee ka soo kala jeeday deegaanka balaadhan ee aay xukumi jirtey xilligaas magaalada Arabsiyo.
Hadaba aan ku bilaabo sidii aad qormadii koowaad aad ku soo aragteen intiinii la socotey mawduucyadan aan ku bilaaynay taariikhdii dugsi waxbarasho ee aay soo martay magaalada Arabsiyo oo waataaynu nidhi Odayaashii magaaladu waxa aay u tageen District Commissioner kii Iingiriis ee fadhiyey Hargiesa, waxa aan ka cudur daaranayaa qoraalkaygii hore in aan idiinku sheega Odayaasha reer Arabsiyo ee waagaasi in aay District Commissioner ka Ingiriis aay uugu tageen Gabiley, markaas waxaan kale oo aan halkan idiinku iftiimin doonaa in aaney Gabiley District ahaayn xilligaas oo Gabiley laftigeeda Hargiesa laga xukumi jirey.
Gabiley waxaa Degmo laga dhigey sannadku markuu ahaa ama gu,gii 1963, Degmadnimada Gabiley waxa aay ku timid dadaal dheer oo uu in badan ku soo jirey alle naxariistiisa janno haka waraabiyee Sheekh Muxumed Warsame (Sheekh Muxumed Yare). Sheekh Muxumed Warsame oo ku magac dheeraa (sheekh muxumed yare) halgankiisa degaanimo muu ahaayn mid uun ku koobnaa oo qudha in Gabiley Degmo noqoto taas oo midhahiigii aay dhashay in Degmo aay noqoto Gabiley gu,gii 1963.
Waxaase kale oo jirtey in uu sheekh muxumed warsame horaantii sanadkii 1950 kii in uu inta uu gargad dhooba aha oo ahaayd meherad uu lahaa baneeyo uu arday badan halkaas ku soo ururiyo dawladii ingiriisna waaydiisto In macalimiin iyo agabka waxbarasho laga caawiyo balse dadaalkaas baahinta aqooneed ee uu horseedka ka ahaa sheekh muxumed warsame waxaa ganafka ku dhuftey niman turjumaano ahaa oo reer hargeysa ah taas oo aay District Commissioner kii Ingiriis ee Hargeysa fadhiyey ku yidhaahdeen qoeshaha caawineed ee uu sheekh muxumed yare ku dalbanaayo in macalimiin iyo agab-waxbarasho in aaney habayaraatee waxba ka jirin meeshuna aay tahay malcaamad quraan yar oo dhawr arday dhigtaan balse aragtidaasi iyo turun-turiiyinkaas loo dhiga sheekh muxumed raage maay ahaayn kuwo ka niyad jabiya in aay ardayda deegaanka Gabiley helaan tacliinta aay xaqa u leeyihiin, arinkaasina waxa uu sii kordhiyey dadaalkiisuu oo uu ku gulaystey in aay fasalkii koowad sanadku markuu ahaa 1952 in loo yagleelo Dugsigii uuguu horeeyay oo saddex fasal ah lona yaqaanay (Riis Elementary School 1952).
Dugsiga loo yaqaano Qalax oo isna Dugsi dhexe ah waxaa ardatdii uugu horaysey galeen 1958 kii. Waxaana Dugsigaas maamulayaal ka ahaa Aden Axmed Isaaq, Jaamac Maxamed Badmaax iyo Cumar Carte oo isna maamule iyo macalinba ka ahaa sanadadaa 1958-1959. Markaas taariikhdaas Gabiley iyo xilligaay DEgmo noqotay iyo Dugsigii uugu horeeyay oo loo yaqaanay Riis Elementary shool kaas oo la yagleelay markuu sanadku ahaa 1952 kii aan intaas ku dhaafo oo aan u soo noqdo markii aay Odayaashii reer Arabsiyo aay u tageen District Commissioner kii Ingiriis ee Hargeysa joogay kaas oo aay ka dalbanayeen in aay mustacmarada Ingiriis ka caawiso Degaanka Arabsiyo Agab-waxbarasho macalimiin iyo tayaanya caafimaad ee uu qabey Deegaanka Arabsiyo waagaasi.
Anbabixii Odayaasha Arabsiyo iyo safarkoodii hswleed ee aay ku tagayeen magaalada Hargeysa oo xilligaas ahayd casimada looga taliyo maxbiyadii Ingiriis oo loo yaqaanay sida duuwaanada taariikhda gumaaystaha ku jirta (British Proctetorate Somaliland). Anbabaxaa safar ee aay Odayaashii hormoodka iyo haldoorka ka ahaa magaalada Arabsiyo oo aay hogaaminayeen1-Cali Hanfi Coofle (Cali Yare) 3-Braahim Nadiif oo ahaa Duqa magaalada iyo ka saddexaad oo ahaa Axmed Gure ayaa daaranaa sida aay Badhasaabkii Ingiriis ee fadhiyey Hargeysa aay uugu qancin lahaayeen in magaalada Arabsiyo laga bilaabo Dugsi hoose oo wax aay ku bartaan ardayda ku nool deegaankaas balaadhan oo aan haaysan goob aay wax ku bartaan isla markaana aay daawlada ingiriis ka caawiso agabkii iyo kaabayaashii waxbarasho suurta galin lahaa kuwaas oo aay ka mid ahaayeen marka uugu horaysa in ardayda loo dhiso goob dugsi oo ka kooban laba fasal iyo hal xafiis, hal stoodh oo buugaagta lagu keeydiyo iyo in aay ardaydu helaan tacliintayo leh oo loo keeno macalimiin tayadoodu saraayo.
Weli waxa aaynu ku jirnaa safarkii anbabax ee odayaashii hormoodka u ahaa waagaas guud ahaan deegaanka Arabsiyo ee aay uugu kicitamayeen Caasimadii Hargeysa oo xilligaas ahaayd halka looga taliyo maxbiyadii Ingiriiska ee *British Protectorate* loo yaqaaney.
Qorshaha safarkoodu sida aaynu hore u soo sheegnay ayaa waxa uu ka koobnaa sidan:- 1- in loo helo goob wax lagu bara dhalaanka mustaqbalka waxbarasho gaadhay ee dagaanka Arabsiyo guud ahaantii ku nool kuwaas oo xaq u leh in loo dhiso Goob waxbarasho, macalimiin iyo agab waxbarasho oo aay tayadiisu saraayso, sida buugaagta daabacan, miisaska iyo kuraasta lagu fadhiisto sabuurado wax loogu dhigo, 2-Qoddobkan labaad baa isna ahaa in deegaanka Arabsiyo loo dhiso dakhtar yar oo uu u dhan yahay agabkiisii fudaaydin lahaa in loogu adeego shacabka sida umulisada, gargaarka deg dega ah dhakhaatiir aqoon u leh iyo wixii weheliya agab caafimaad oo dhan.
. 3- Qoddobkan saddexaad ayaa dhigayey in loo dhiso xero lagu daaweeyo laguna daryeelo xoolaha nool xeradaasina waxa loo yaqaanaa (Xero-dhibta) 4- Qoddobkan afraad ayaa isna ahaa in loo dhiso stoodh lage kaaydiyo daawooyinka caafimaadka dadka iyo xoolaha kaas oo ku ooli jirey halka u dhaxaaysa beerta dayax iyo Abiib cabdillaahi, Gurigaas ama stoodhkaas loogu tala gelay in dawooyinka lagu kaaydiya waxaa la siisyey sannadku markuu ahaa 1958 kii macalinkii qaaliga ahaa ee faysal umar mushteeg oo guri ahaan u gali jirey, waana halkaay ka bilaabmatey kabaadii hore ee Arabsiyo ee aay ka mid ahaayeen Cabdillahi Dhagareed,Hirad iyo qaar kaloo badan laguna sameeyay heesihii subcis sida heesta loo yaqaano *Degan* ee aay midhaheeda ka mid ahaayeen:-
Deganaayn sida doox
Daad marayoo
Darintii kaga taal
Labada dacaloo
Duunyadii weli
Daaqin Baad tahayee
Deganaayn sida doox
Daad marayoo
Darintii kaga taal
Labada dacaloo
Duunyadii weli
Daaqin Baad tahayee
5-Qodobka shanaad oo qorshahaas isna uugu weynaa baa ahaa in magaalada Arabsiyo oo ku qaniya dhulbeereedka iyo weliba beer-biyoodka loo yaqaano bustaanada in beer-weyn oo siidhadhka lagu beero laguna daryeelo dhirta si looga hortago caalufka iyo nabaad guurka in magaalada laga sameeyo Beertaasna waxa aay soo jirtey ilaa waagaas ingiriiskii ilaa sanadkii 1988 kii waxaana hlwadeenka ahaa beertaas Cabdilaahi qalinle axmed oo loo yaqnaay shabeel balse beertaas garanmaayo in aay imika jirto waxaase aan u soo qaatay in aad la socotaan hantiyihii degaanku lahaa ee aay weli shaqsiyo gaari ku camal falaan.
Magaalada Arabso xilligaas 1950s kii waxa aay ahaayd magaalo aad u kooban oo sida la sheego ama taariikhdu warinaayso magaalada Arabsiyo oo maheredii uugu horaysay ahaayd 1928 kii waxaa dhisay Ibraahim cabdillaahi oo ahaa Aw muxumed Ibraahim aabihii sida yuusuf cali maxamed odey laga hayana isagoo ka waramaaya berigii meheradaa Ibraahim ee ceelbiyoolaha agtiisa ahaayd ka waramaaya waxa uu yidhi yuusuf cali:-* Meherada uugu weyn buu ahaa , Guri aad u qurrux badana wuu lahaa oo dhawr daaqadood leh iyo albaab weyn, dushiisana waxaa marsanaa sibidh, laban na wuu ka samaysnaa, markaas anoo aruuta oo adhiga ku soo foofiyey halka uu dugsiga dhexe yahay ayaan dooxan oo laag yara inta aan gebiga ka soo boodo , dooxan laagta ahna aan ka soo ta laabo aan iman jirey meheradii aw muxumed aabii Ibraahim, inta kale magaalado dasooyin iyo waabab gerdado sarab iyo dhoobo isku jirta baay ahaayeen*.
Markaas hadaba horaantii 1950s kii magaaladu waxa aay ahaayd magaalo aad u kooban oo suuqa quburista loo yaqaano ilaa sakada suufi nuuriye aan dhaafsiiynay, suuqa uugu weeynina ee hilibka,khudrada ,sonkorta lagu , dharka iyo wax badan oo kale lagu iibiyaana waxa uu ku yaalay sakadaas suufi nuuriye ilaa xaaji jiidhe horteeda oo sakadii xaaji amare uu tukaanka ku lahaan jirey ee tarawele uu lahaa sakadaa waxaa la dhisey 1967 kii oo xilligaas 1950 gii-1966 maa jiren. halka uu yahay saldhiga boolisku xilligaasi 1950s kii ilaa 1969 kii waxa aay ahaan jirtey suuqii tumaale-yaashe, hadhuudhleeyda iyo baadlayaasha, saldhiga xabsiga ee dadka lagu xidhaana waxa aay ku taalay halka aay degmo aw gaab daganayd ee reer aw xassan agtooda, xafiiska dacwaduhuna waxa uu ku yaalay sakada guri aay isku sakad yihiin xaaji abdi obsiiye hada waa sakada galbeed kaga beegan sidaan filaayo imika saldhiga boolisku halkuu yahay, bacadlayaashuna iyaguna waxa aay ku yaaleen halkaas uu imika yahay saldhiga bilaysku, xaanalayda iyo dumarka sonkorta iibiyaa iyo xawaashyaduna waxa aay suuq yar oo jiin-gado biro tiirar u yihiin ayaay ku lahaayeen halka warshadad laaydhku ku taalay oo halkaas waxaa kaga soo jeeday meherad uu cabaas lahaa oo gabyanka dooxa u dhawayd.
Xilligaas hadaba baabuurta hargiesa u baxda ama jabuuti ee loo yaqaanay kuryeeli waay yaraayeen . Waxaana mahaalada Arabsiyo labadii usbuucba mar dhinaca hargeysa uuga bixi jirey hal baabuur, hal kalena bishii ama labadii bilood buu u bixi jirey jiuuti, labadaas baabuurna waxaa kala watey laba nin oo la kala odhan jirey Sacad iyo Feero-gaas. Istaanka baabuurta laga raacaana waxa uu ku yaalay geedka weyn ee ku yaala halka uu saldhiga bileysku imika uu yahay ee dariiqa yari u dhaxeeyo misgiid-jaamaca oo isna la dhisey 1964 kii.
Haddaba marka la tegaayo Hargeysa ama Jibuuti waxaa magaalada ka bixi jirey hal dariiq oo u dhexeeyay halka uu imika maskiid-jaamacu yahay iyo saldhiga bileysku, waxa uu dariiqaasi marka wax yar loo jiro daanyaale aay baabuurti ku yar xakan jireen si rakaabka iyo alaabta saaranba loo xisaabiyo baabuurta loona hubiyo. Marka aay xisaabta alaabta iyo rakaabka baabuurta la hubiyana ayaa aay wadayaasha baabuurtu shidhka u geli jireen baabuurta si aay safarkoodii hore uugu sii socdaan, xilligaasi oo aan ahaayn xilligan casriga ah ee dunida dhinac kastaba aay xag welba uuga horumartey ayaa xilligaasi darawaliintaas baabuurtaas iyo kirishbooyiinyooduba aay dhibaato ku hayeen rakaabkaasi oo aan inta badanba baabuur arag korisna hadalkooda daaye, marka dadka rakaabka ah baabuurtaa la saarayo waa la badh daba teegaari jirey oo xiitaa iyagoo anfariirsan ayaa salaanka lugaha garab marin jirey kirishboyguna baabuurta dushiisa ayuu inta uu garbaha soo qabto iyagoo miyir la sagxada hoose ee baabuurka fadhiisin jirey, markuu baabuurku dhaqaqana kuwa aan hore baabuurba u arag dhirta iyo cirkaa u guur guuri jirey oo markaas baay madax wareeri jireen oo hunqaaco dhabtooda buuxin jirtey.
Baabuurtaasi maay ahaan kuwo xaawli badan ku socda oo sood koodu aad buu u gaabnaa waagaas oo taayirkuun baa rogman jirey baan isleeyaha. markaay daanyaaale ka dhaqaaqaan toddobada subaxnimo ee aay ku sii yar hakadaan magaalooyinka geed-abeera , Xidhinta oo xilligaas aad u camirnaa lagana heli jirey makhaayado iyo tukaano yar yar oo aad u camiran dadkana u khidmeeya laguna hakan jirey si aay dadku uugu nastaan kana adeegtaan inta ka hadhay safarkooda, baabuurtana lagu sii giijiyo wixii ka dabca. Xidhintu waxa aay ahaayd ubucda weyn ee kala qaybsa dariiqa cad oo u kala baydha qayb hargeysa u baxda iyo qayb galbeedka u baxda oo ilaa jabuuti tagta, waana halkii loogu heesi jirey halkuu xaaji gaydh xamaanta dhigtiyo xajkeenuna xidhinta weeyaan. Markaas baabuurka Arabsiyo ka soo baxaa toddobada subaxnimo ee arooryaad waxa uu gaadhi jirey Hargeysa lixda makhribnimo ee galab dhac.
Iyadoo aan sidaas hadaba uuga soo sheekaaynay safarka Arabsiyo ee ilaa Hargeysa lagu tagaayo in aanu sahlanayn waagaas ayaay Odayaashii reer Arabsiyo ee u socday danta shacabkooda uugu anbabaxeen Hargeysa iyagoo ijaartey gaadhigii Sacad oo ingaudh u ahaa iyaga sii socod iyo soo socod si aay u soo gutaan hawsha dadaal ee aay degaankooda iskaga xilqaadeen ilaahaay dhamaan Aabayaashaas ama awoowyaashaas qabriga ha u nuura idikuna faataxada u soo mara aamiin.
Markii aay tageen subaxnimadii dambe xafiiskii badhasaabka ee Ingiriis ayaa markiiba uu badhasaabkii kala horyimid Odayaashii waji furan iyo gacmo soo dhawayn diiran wata, markii aay doododii iyo dood celin laays dhaafsadey dhamaan shantii qoddob ba in uu usbuucaas ku fulin doono ayuu badhasaabkii ku balan qaaday balse waxa uu ku xidhay laba shuruudood qodobkii tacliinta mida uugu horaysa waxa uu yidhi inta dugsiga la idiin dhisaayo waa in aad la timaadaan goob guri oo caruurta wax laagu dhigo, shuruuda qoddobkaas markiiba waxaa ka jawaab celiyey Cali Hanfi Coofle oo laba guri oo uu suuqa hoose ku lahaa uugu deeqay in ardayda wax lagu baro, shuruuda labaad ee lagu xidhayna waa in aay marka hore diyaariyeen ugu yaraan 25 arday oo lagu bilaabo qaybtan soo socota oo aad u xiiso badan la soco
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige
No comments:
Post a Comment
waad ku mahad santahay fikrad dhiibashadaada